caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Hijr الحجر

99 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 54

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ الٓر تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱلْكِتَٰبِ وَقُرْءَانٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alif Laam Raa [1]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَوْ كَانُوا۟ مُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا۟ وَيَتَمَتَّعُوا۟ وَيُلْهِهِمُ ٱلْأَمَلُ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِى نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow [3]! Adigu waxaad tahay jinnoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِٱلْمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا نُنَزِّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَمَا كَانُوٓا۟ إِذًا مُّنظَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq [4] aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا ٱلذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى شِيَعِ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُۥ فِى قُلُوبِ ٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يُؤْمِنُونَ بِهِۦ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّوا۟ فِيهِ يَعْرُجُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَقَالُوٓا۟ إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَٰرُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِى ٱلسَّمَآءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحَفِظْنَٰهَا مِن كُلِّ شَيْطَٰنٍ رَّجِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَنِ ٱسْتَرَقَ ٱلسَّمْعَ فَأَتْبَعَهُۥ شِهَابٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَىْءٍ مَّوْزُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسْتُمْ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن مِّن شَىْءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٍ مَّعْلُومٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَرْسَلْنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَسْقَيْنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمْ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَنَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَنَحْنُ ٱلْوَٰرِثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya [8], Annagaana ah dhaxlayaasha [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَقْدِمِينَ مِنكُمْ وَلَقَدْ عَلِمْنَا ٱلْمُسْتَـْٔخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحْشُرُهُمْ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن صَلْصَٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْجَآنَّ خَلَقْنَٰهُ مِن قَبْلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّى خَٰلِقٌۢ بَشَرًا مِّن صَلْصَٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا سَوَّيْتُهُۥ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِى فَقَعُوا۟ لَهُۥ سَٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay [11] ula dhaca sujuud.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَجَدَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Ibliis [12] maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَٰٓإِبْلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَمْ أَكُن لِّأَسْجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقْتَهُۥ مِن صَلْصَٰلٍ مِّنْ حَمَإٍ مَّسْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَٱخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ عَلَيْكَ ٱللَّعْنَةَ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلدِّينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِىٓ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلْمُنظَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْوَقْتِ ٱلْمَعْلُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغْوَيْتَنِى لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ ٱلْمُخْلَصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَىَّ مُسْتَقِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ عِبَادِى لَيْسَ لَكَ عَلَيْهِمْ سُلْطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلْغَاوِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوْعِدُهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهَا سَبْعَةُ أَبْوَٰبٍ لِّكُلِّ بَابٍ مِّنْهُمْ جُزْءٌ مَّقْسُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱدْخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَزَعْنَا مَا فِى صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ إِخْوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَٰبِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يَمَسُّهُمْ فِيهَا نَصَبٌ وَمَا هُم مِّنْهَا بِمُخْرَجِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَبِّئْ عِبَادِىٓ أَنِّىٓ أَنَا ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّ عَذَابِى هُوَ ٱلْعَذَابُ ٱلْأَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَبِّئْهُمْ عَن ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Uga warran martidii Ibraahiim.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَٰمًا قَالَ إِنَّا مِنكُمْ وَجِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَا تَوْجَلْ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan. Waxaanu xaqiiq kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَبَشَّرْتُمُونِى عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِىَ ٱلْكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ بَشَّرْنَٰكَ بِٱلْحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلْقَٰنِطِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ وَمَن يَقْنَطُ مِن رَّحْمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا ٱمْرَأَتَهُۥ قَدَّرْنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلْغَٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal 'ee la cadaabi' [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلْمُرْسَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku dhabtii tihiin qolo aan la garanaynin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ بَلْ جِئْنَٰكَ بِمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَمْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَتَيْنَٰكَ بِٱلْحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَسْرِ بِأَهْلِكَ بِقِطْعٍ مِّنَ ٱلَّيْلِ وَٱتَّبِعْ أَدْبَٰرَهُمْ وَلَا يَلْتَفِتْ مِنكُمْ أَحَدٌ وَٱمْضُوا۟ حَيْثُ تُؤْمَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idinku amray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَضَيْنَآ إِلَيْهِ ذَٰلِكَ ٱلْأَمْرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقْطُوعٌ مُّصْبِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَآءَ أَهْلُ ٱلْمَدِينَةِ يَسْتَبْشِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan 'martida timid' [15],

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيْفِى فَلَا تَفْضَحُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَلَا تُخْزُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah [16]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِىٓ إِن كُنتُمْ فَٰعِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii [17], haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَعَمْرُكَ إِنَّهُمْ لَفِى سَكْرَتِهِمْ يَعْمَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii [18].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُشْرِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجَعَلْنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن سِجِّيلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّلْمُتَوَسِّمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٍ مُّقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Waxayna ku taal 'magaaladaasi' [19] waddo weli la deggan yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن كَانَ أَصْحَٰبُ ٱلْأَيْكَةِ لَظَٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Dadkii degganaa hawdka [20] waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba [21] ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ كَذَّبَ أَصْحَٰبُ ٱلْحِجْرِ ٱلْمُرْسَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Dadkii degganaana dhadhaabka [22] 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاتَيْنَٰهُمْ ءَايَٰتِنَا فَكَانُوا۟ عَنْهَا مُعْرِضِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَانُوا۟ يَنْحِتُونَ مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ مُصْبِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَآ أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَـَٔاتِيَةٌ فَٱصْفَحِ ٱلصَّفْحَ ٱلْجَمِيلَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلْخَلَّٰقُ ٱلْعَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَٰكَ سَبْعًا مِّنَ ٱلْمَثَانِى وَٱلْقُرْءَانَ ٱلْعَظِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَٱخْفِضْ جَنَاحَكَ لِلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُلْ إِنِّىٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَمَآ أَنزَلْنَا عَلَى ٱلْمُقْتَسِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada' [23].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ جَعَلُوا۟ ٱلْقُرْءَانَ عِضِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo [24].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَرَبِّكَ لَنَسْـَٔلَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَمَّا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Waxay falayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ ٱلْمُشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray [25], oo iskaga jeeso Mushrikiinta [26].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَفَيْنَٰكَ ٱلْمُسْتَهْزِءِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يَجْعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدْرُكَ بِمَا يَقُولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda [27].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱعْبُدْ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأْتِيَكَ ٱلْيَقِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70