caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Yaseen يس

83 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 41

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يسٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Yaasiin [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْحَكِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّكَ لَمِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنزِيلَ ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمْ فَهُمْ غَٰفِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَقَدْ حَقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَىٰٓ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا جَعَلْنَا فِىٓ أَعْنَٰقِهِمْ أَغْلَٰلًا فَهِىَ إِلَى ٱلْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا مِنۢ بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَٰهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَوَآءٌ عَلَيْهِمْ ءَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكْرَ وَخَشِىَ ٱلرَّحْمَٰنَ بِٱلْغَيْبِ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا نَحْنُ نُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا۟ وَءَاثَٰرَهُمْ وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ فِىٓ إِمَامٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay [3] (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَٰبَ ٱلْقَرْيَةِ إِذْ جَآءَهَا ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ أَرْسَلْنَآ إِلَيْهِمُ ٱثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوٓا۟ إِنَّآ إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ مَآ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحْمَٰنُ مِن شَىْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّآ إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا عَلَيْنَآ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا۟ لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمْ أَئِن ذُكِّرْتُم بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed [4]? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَآءَ مِنْ أَقْصَا ٱلْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَٰقَوْمِ ٱتَّبِعُوا۟ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱتَّبِعُوا۟ مَن لَّا يَسْـَٔلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا لِىَ لَآ أَعْبُدُ ٱلَّذِى فَطَرَنِى وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدْنِ ٱلرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّى شَفَٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا يُنقِذُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّىٓ إِذًا لَّفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّىٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمْ فَٱسْمَعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قِيلَ ٱدْخُلِ ٱلْجَنَّةَ قَالَ يَٰلَيْتَ قَوْمِى يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِمَا غَفَرَ لِى رَبِّى وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُكْرَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنۢ بَعْدِهِۦ مِن جُندٍ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَٰمِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰحَسْرَةً عَلَى ٱلْعِبَادِ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَرَوْا۟ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلْأَرْضُ ٱلْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَٰهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَٰبٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ ٱلْعُيُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَأْكُلُوا۟ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ أَفَلَا يَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu [6]. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سُبْحَٰنَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَايَةٌ لَّهُمُ ٱلَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلشَّمْسُ تَجْرِى لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ ٱلْعَزِيزِ ٱلْعَلِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْقَمَرَ قَدَّرْنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلْعُرْجُونِ ٱلْقَدِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا ٱلشَّمْسُ يَنۢبَغِى لَهَآ أَن تُدْرِكَ ٱلْقَمَرَ وَلَا ٱلَّيْلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِ وَكُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَايَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii [7] Doonidii buuxday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِۦ مَا يَرْكَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُوا۟ مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna [8] si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan' [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ مِّنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطْعَمَهُۥٓ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo [10], qabaneysa iyagoo murmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَآ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Buunkaa la aafuufi [11], mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحْمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham- maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ أَصْحَٰبَ ٱلْجَنَّةِ ٱلْيَوْمَ فِى شُغُلٍ فَٰكِهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُمْ وَأَزْوَٰجُهُمْ فِى ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُمْ فِيهَا فَٰكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلَٰمٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱمْتَٰزُوا۟ ٱلْيَوْمَ أَيُّهَا ٱلْمُجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Soocma maanta denbiilayaashow [12]!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَٰبَنِىٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا۟ ٱلشَّيْطَٰنَ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنِ ٱعْبُدُونِى هَٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا أَفَلَمْ تَكُونُوا۟ تَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱصْلَوْهَا ٱلْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰٓ أَفْوَٰهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَآ أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ نَشَآءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰٓ أَعْيُنِهِمْ فَٱسْتَبَقُوا۟ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan [13]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ نَشَآءُ لَمَسَخْنَٰهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِى ٱلْخَلْقِ أَفَلَا يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا عَلَّمْنَٰهُ ٱلشِّعْرَ وَمَا يَنۢبَغِى لَهُۥٓ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْءَانٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ ٱلْقَوْلُ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَآ أَنْعَٰمًا فَهُمْ لَهَا مَٰلِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَذَلَّلْنَٰهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُمْ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُ أَفَلَا يَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَ ٱلْإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقْنَٰهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan [16].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِىَ خَلْقَهُۥ قَالَ مَن يُحْىِ ٱلْعِظَٰمَ وَهِىَ رَمِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay [17]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ يُحْيِيهَا ٱلَّذِىٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَآ أَنتُم مِّنْهُ تُوقِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَيْسَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخْلُقَ مِثْلَهُم بَلَىٰ وَهُوَ ٱلْخَلَّٰقُ ٱلْعَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale [18]? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَآ أَمْرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيْـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسُبْحَٰنَ ٱلَّذِى بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin [19].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70