caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Saad ص

88 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 38

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ صٓ وَٱلْقُرْءَانِ ذِى ٱلذِّكْرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Saad [1], Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فِى عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا۟ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ وَقَالَ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٌ كَذَّابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَجَعَلَ ٱلْـَٔالِهَةَ إِلَٰهًا وَٰحِدًا إِنَّ هَٰذَا لَشَىْءٌ عُجَابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱنطَلَقَ ٱلْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ ٱمْشُوا۟ وَٱصْبِرُوا۟ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمْ إِنَّ هَٰذَا لَشَىْءٌ يُرَادُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِى ٱلْمِلَّةِ ٱلْـَٔاخِرَةِ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا ٱخْتِلَٰقٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale [4]. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَءُنزِلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّن ذِكْرِى بَل لَّمَّا يَذُوقُوا۟ عَذَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga? Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ ٱلْعَزِيزِ ٱلْوَهَّابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُم مُّلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَلْيَرْتَقُوا۟ فِى ٱلْأَسْبَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga 'samada hadday karaan' [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ ٱلْأَحْزَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo [6] la jabin (lagana adkaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو ٱلْأَوْتَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَٰبُ لْـَٔيْكَةِ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلْأَحْزَابُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يَنظُرُ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna [8].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ ٱلْحِسَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلْأَيْدِ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا سَخَّرْنَا ٱلْجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحْنَ بِٱلْعَشِىِّ وَٱلْإِشْرَاقِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلطَّيْرَ مَحْشُورَةً كُلٌّ لَّهُۥٓ أَوَّابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَشَدَدْنَا مُلْكَهُۥ وَءَاتَيْنَٰهُ ٱلْحِكْمَةَ وَفَصْلَ ٱلْخِطَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهَلْ أَتَىٰكَ نَبَؤُا۟ ٱلْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا۟ ٱلْمِحْرَابَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَىٰ دَاوُۥدَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ قَالُوا۟ لَا تَخَفْ خَصْمَانِ بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَٱحْكُم بَيْنَنَا بِٱلْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَٱهْدِنَآ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلصِّرَٰطِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَآ أَخِى لَهُۥ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِىَ نَعْجَةٌ وَٰحِدَةٌ فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِى فِى ٱلْخِطَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلْخُلَطَآءِ لَيَبْغِى بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّٰهُ فَٱسْتَغْفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday 'Alle" [9] isagoo tawbad keen ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَغَفَرْنَا لَهُۥ ذَٰلِكَ وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَـَٔابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰدَاوُۥدُ إِنَّا جَعَلْنَٰكَ خَلِيفَةً فِى ٱلْأَرْضِ فَٱحْكُم بَيْنَ ٱلنَّاسِ بِٱلْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ ٱلْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌۢ بِمَا نَسُوا۟ يَوْمَ ٱلْحِسَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَٰطِلًا ذَٰلِكَ ظَنُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنَ ٱلنَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha gaalada. Ee hoog baa u sugnaaday gaalada xagga Naarta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ نَجْعَلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَٱلْمُفْسِدِينَ فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ ٱلْمُتَّقِينَ كَٱلْفُجَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كِتَٰبٌ أَنزَلْنَٰهُ إِلَيْكَ مُبَٰرَكٌ لِّيَدَّبَّرُوٓا۟ ءَايَٰتِهِۦ وَلِيَتَذَكَّرَ أُو۟لُوا۟ ٱلْأَلْبَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. (Kani Qur'aanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinnay (Nabiyow) barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa oo wax garadku ugu waantoobaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَهَبْنَا لِدَاوُۥدَ سُلَيْمَٰنَ نِعْمَ ٱلْعَبْدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo tawbad keen badan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِٱلْعَشِىِّ ٱلصَّٰفِنَٰتُ ٱلْجِيَادُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَالَ إِنِّىٓ أَحْبَبْتُ حُبَّ ٱلْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّى حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِٱلْحِجَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Markaasuu wuxuu yidhi: Ma waxaan ka door biday maal adduunyo xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رُدُّوهَا عَلَىَّ فَطَفِقَ مَسْحًۢا بِٱلسُّوقِ وَٱلْأَعْنَاقِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luqumahooda [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَٰنَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِۦ جَسَدًا ثُمَّ أَنَابَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay Sulaymaan, oo ku tuurnay kursigiisii oogo, markaasuu 'u' soo laabtay 