caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Furqaan الفرقان

77 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 42

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ تَبَارَكَ ٱلَّذِى نَزَّلَ ٱلْفُرْقَانَ عَلَىٰ عَبْدِهِۦ لِيَكُونَ لِلْعَٰلَمِينَ نَذِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan [1] addoonkiisa [2] si uu ugu noqdo caalamka dige.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَمْ يَتَّخِذْ وَلَدًا وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٌ فِى ٱلْمُلْكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَىْءٍ فَقَدَّرَهُۥ تَقْدِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً لَّا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ وَلَا يَمْلِكُونَ لِأَنفُسِهِمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا وَلَا يَمْلِكُونَ مَوْتًا وَلَا حَيَوٰةً وَلَا نُشُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama noolaansho, ama soo nooleyn meydadka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِنْ هَٰذَآ إِلَّآ إِفْكٌ ٱفْتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيْهِ قَوْمٌ ءَاخَرُونَ فَقَدْ جَآءُو ظُلْمًا وَزُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen. Waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوٓا۟ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ ٱكْتَتَبَهَا فَهِىَ تُمْلَىٰ عَلَيْهِ بُكْرَةً وَأَصِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَنزَلَهُ ٱلَّذِى يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ مَالِ هَٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأْكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشِى فِى ٱلْأَسْوَاقِ لَوْلَآ أُنزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يُلْقَىٰٓ إِلَيْهِ كَنزٌ أَوْ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٌ يَأْكُلُ مِنْهَا وَقَالَ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلًا مَّسْحُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱنظُرْ كَيْفَ ضَرَبُوا۟ لَكَ ٱلْأَمْثَٰلَ فَضَلُّوا۟ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Eeg siday kuugu yeeleen tusaalooyin [3], oo ay u lumeen, una karin (qaadidda) Jid (Toosan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَبَارَكَ ٱلَّذِىٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيْرًا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَيَجْعَل لَّكَ قُصُورًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaa barako iyo khayr badan Kan (Alle) ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلسَّاعَةِ وَأَعْتَدْنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxayse beeniyeen Saacadda (Qiyaame), waxaana u diyaarinnay qofkii beeniya Saacadda dab huraya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذَا رَأَتْهُم مِّن مَّكَانٍۭ بَعِيدٍ سَمِعُوا۟ لَهَا تَغَيُّظًا وَزَفِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَآ أُلْقُوا۟ مِنْهَا مَكَانًا ضَيِّقًا مُّقَرَّنِينَ دَعَوْا۟ هُنَالِكَ ثُبُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا تَدْعُوا۟ ٱلْيَوْمَ ثُبُورًا وَٰحِدًا وَٱدْعُوا۟ ثُبُورًا كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ أَذَٰلِكَ خَيْرٌ أَمْ جَنَّةُ ٱلْخُلْدِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ كَانَتْ لَهُمْ جَزَآءً وَمَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعْدًا مَّسْـُٔولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمْ أَضْلَلْتُمْ عِبَادِى هَٰٓؤُلَآءِ أَمْ هُمْ ضَلُّوا۟ ٱلسَّبِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ سُبْحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِى لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنْ أَوْلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعْتَهُمْ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ نَسُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَكَانُوا۟ قَوْمًۢا بُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَدْ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسْتَطِيعُونَ صَرْفًا وَلَا نَصْرًا وَمَن يَظْلِم مِّنكُمْ نُذِقْهُ عَذَابًا كَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida [7] oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ مِنَ ٱلْمُرْسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمْ لَيَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمْشُونَ فِى ٱلْأَسْوَاقِ وَجَعَلْنَا بَعْضَكُمْ لِبَعْضٍ فِتْنَةً أَتَصْبِرُونَ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaa waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ لِقَآءَنَا لَوْلَآ أُنزِلَ عَلَيْنَا ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ أَوْ نَرَىٰ رَبَّنَا لَقَدِ ٱسْتَكْبَرُوا۟ فِىٓ أَنفُسِهِمْ وَعَتَوْ عُتُوًّا كَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يَرَوْنَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ لَا بُشْرَىٰ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُجْرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجْرًا مَّحْجُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Maalinta ay arki malaa’igta [8] uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan: “Waa wax idinka xarriman 'jannada' oo gebigeedaba idinka reebban [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَدِمْنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُوا۟ مِنْ عَمَلٍ فَجَعَلْنَٰهُ هَبَآءً مَّنثُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxaanu hor keeni [10] waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَصْحَٰبُ ٱلْجَنَّةِ يَوْمَئِذٍ خَيْرٌ مُّسْتَقَرًّا وَأَحْسَنُ مَقِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلْغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro "cad ka soo baxayaan' [11], lana soo dejin malaa’gta soo dejin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلْمُلْكُ يَوْمَئِذٍ ٱلْحَقُّ لِلرَّحْمَٰنِ وَكَانَ يَوْمًا عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ عَسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh Raxmaanka (Allaah), oo maalin daran bay u ahaan gaalada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيْهِ يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى ٱتَّخَذْتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰوَيْلَتَىٰ لَيْتَنِى لَمْ أَتَّخِذْ فُلَانًا خَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّقَدْ أَضَلَّنِى عَنِ ٱلذِّكْرِ بَعْدَ إِذْ جَآءَنِى وَكَانَ ٱلشَّيْطَٰنُ لِلْإِنسَٰنِ خَذُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Wuxuu iga habaabiyey waanada [14], intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun [15] oo hungo ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوْمِى ٱتَّخَذُوا۟ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ مَهْجُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey [16].