caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda An-Nahl النحل

128 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 70

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ أَتَىٰٓ أَمْرُ ٱللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ سُبْحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa [1] waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُنَزِّلُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ بِٱلرُّوحِ مِنْ أَمْرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنْ عِبَادِهِۦٓ أَنْ أَنذِرُوٓا۟ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱتَّقُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Wuxuu (Alle) la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): U diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah), ee Aniga uun iga cabsada 'oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale."

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ تَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. (Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Wuxuu ka abuuray aadmiga dhibic mino nool ah, mise, waa dood badane col cad ah [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْأَنْعَٰمَ خَلَقَهَا لَكُمْ فِيهَا دِفْءٌ وَمَنَٰفِعُ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Xoolaha wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale [3], xaggeedana wax ka cuntaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَكُمْ فِيهَا جَمَالٌ حِينَ تُرِيحُونَ وَحِينَ تَسْرَحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxaa idiinku sugan (xoolaha) qurux markaad u soo celinaysaan galabnimada 'guriga' iyo markaad u foofinaysaan daaqa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَحْمِلُ أَثْقَالَكُمْ إِلَىٰ بَلَدٍ لَّمْ تَكُونُوا۟ بَٰلِغِيهِ إِلَّا بِشِقِّ ٱلْأَنفُسِ إِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaad ugu rarataan culeysyadiinna xagga gobollo aydaan gaari karteen nafa- hoo dhibtooda ma’ahee. Hubaal Rabbigiin waa Turid Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْخَيْلَ وَٱلْبِغَالَ وَٱلْحَمِيرَ لِتَرْكَبُوهَا وَزِينَةً وَيَخْلُقُ مَا لَا تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. (Oo Wuxuu Alle idiin abuuray) Fardo, baqallo iyo dameerro inaad kortaan iyo qurux ahaanba. Wuxuuna abuuri wax aydaan ogeyn (oo gaadiid kale ah - gaadiidka dhulka, cirka iyo baddaba).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَلَى ٱللَّهِ قَصْدُ ٱلسَّبِيلِ وَمِنْهَا جَآئِرٌ وَلَوْ شَآءَ لَهَدَىٰكُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Alle bay saaran tahay xilka inuu caadeeyo Jidka Toosan, waxaase jira (jidad) qallooc ah. Hadduu doono hubaal wuu idin wada hanuuin lahaa dhammaantiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هُوَ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً لَّكُم مِّنْهُ شَرَابٌ وَمِنْهُ شَجَرٌ فِيهِ تُسِيمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waa Isaga Kan idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, waxaad ka heshaan cabbitaan, biyahaasoo (soo saara sidoo kale) geedaha aad daaqsataan (xoolaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُنۢبِتُ لَكُم بِهِ ٱلزَّرْعَ وَٱلزَّيْتُونَ وَٱلنَّخِيلَ وَٱلْأَعْنَٰبَ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Wuxuu idiinku soo bixiyaa sarac, zaytuun, geedaha timirta, canabyo iyo nooc walba oo midhaha ah. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo ciddii fikiri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ وَٱلنُّجُومُ مُسَخَّرَٰتٌۢ بِأَمْرِهِۦٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa; xiddigu- huna waxay ku sakhiran yihiin Amarkiisa. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَٰنُهُۥٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Iyo wuxuu idiinku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii xusuusan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى سَخَّرَ ٱلْبَحْرَ لِتَأْكُلُوا۟ مِنْهُ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُوا۟ مِنْهُ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى ٱلْفُلْكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaad aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَلْقَىٰ فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَٰرًا وَسُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Wuxuu (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَلَٰمَٰتٍ وَبِٱلنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَمَن يَخْلُقُ كَمَن لَّا يَخْلُقُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin? Ma waydaan waansameyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن تَعُدُّوا۟ نِعْمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحْصُوهَآ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Alle wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخْلُقُونَ شَيْـًٔا وَهُمْ يُخْلَقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Alle sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْوَٰتٌ غَيْرُ أَحْيَآءٍ وَمَا يَشْعُرُونَ أَيَّانَ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. (Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٌ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah (Allaah). Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا جَرَمَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلْمُسْتَكْبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُم مَّاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ قَالُوٓا۟ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَحْمِلُوٓا۟ أَوْزَارَهُمْ كَامِلَةً يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وَمِنْ أَوْزَارِ ٱلَّذِينَ يُضِلُّونَهُم بِغَيْرِ عِلْمٍ أَلَا سَآءَ مَا يَزِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ مَكَرَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَأَتَى ٱللَّهُ بُنْيَٰنَهُم مِّنَ ٱلْقَوَاعِدِ فَخَرَّ عَلَيْهِمُ ٱلسَّقْفُ مِن فَوْقِهِمْ وَأَتَىٰهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxaa wax dhagray oo tab degay kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ يُخْزِيهِمْ وَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَآءِىَ ٱلَّذِينَ كُنتُمْ تُشَٰٓقُّونَ فِيهِمْ قَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْعِلْمَ إِنَّ ٱلْخِزْىَ ٱلْيَوْمَ وَٱلسُّوٓءَ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn [5], wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ ظَالِمِىٓ أَنفُسِهِمْ فَأَلْقَوُا۟ ٱلسَّلَمَ مَا كُنَّا نَعْمَلُ مِن سُوٓءٍۭ بَلَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌۢ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki ama denbiyo kale oo waaweyn). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.[6]

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱدْخُلُوٓا۟ أَبْوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَا فَلَبِئْسَ مَثْوَى ٱلْمُتَكَبِّرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ لِلَّذِينَ ٱتَّقَوْا۟ مَاذَآ أَنزَلَ رَبُّكُمْ قَالُوا۟ خَيْرًا لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ فِى هَٰذِهِ ٱلدُّنْيَا حَسَنَةٌ وَلَدَارُ ٱلْـَٔاخِرَةِ خَيْرٌ وَلَنِعْمَ دَارُ ٱلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَنَّٰتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ لَهُمْ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ كَذَٰلِكَ يَجْزِى ٱللَّهُ ٱلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيْكُمُ ٱدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأْتِيَهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ أَوْ يَأْتِىَ أَمْرُ رَبِّكَ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa [7] u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَصَابَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxaa ku dhacay xumaano waxay faleen, waxaana hareeyey (ciqaabtii) ay ku jeesjeesayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍ نَّحْنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَىْءٍ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ فَهَلْ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kuwa Alle u shariig yeela waxay yidhaahdaan: Hadduu Alle doono ma aanu caabudneen waxba Sokadi innaga iyo aabbayaashayo midna, mana xaaraamayneen waxbana (Amarkiisa) la’aanti. Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey: Ee ma waxaa saaran Rususha waxaan aheyn gaarsiin cad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِى كُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولًا أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱجْتَنِبُوا۟ ٱلطَّٰغُوتَ فَمِنْهُم مَّنْ هَدَى ٱللَّهُ وَمِنْهُم مَّنْ حَقَّتْ عَلَيْهِ ٱلضَّلَٰلَةُ فَسِيرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ فَٱنظُرُوا۟ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waxaan ka soo bixinnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Alle Keliya, kana dheeraada Dhaaquut (sheydaanka iyo cibaadada wax Alle ka soo hadhay). Waxaa ka mid ah kuwo Alle uu hanuuniyey, waxaana ka mid ah kuwo habowga ku waajibay. Ee mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta beeniyayaasha (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن تَحْرِصْ عَلَىٰ هُدَىٰهُمْ فَإِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى مَن يُضِلُّ وَمَا لَهُم مِّن نَّٰصِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Haddaad ku dadaashid hanuunkooda, Alle ma hanuuniyo cid uu lumiyo [8], mana helaan wax u soo gargaara (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَقْسَمُوا۟ بِٱللَّهِ جَهْدَ أَيْمَٰنِهِمْ لَا يَبْعَثُ ٱللَّهُ مَن يَمُوتُ بَلَىٰ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Waxay ku dhartaan Alle dhaarahooda kuwa ugu adag inuusan Alle soo bixineyn cid dhimatay. Haayoo waa ballan saaran oo Xaq ah, dadkuse badankiisu ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى يَخْتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ كَانُوا۟ كَٰذِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. (Waa) si uu ugu caddeeyo (abbaarta) waxay isku khilaafsan yihiin, iyo inay ogaadaan kuwa gaalooba inay ahaayeen beenaalayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا قَوْلُنَا لِشَىْءٍ إِذَآ أَرَدْنَٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Sideedaba Qowlkayagu markaan wax doonno waa oo Keliya inaan ku nidhaahno: "Ahaw” waana uu yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ظُلِمُوا۟ لَنُبَوِّئَنَّهُمْ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةً وَلَأَجْرُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Kuwa u soo haajira Alle Darti, kaddib markii la dulmiyey, Waxaan ku siin meeqaan wanaagsan adduunka, ajarka Aakhiraana ka weyn, hadday ogaan lahaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ صَبَرُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Kuwa samra oo Rabbigood tala saarta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِٱلْبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِ وَأَنزَلْنَآ إِلَيْكَ ٱلذِّكْرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيْهِمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخْسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلْأَرْضَ أَوْ يَأْتِيَهُمُ ٱلْعَذَابُ مِنْ حَيْثُ لَا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يَأْخُذَهُمْ فِى تَقَلُّبِهِمْ فَمَا هُم بِمُعْجِزِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يَأْخُذَهُمْ عَلَىٰ تَخَوُّفٍ فَإِنَّ رَبَّكُمْ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَىٰ مَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍ يَتَفَيَّؤُا۟ ظِلَٰلُهُۥ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَٱلشَّمَآئِلِ سُجَّدًا لِّلَّهِ وَهُمْ دَٰخِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ مِن دَآبَّةٍ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَخَافُونَ رَبَّهُم مِّن فَوْقِهِمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱللَّهُ لَا تَتَّخِذُوٓا۟ إِلَٰهَيْنِ ٱثْنَيْنِ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَإِيَّٰىَ فَٱرْهَبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya (Allaah). Ee Anigoo Keliya iga cabsada [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًا أَفَغَيْرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Alle baa iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waa in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan waxaan ahayn Alle.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا بِكُم مِّن نِّعْمَةٍ فَمِنَ ٱللَّهِ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيْهِ تَجْـَٔرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمْ إِذَا فَرِيقٌ مِّنكُم بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَكْفُرُوا۟ بِمَآ ءَاتَيْنَٰهُمْ فَتَمَتَّعُوا۟ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَجْعَلُونَ لِمَا لَا يَعْلَمُونَ نَصِيبًا مِّمَّا رَزَقْنَٰهُمْ تَٱللَّهِ لَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَفْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn 'oo ilaahyo been ah' [11]. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ ٱلْبَنَٰتِ سُبْحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشْتَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waxay u yeelaan Alle gabdho [12]. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِٱلْأُنثَىٰ ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَتَوَٰرَىٰ مِنَ ٱلْقَوْمِ مِن سُوٓءِ مَا بُشِّرَ بِهِۦٓ أَيُمْسِكُهُۥ عَلَىٰ هُونٍ أَمْ يَدُسُّهُۥ فِى ٱلتُّرَابِ أَلَا سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ مَثَلُ ٱلسَّوْءِ وَلِلَّهِ ٱلْمَثَلُ ٱلْأَعْلَىٰ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun [14]. Alle waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِظُلْمِهِم مَّا تَرَكَ عَلَيْهَا مِن دَآبَّةٍ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَـْٔخِرُونَ سَاعَةً وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكْرَهُونَ وَتَصِفُ أَلْسِنَتُهُمُ ٱلْكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ ٱلْحُسْنَىٰ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ ٱلنَّارَ وَأَنَّهُم مُّفْرَطُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَٱللَّهِ لَقَدْ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٍ مِّن قَبْلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيْطَٰنُ أَعْمَٰلَهُمْ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلْيَوْمَ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِى ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَآ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَسْمَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Alle waa Kan ka soo dejiyey biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax maqli.