Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Alif Laam Raa [1].
(Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu tala saartaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Maxaanu u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga 'wanaagsan', waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha talo saarteen kuwaa wax talo saarta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani [8] inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan [10] nolosha adduunkan iyo aakhirada [11]. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo' [12], oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Rabbiyow! Waxay (sanamyadu) lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin [14], uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu [16].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.