'Alle' [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ ٱغْفِرْ لِى وَهَبْ لِى مُلْكًا لَّا يَنۢبَغِى لِأَحَدٍ مِّنۢ بَعْدِىٓ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْوَهَّابُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَخَّرْنَا لَهُ ٱلرِّيحَ تَجْرِى بِأَمْرِهِۦ رُخَآءً حَيْثُ أَصَابَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Markaasaan u sakhirnay dabeysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلشَّيَٰطِينَ كُلَّ بَنَّآءٍ وَغَوَّاصٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa iyo mid quusa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِى ٱلْأَصْفَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا عَطَآؤُنَا فَٱمْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Kani waa siismadeenna ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَـَٔابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Wuxuu (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ عَبْدَنَآ أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلشَّيْطَٰنُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Xus addoonkayaga Ayyuub, markuu u dhawaaqay (baryey) Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay dhib iyo xanuun [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱرْكُضْ بِرِجْلِكَ هَٰذَا مُغْتَسَلٌۢ بَارِدٌ وَشَرَابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) lugtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَهَبْنَا لَهُۥٓ أَهْلَهُۥ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُو۟لِى ٱلْأَلْبَٰبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَٱضْرِب بِّهِۦ وَلَا تَحْنَثْ إِنَّا وَجَدْنَٰهُ صَابِرًا نِّعْمَ ٱلْعَبْدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada [13]; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ عِبَٰدَنَآ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْحَٰقَ وَيَعْقُوبَ أُو۟لِى ٱلْأَيْدِى وَٱلْأَبْصَٰرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّآ أَخْلَصْنَٰهُم بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى ٱلدَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُمْ عِندَنَا لَمِنَ ٱلْمُصْطَفَيْنَ ٱلْأَخْيَارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ إِسْمَٰعِيلَ وَٱلْيَسَعَ وَذَا ٱلْكِفْلِ وَكُلٌّ مِّنَ ٱلْأَخْيَارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا ذِكْرٌ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَـَٔابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَنَّٰتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ ٱلْأَبْوَٰبُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُتَّكِـِٔينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَٰكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعِندَهُمْ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ أَتْرَابٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ ٱلْحِسَابِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُۥ مِن نَّفَادٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا وَإِنَّ لِلطَّٰغِينَ لَشَرَّ مَـَٔابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ ٱلْمِهَادُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاخَرُ مِن شَكْلِهِۦٓ أَزْوَٰجٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا فَوْجٌ مُّقْتَحِمٌ مَّعَكُمْ لَا مَرْحَبًۢا بِهِمْ إِنَّهُمْ صَالُوا۟ ٱلنَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Kani waa guuto idinla soo gali Naarta. Ma jirto iyagu soo dhoweyn ay leeyihiin! Hubaal, waxay ku guban oo gamaari Naarta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ بَلْ أَنتُمْ لَا مَرْحَبًۢا بِكُمْ أَنتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا فَبِئْسَ ٱلْقَرَارُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Waxay ku odhan (madaxdoodii): Balse idinka ma jirto soo dhoweyn aad leedihiin! Idinkaa noo keenay 'cadaabkan'. Ee u xumaa halkan meel la degaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِى ٱلنَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani u kordhi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ ٱلْأَشْرَارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka [14]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَتَّخَذْنَٰهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ ٱلْأَبْصَٰرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ ٱلنَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Hubaal arrinkani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ مُنذِرٌ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُ ٱلْوَٰحِدُ ٱلْقَهَّارُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلْعَزِيزُ ٱلْغَفَّٰرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ هُوَ نَبَؤٌا۟ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Oo aad idinku ka jeedsataan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا كَانَ لِىَ مِنْ عِلْمٍۭ بِٱلْمَلَإِ ٱلْأَعْلَىٰٓ إِذْ يَخْتَصِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن يُوحَىٰٓ إِلَىَّ إِلَّآ أَنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّى خَٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن طِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَجَدَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّآ إِبْلِيسَ ٱسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَٰٓإِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَىَّ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ ٱلْعَالِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِى مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُۥ مِن طِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَٱلْحَقُّ وَٱلْحَقَّ أَقُولُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Waxaan hubaal ka buuxin Jahannama adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُتَكَلِّفِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُۥ بَعْدَ حِينٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Oo xaqiiq waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70