caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda An-Naml النمل

93 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 48

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ طسٓ تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْقُرْءَانِ وَكِتَابٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Daa Siin [1]. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلْـَٔاخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَٰلَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Xaqiiq kuwaan rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda, waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمْ سُوٓءُ ٱلْعَذَابِ وَهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْأَخْسَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلْقُرْءَانَ مِن لَّدُنْ حَكِيمٍ عَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهْلِهِۦٓ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا سَـَٔاتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ ءَاتِيكُم بِشِهَابٍ قَبَسٍ لَّعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war [2] ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِىَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِى ٱلنَّارِ وَمَنْ حَوْلَهَا وَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. “Muusow! Xaqiiq waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَلْقِ عَصَاكَ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهْتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنٌّ وَلَّىٰ مُدْبِرًا وَلَمْ يُعَقِّبْ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفْ إِنِّى لَا يَخَافُ لَدَىَّ ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسْنًۢا بَعْدَ سُوٓءٍ فَإِنِّى غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَدْخِلْ يَدَكَ فِى جَيْبِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ فِى تِسْعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَقَوْمِهِۦٓ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَٰسِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَتْهُمْ ءَايَٰتُنَا مُبْصِرَةً قَالُوا۟ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَحَدُوا۟ بِهَا وَٱسْتَيْقَنَتْهَآ أَنفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُفْسِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيْمَٰنَ عِلْمًا وَقَالَا ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّنْ عِبَادِهِ ٱلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَرِثَ سُلَيْمَٰنُ دَاوُۥدَ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ ٱلطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَىْءٍ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba [3]. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحُشِرَ لِسُلَيْمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ وَٱلطَّيْرِ فَهُمْ يُوزَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوْا۟ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمْلُ ٱدْخُلُوا۟ مَسَٰكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَبَسَّمَ ضَاحِكًا مِّن قَوْلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِىٓ أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ ٱلَّتِىٓ أَنْعَمْتَ عَلَىَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَىَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَٰلِحًا تَرْضَىٰهُ وَأَدْخِلْنِى بِرَحْمَتِكَ فِى عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli [4] Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِىَ لَآ أَرَى ٱلْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ ٱلْغَآئِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii [6], mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابًا شَدِيدًا أَوْ لَأَا۟ذْبَحَنَّهُۥٓ أَوْ لَيَأْتِيَنِّى بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِۦ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍۭ بِنَبَإٍ يَقِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba [7] war la hubo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى وَجَدتُّ ٱمْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَىْءٍ وَلَهَا عَرْشٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23.Waxaan helay haweeney [8] xukumeysa, oo la siiyey wax walba 'oo mulki adduun ah' [9], waxayna leedahay Carshi Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَٰنُ أَعْمَٰلَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَّا يَسْجُدُوا۟ لِلَّهِ ٱلَّذِى يُخْرِجُ ٱلْخَبْءَ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ ٱلْكَٰذِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱذْهَب بِّكِتَٰبِى هَٰذَا فَأَلْقِهْ إِلَيْهِمْ ثُمَّ تَوَلَّ عَنْهُمْ فَٱنظُرْ مَاذَا يَرْجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ إِنِّىٓ أُلْقِىَ إِلَىَّ كِتَٰبٌ كَرِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ مِن سُلَيْمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَّا تَعْلُوا۟ عَلَىَّ وَأْتُونِى مُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَفْتُونِى فِىٓ أَمْرِى مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ نَحْنُ أُو۟لُوا۟ قُوَّةٍ وَأُو۟لُوا۟ بَأْسٍ شَدِيدٍ وَٱلْأَمْرُ إِلَيْكِ فَٱنظُرِى مَاذَا تَأْمُرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ إِنَّ ٱلْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا۟ قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوٓا۟ أَعِزَّةَ أَهْلِهَآ أَذِلَّةً وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنِّى مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌۢ بِمَ يَرْجِعُ ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَ سُلَيْمَٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيْرٌ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱرْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَآ أَذِلَّةً وَهُمْ صَٰغِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمَلَؤُا۟ أَيُّكُمْ يَأْتِينِى بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن يَأْتُونِى مُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ وَإِنِّى عَلَيْهِ لَقَوِىٌّ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ٱلَّذِى عِندَهُۥ عِلْمٌ مِّنَ ٱلْكِتَٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَٰذَا مِن فَضْلِ رَبِّى لِيَبْلُوَنِىٓ ءَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِۦ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّى غَنِىٌّ كَرِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah [11] wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ نَكِّرُوا۟ لَهَا عَرْشَهَا نَنظُرْ أَتَهْتَدِىٓ أَمْ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَتْ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرْشُكِ قَالَتْ كَأَنَّهُۥ هُوَ وَأُوتِينَا ٱلْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعْبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنَّهَا كَانَتْ مِن قَوْمٍ كَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قِيلَ لَهَا ٱدْخُلِى ٱلصَّرْحَ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا قَالَ إِنَّهُۥ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ قَالَتْ رَبِّ إِنِّى ظَلَمْتُ نَفْسِى وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta [13], markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَٰلِحًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمْ فَرِيقَانِ يَخْتَصِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَٰقَوْمِ لِمَ تَسْتَعْجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبْلَ ٱلْحَسَنَةِ لَوْلَا تَسْتَغْفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta [15]? