caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda As-Saaffaat الصافات

182 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 56

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ إِلَٰهَكُمْ لَوَٰحِدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ ٱلْمَشَٰرِقِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنْيَا بِزِينَةٍ ٱلْكَوَاكِبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَٰنٍ مَّارِدٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

دُحُورًا وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَنْ خَطِفَ ٱلْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ ثَاقِبٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَآ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ذُكِّرُوا۟ لَا يَذْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا رَأَوْا۟ ءَايَةً يَسْتَسْخِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَءَابَآؤُنَا ٱلْأَوَّلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَٰخِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَا هَٰذَا يَوْمُ ٱلدِّينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱحْشُرُوا۟ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ وَأَزْوَٰجَهُمْ وَمَا كَانُوا۟ يَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهْدُوهُمْ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِفُوهُمْ إِنَّهُم مَّسْـُٔولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ هُمُ ٱلْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ ٱلْيَمِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ بَل لَّمْ تَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَٰنٍۭ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَٰغِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَآ إِنَّا لَذَآئِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَغْوَيْنَٰكُمْ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waan idin luminnay [6], innaguna waa lunsanayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِى ٱلْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ كَانُوٓا۟ إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Waxay xaqiiq ahaayeen marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓا۟ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga dayn ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ جَآءَ بِٱلْحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّكُمْ لَذَآئِقُوا۟ ٱلْعَذَابِ ٱلْأَلِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكْرَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Midho, iyagoo lagu sharfi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Beeraha barwaaqada (Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَٰبِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَيْضَآءَ لَذَّةٍ لِّلشَّٰرِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعِندَهُمْ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ عِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. La moodo ukummo aad loo dhowray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ قَآئِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّى كَانَ لِى قَرِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُصَدِّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِى سَوَآءِ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّى لَكُنتُ مِنَ ٱلْمُحْضَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَوْتَتَنَا ٱلْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِمِثْلِ هَٰذَا فَلْيَعْمَلِ ٱلْعَٰمِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَذَٰلِكَ خَيْرٌ نُّزُلًا أَمْ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا جَعَلْنَٰهَا فِتْنَةً لِّلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِىٓ أَصْلِ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

طَلْعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّهُمْ لَـَٔاكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِـُٔونَ مِنْهَا ٱلْبُطُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِّنْ حَمِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ أَلْفَوْا۟ ءَابَآءَهُمْ ضَآلِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَهُمْ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمْ يُهْرَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Waxaa dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُنذَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ نَادَىٰنَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ ٱلْمُجِيبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَجَّيْنَٰهُ وَأَهْلَهُۥ مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلْبَاقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِى ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Markaasaan harqinnay intii kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبْرَٰهِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay jidkiisa Ibraahiim [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَاذَا تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَئِفْكًا ءَالِهَةً دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَنَظَرَ نَظْرَةً فِى ٱلنُّجُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَالَ إِنِّى سَقِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَوَلَّوْا۟ عَنْهُ مُدْبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًۢا بِٱلْيَمِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَقْبَلُوٓا۟ إِلَيْهِ يَزِفُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ ٱبْنُوا۟ لَهُۥ بُنْيَٰنًا فَأَلْقُوهُ فِى ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَرَادُوا۟ بِهِۦ كَيْدًا فَجَعَلْنَٰهُمُ ٱلْأَسْفَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ إِنِّى ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّى سَيَهْدِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ هَبْ لِى مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبَشَّرْنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعْىَ قَالَ يَٰبُنَىَّ إِنِّىٓ أَرَىٰ فِى ٱلْمَنَامِ أَنِّىٓ أَذْبَحُكَ فَٱنظُرْ مَاذَا تَرَىٰ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفْعَلْ مَا تُؤْمَرُ سَتَجِدُنِىٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّآ أَسْلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلْجَبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَٰدَيْنَٰهُ أَن يَٰٓإِبْرَٰهِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ صَدَّقْتَ ٱلرُّءْيَآ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلْبَلَٰٓؤُا۟ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفَدَيْنَٰهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَشَّرْنَٰهُ بِإِسْحَٰقَ نَبِيًّا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [11] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَٰرَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰٓ إِسْحَٰقَ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفْسِهِۦ مُبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَجَّيْنَٰهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَصَرْنَٰهُمْ فَكَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَٰلِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاتَيْنَٰهُمَا ٱلْكِتَٰبَ ٱلْمُسْتَبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهَدَيْنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka' [12];

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ ٱلْخَٰلِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Ma waxaad baridaan Bacal [13] oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلْ يَاسِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ مِنْ عِبَادِنَا ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ نَجَّيْنَٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِم مُّصْبِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبِٱلَّيْلِ أَفَلَا تَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ أَبَقَ إِلَى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلْمُدْحَضِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub141. Marka wuu la qori tuurtay [15], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْتَقَمَهُ ٱلْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan [16].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَوْلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلْمُسَبِّحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَلَبِثَ فِى بَطْنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَنَبَذْنَٰهُ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنۢبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِّن يَقْطِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah [17].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَرْسَلْنَٰهُ إِلَىٰ مِا۟ئَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَـَٔامَنُوا۟ فَمَتَّعْنَٰهُمْ إِلَىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ ٱلْبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلْبَنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ خَلَقْنَا ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثًا وَهُمْ شَٰهِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَآ إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub151. Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَٰذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub152. Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَصْطَفَى ٱلْبَنَاتِ عَلَى ٱلْبَنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَكُمْ سُلْطَٰنٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأْتُوا۟ بِكِتَٰبِكُمْ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلُوا۟ بَيْنَهُۥ وَبَيْنَ ٱلْجِنَّةِ نَسَبًا وَلَقَدْ عَلِمَتِ ٱلْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سُبْحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَنتُمْ عَلَيْهِ بِفَٰتِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٌ مَّعْلُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلصَّآفُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَنَحْنُ ٱلْمُسَبِّحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن كَانُوا۟ لَيَقُولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَوْ أَنَّ عِندَنَا ذِكْرًا مِّنَ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَفَرُوا۟ بِهِۦ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ لَهُمُ ٱلْمَنصُورُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلْغَٰلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلْمُنذَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سُبْحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70