caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ash-Shu'araa الشعراء

227 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 47

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ طسٓمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Taa Siin Miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَعَلَّكَ بَٰخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا۟ مُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةً فَظَلَّتْ أَعْنَٰقُهُمْ لَهَا خَٰضِعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ ٱلرَّحْمَٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا۟ عَنْهُ مُعْرِضِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) xagga Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَدْ كَذَّبُوا۟ فَسَيَأْتِيهِمْ أَنۢبَٰٓؤُا۟ مَا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxay dhab ahaan beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلْأَرْضِ كَمْ أَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئْتِ ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَوْمَ فِرْعَوْنَ أَلَا يَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَضِيقُ صَدْرِى وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِى فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَٰرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُمْ عَلَىَّ ذَنۢبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ كَلَّا فَٱذْهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17.Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ ٱلَّتِى فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَعَلْتُهَآ إِذًا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِى رَبِّى حُكْمًا وَجَعَلَنِى مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَىَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُۥٓ أَلَا تَسْتَمِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِىٓ أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Fircoon) wuxuu yidhi [3]: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذْتَ إِلَٰهًا غَيْرِى لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ ٱلْمَسْجُونِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَىْءٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَأْتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِىَ بَيْضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِۦ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَٱبْعَثْ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلْغَٰلِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُوا۟ لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ ٱلْغَٰلِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ ٱلْمُقَرَّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلْقُوا۟ مَآ أَنتُم مُّلْقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَلْقَوْا۟ حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا۟ بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ ٱلْغَٰلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِىَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَا ضَيْرَ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِىٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِى ٱلْمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. (Isagoo leh) xaqiiq kuwani wax koox yar,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَآئِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Wayna na cadho geliyeen runtii;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخْرَجْنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَٰهَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay reer Israa’iil.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ كَلَّآ إِنَّ مَعِىَ رَبِّى سَيَهْدِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضْرِب بِّعَصَاكَ ٱلْبَحْرَ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَٱلطَّوْدِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ ٱلْـَٔاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَغْرَقْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَٰهِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Oo u akhri qisadii Ibraahiim.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ بَلْ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَفَرَءَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلْأَقْدَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّىٓ إِلَّا رَبَّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى خَلَقَنِى فَهُوَ يَهْدِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِى هُوَ يُطْعِمُنِى وَيَسْقِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِى يُمِيتُنِى ثُمَّ يُحْيِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِىٓ أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِى خَطِيٓـَٔتِى يَوْمَ ٱلدِّينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ هَبْ لِى حُكْمًا وَأَلْحِقْنِى بِٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱجْعَل لِّى لِسَانَ صِدْقٍ فِى ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱجْعَلْنِى مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱغْفِرْ لِأَبِىٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تُخْزِنِى يَوْمَ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَنْ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكُبْكِبُوا۟ فِيهَا هُمْ وَٱلْغَاوُۥنَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Iyo askartii ibliis oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلْمُجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Iyo saaxiib run ah midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلْأَرْذَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ وَمَا عِلْمِى بِمَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّى لَوْ تَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمَرْجُومِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِى كَذَّبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱفْتَحْ بَيْنِى وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِى وَمَن مَّعِىَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنجَيْنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِى ٱلْفُلْكِ ٱلْمَشْحُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ ٱلْبَاقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ عَادٌ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةً تَعْبَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِىٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَدَّكُم بِأَنْعَٰمٍ وَبَنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّىٓ أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْنَآ أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ ٱلْوَٰعِظِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub138. Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَٰهُمْ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ ثَمُودُ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَتُتْرَكُونَ فِى مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub147. Ku sugan beero iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا فَٰرِهِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تُطِيعُوٓا۟ أَمْرَ ٱلْمُسْرِفِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub151. Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub152. Kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal [9]; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا۟ نَٰدِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَتَأْتُونَ ٱلذُّكْرَانَ مِنَ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُخْرَجِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنِّى لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلْقَالِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ نَجِّنِى وَأَهْلِى مِمَّا يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَنَجَّيْنَٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عَجُوزًا فِى ٱلْغَٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub171. Habar duqowday ma ahee [11] ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ دَمَّرْنَا ٱلْـَٔاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub174. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَ أَصْحَٰبُ لْـَٔيْكَةِ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِىَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْفُوا۟ ٱلْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا۟ مِنَ ٱلْمُخْسِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَزِنُوا۟ بِٱلْقِسْطَاسِ ٱلْمُسْتَقِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَبْخَسُوا۟ ٱلنَّاسَ أَشْيَآءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ مُفْسِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّقُوا۟ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ وَٱلْجِبِلَّةَ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلْمُسَحَّرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّىٓ أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ ٱلظُّلَّةِ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلْأَمِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِلِسَانٍ عَرَبِىٍّ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub195. Isagoo af Carabi faseex ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَفِى زُبُرِ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ ءَايَةً أَن يَعْلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُا۟ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ نَزَّلْنَٰهُ عَلَىٰ بَعْضِ ٱلْأَعْجَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَرَأَهُۥ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ مُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ سَلَكْنَٰهُ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُا۟ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَقُولُوا۟ هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَرَءَيْتَ إِن مَّتَّعْنَٰهُمْ سِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُوا۟ يُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يُمَتَّعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يَنۢبَغِى لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ عَنِ ٱلسَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا تَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلْمُعَذَّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ ٱلْأَقْرَبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub214. U dig xigtadaada kuu dhow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّى بَرِىٓءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub218. Ee ku arka markaad kaceyso [17].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَقَلُّبَكَ فِى ٱلسَّٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُلْقُونَ ٱلسَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَٰذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub223. Waxay dhigtaan dhegaha [19], badankoodna waa beenlawyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلْغَاوُۥنَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِى كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn [20].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا وَٱنتَصَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ وَسَيَعْلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ أَىَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70