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ ٱطَّيَّرْنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَ قَالَ طَٰٓئِرُكُمْ عِندَ ٱللَّهِ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تُفْتَنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti [16]; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَانَ فِى ٱلْمَدِينَةِ تِسْعَةُ رَهْطٍ يُفْسِدُونَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaa magaalada [17] ku sugnaa sagaal nin [18], ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ تَقَاسَمُوا۟ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهْلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدْنَا مَهْلِكَ أَهْلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow [19]: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا وَمَكَرْنَا مَكْرًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكْرِهِمْ أَنَّا دَمَّرْنَٰهُمْ وَقَوْمَهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتِلْكَ بُيُوتُهُمْ خَاوِيَةًۢ بِمَا ظَلَمُوٓا۟ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنجَيْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَكَانُوا۟ يَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِۦٓ أَتَأْتُونَ ٱلْفَٰحِشَةَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho [20] idinkoo arka [21]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَئِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ تَجْهَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓا۟ أَخْرِجُوٓا۟ ءَالَ لُوطٍ مِّن قَرْيَتِكُمْ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56.Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنجَيْنَٰهُ وَأَهْلَهُۥٓ إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَٰهَا مِنَ ٱلْغَٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (ee la halaagay).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا فَسَآءَ مَطَرُ ٱلْمُنذَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ وَسَلَٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصْطَفَىٰٓ ءَآللَّهُ خَيْرٌ أَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهْجَةٍ مَّا كَانَ لَكُمْ أَن تُنۢبِتُوا۟ شَجَرَهَآ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ بَلْ هُمْ قَوْمٌ يَعْدِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّن جَعَلَ ٱلْأَرْضَ قَرَارًا وَجَعَلَ خِلَٰلَهَآ أَنْهَٰرًا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِىَ وَجَعَلَ بَيْنَ ٱلْبَحْرَيْنِ حَاجِزًا أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّن يُجِيبُ ٱلْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجْعَلُكُمْ خُلَفَآءَ ٱلْأَرْضِ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka [22]. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّن يَهْدِيكُمْ فِى ظُلُمَٰتِ ٱلْبَرِّ وَٱلْبَحْرِ وَمَن يُرْسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشْرًۢا بَيْنَ يَدَىْ رَحْمَتِهِۦٓ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ تَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّن يَبْدَؤُا۟ ٱلْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرْزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ أَءِلَٰهٌ مَّعَ ٱللَّهِ قُلْ هَاتُوا۟ بُرْهَٰنَكُمْ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل لَّا يَعْلَمُ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ٱلْغَيْبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلْمُهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ مِّنْهَا بَلْ هُم مِّنْهَا عَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخْرَجُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَقَدْ وُعِدْنَا هَٰذَا نَحْنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ سِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُن فِى ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعْضُ ٱلَّذِى تَسْتَعْجِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا مِنْ غَآئِبَةٍ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِلَّا فِى كِتَٰبٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad [23].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَكْثَرَ ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُم بِحُكْمِهِۦ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ إِنَّكَ عَلَى ٱلْحَقِّ ٱلْمُبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّكَ لَا تُسْمِعُ ٱلْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوْا۟ مُدْبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِى ٱلْعُمْىِ عَن ضَلَٰلَتِهِمْ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا وَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِمْ أَخْرَجْنَا لَهُمْ دَآبَّةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ تُكَلِّمُهُمْ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda [24], Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ نَحْشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ فَوْجًا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمْ يُوزَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبْتُم بِـَٔايَٰتِى وَلَمْ تُحِيطُوا۟ بِهَا عِلْمًا أَمَّاذَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَقَعَ ٱلْقَوْلُ عَلَيْهِم بِمَا ظَلَمُوا۟ فَهُمْ لَا يَنطِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85.Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka' [25], dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَرَوْا۟ أَنَّا جَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِيَسْكُنُوا۟ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبْصِرًا إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُ وَكُلٌّ أَتَوْهُ دَٰخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَى ٱلْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِىَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِ صُنْعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِىٓ أَتْقَنَ كُلَّ شَىْءٍ إِنَّهُۥ خَبِيرٌۢ بِمَا تَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَن جَآءَ بِٱلْحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيْرٌ مِّنْهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوْمَئِذٍ ءَامِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Qofkii la yimaada wanaag [26] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِى ٱلنَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Qofkiise la yimaada xumaan [27] waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَآ أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلْبَلْدَةِ ٱلَّذِى حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَىْءٍ وَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ ٱلْمُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [28] (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنْ أَتْلُوَا۟ ٱلْقُرْءَانَ فَمَنِ ٱهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِى لِنَفْسِهِۦ وَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلْمُنذِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمْ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعْرِفُونَهَا وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70