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِىٍّ عَدُوًّا مِّنَ ٱلْمُجْرِمِينَ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيًا وَنَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلْقُرْءَانُ جُمْلَةً وَٰحِدَةً كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَ وَرَتَّلْنَٰهُ تَرْتِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada [17], waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَأْتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئْنَٰكَ بِٱلْحَقِّ وَأَحْسَنَ تَفْسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ma jirtona dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُحْشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُو۟لَٰٓئِكَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضَلُّ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ وَجَعَلْنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقُلْنَا ٱذْهَبَآ إِلَى ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرْنَٰهُمْ تَدْمِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَوْمَ نُوحٍ لَّمَّا كَذَّبُوا۟ ٱلرُّسُلَ أَغْرَقْنَٰهُمْ وَجَعَلْنَٰهُمْ لِلنَّاسِ ءَايَةً وَأَعْتَدْنَا لِلظَّٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta (gar diidka) cadaab daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَادًا وَثَمُودَا۟ وَأَصْحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونًۢا بَيْنَ ذَٰلِكَ كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass [18] iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكُلًّا ضَرَبْنَا لَهُ ٱلْأَمْثَٰلَ وَكُلًّا تَبَّرْنَا تَتْبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَتَوْا۟ عَلَى ٱلْقَرْيَةِ ٱلَّتِىٓ أُمْطِرَتْ مَطَرَ ٱلسَّوْءِ أَفَلَمْ يَكُونُوا۟ يَرَوْنَهَا بَلْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ نُشُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib 'oo la xisaabin' [19].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا رَأَوْكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِى بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنْ ءَالِهَتِنَا لَوْلَآ أَن صَبَرْنَا عَلَيْهَا وَسَوْفَ يَعْلَمُونَ حِينَ يَرَوْنَ ٱلْعَذَابَ مَنْ أَضَلُّ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ إِنْ هُمْ إِلَّا كَٱلْأَنْعَٰمِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn [20], iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيْفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوْ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنًا ثُمَّ جَعَلْنَا ٱلشَّمْسَ عَلَيْهِ دَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ قَبَضْنَٰهُ إِلَيْنَا قَبْضًا يَسِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar [22].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ لِبَاسًا وَٱلنَّوْمَ سُبَاتًا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu' [23], hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof [24].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ ٱلرِّيَٰحَ بُشْرًۢا بَيْنَ يَدَىْ رَحْمَتِهِۦ وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً طَهُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّنُحْـِۧىَ بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا وَنُسْقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقْنَآ أَنْعَٰمًا وَأَنَاسِىَّ كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ صَرَّفْنَٰهُ بَيْنَهُمْ لِيَذَّكَّرُوا۟ فَأَبَىٰٓ أَكْثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan [25], wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ شِئْنَا لَبَعَثْنَا فِى كُلِّ قَرْيَةٍ نَّذِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige [26].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا تُطِعِ ٱلْكَٰفِرِينَ وَجَٰهِدْهُم بِهِۦ جِهَادًا كَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ هَٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ وَهَٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ وَجَعَلَ بَيْنَهُمَا بَرْزَخًا وَحِجْرًا مَّحْجُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ مِنَ ٱلْمَآءِ بَشَرًا فَجَعَلَهُۥ نَسَبًا وَصِهْرًا وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمْ وَلَا يَضُرُّهُمْ وَكَانَ ٱلْكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَرْسَلْنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَوَكَّلْ عَلَى ٱلْحَىِّ ٱلَّذِى لَا يَمُوتُ وَسَبِّحْ بِحَمْدِهِۦ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Tala saarona Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa. Rabbi ku Filan ogaanshaha denbiyada addoomahiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ ٱسْتَوَىٰ عَلَى ٱلْعَرْشِ ٱلرَّحْمَٰنُ فَسْـَٔلْ بِهِۦ خَبِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسْجُدُوا۟ لِلرَّحْمَٰنِ قَالُوا۟ وَمَا ٱلرَّحْمَٰنُ أَنَسْجُدُ لِمَا تَأْمُرُنَا وَزَادَهُمْ نُفُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَبَارَكَ ٱلَّذِى جَعَلَ فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجًا وَقَمَرًا مُّنِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ خِلْفَةً لِّمَنْ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوْ أَرَادَ شُكُورًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعِبَادُ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى ٱلْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلْجَٰهِلُونَ قَالُوا۟ سَلَٰمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir [27], markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo' [28].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَٰمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهَا سَآءَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُوا۟ لَمْ يُسْرِفُوا۟ وَلَمْ يَقْتُرُوا۟ وَكَانَ بَيْنَ ذَٰلِكَ قَوَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ ٱلنَّفْسَ ٱلَّتِى حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُضَٰعَفْ لَهُ ٱلْعَذَابُ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِۦ مُهَانًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَٰلِحًا فَأُو۟لَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمْ حَسَنَٰتٍ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا۟ بِٱللَّغْوِ مَرُّوا۟ كِرَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ لَمْ يَخِرُّوا۟ عَلَيْهَا صُمًّا وَعُمْيَانًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبْ لَنَا مِنْ أَزْوَٰجِنَا وَذُرِّيَّٰتِنَا قُرَّةَ أَعْيُنٍ وَٱجْعَلْنَا لِلْمُتَّقِينَ إِمَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan [29], noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ يُجْزَوْنَ ٱلْغُرْفَةَ بِمَا صَبَرُوا۟ وَيُلَقَّوْنَ فِيهَا تَحِيَّةً وَسَلَٰمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda' [30] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰلِدِينَ فِيهَا حَسُنَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَا يَعْبَؤُا۟ بِكُمْ رَبِّى لَوْلَا دُعَآؤُكُمْ فَقَدْ كَذَّبْتُمْ فَسَوْفَ يَكُونُ لِزَامًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen [31]. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka' [32].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70