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لَكُمْ فِى ٱلْأَنْعَٰمِ لَعِبْرَةً نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِى بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَنًا خَالِصًا سَآئِغًا لِّلشَّٰرِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood, caano saafi ah, mari og hunguriga kuwa cabbi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلْأَعْنَٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًا وَرِزْقًا حَسَنًا إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Iyo midhaha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus [16] iyo risiq wanaagsan. Arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii garasho leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَوْحَىٰ رَبُّكَ إِلَى ٱلنَّحْلِ أَنِ ٱتَّخِذِى مِنَ ٱلْجِبَالِ بُيُوتًا وَمِنَ ٱلشَّجَرِ وَمِمَّا يَعْرِشُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnada 'dheddigta ah': Ka yeelo buuraha guryo iyo geedaha iyo waxay dhisaanba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ كُلِى مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ فَٱسْلُكِى سُبُلَ رَبِّكِ ذُلُلًا يَخْرُجُ مِنۢ بُطُونِهَا شَرَابٌ مُّخْتَلِفٌ أَلْوَٰنُهُۥ فِيهِ شِفَآءٌ لِّلنَّاسِ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَةً لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Markaas wax ka cun midhaha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa oo laylan. Waxaa ka soo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Hubaal arrinkani waxaa ugu sugan calaamo ciddii fikiri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ خَلَقَكُمْ ثُمَّ يَتَوَفَّىٰكُمْ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰٓ أَرْذَلِ ٱلْعُمُرِ لِكَىْ لَا يَعْلَمَ بَعْدَ عِلْمٍ شَيْـًٔا إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Alle baa idin abuuray, misna idin oofsan, waxaana idin ka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita nolosha, si uu waxba aanu u ogaan kaddib waayo aqoontii. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Awood Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ فَضَّلَ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ فِى ٱلرِّزْقِ فَمَا ٱلَّذِينَ فُضِّلُوا۟ بِرَآدِّى رِزْقِهِمْ عَلَىٰ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَهُمْ فِيهِ سَوَآءٌ أَفَبِنِعْمَةِ ٱللَّهِ يَجْحَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Alle wuu uga roonaaday qaarkiinba qaar kale xagga risiqa, Marka, kuwa loo roonaaday sinnaba uma mulki siiyaan risiqooda kuwa (addoomaha ah) oo ay midigtoodu hanato si ay isku mid ugu noqdaan [17]. Ee ma Nicmadda Alle baa waxay diiddan yihiin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا وَجَعَلَ لَكُم مِّنْ أَزْوَٰجِكُم بَنِينَ وَحَفَدَةً وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ أَفَبِٱلْبَٰطِلِ يُؤْمِنُونَ وَبِنِعْمَتِ ٱللَّهِ هُمْ يَكْفُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Alle wuxuu idiinka yeelay nafahiinna xaasas idinla nooc ah, wuxuuna idinka siiyey xaasaskiinna ubad iyo ilmo ilmahood, wuxuuna ku galladeysatay korkiinna wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan. Ee ma baadil (shirki) baa waxay rumeysan yihiin, halka ay tahay Nicmadda Alle (Towxiidka) waxay diidaan inay rumeeyaan oo ku gaaloobaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَمْلِكُ لَهُمْ رِزْقًا مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ شَيْـًٔا وَلَا يَسْتَطِيعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxay caabudaan Alle sokadi, waxaan uga hanan karin wax risiq ah xagga samooyinka iyo arlada, oo aan wax awood ahi lahayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا تَضْرِبُوا۟ لِلَّهِ ٱلْأَمْثَالَ إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Ha u yeelina Alle wax aad la mid dhigtaan [18]. Hubaal, Alle wuu Og yahay (waxaad fashaan), idinkuse ma ogidin (khaladkiinna iyo cidhib xumidiinna).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا عَبْدًا مَّمْلُوكًا لَّا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍ وَمَن رَّزَقْنَٰهُ مِنَّا رِزْقًا حَسَنًا فَهُوَ يُنفِقُ مِنْهُ سِرًّا وَجَهْرًا هَلْ يَسْتَوُۥنَ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Alle wuxuu ka yeelaa tusaale [19]: addoon la leeyahay aan waxba awoodi karin, iyo mid aanu ka siinnay xaggeenna risiq wanaagsan, oo isagu wax ka bixiya sir iyo caddaanba. Miyey labadaasi siman yihiin? Ammaan oo idil iyo mahad waxaa mudan Allaah! Badankooduse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا رَّجُلَيْنِ أَحَدُهُمَآ أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَىْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَىٰهُ أَيْنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ هَلْ يَسْتَوِى هُوَ وَمَن يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِلَّهِ غَيْبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَآ أَمْرُ ٱلسَّاعَةِ إِلَّا كَلَمْحِ ٱلْبَصَرِ أَوْ هُوَ أَقْرَبُ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Alle baa iska leh waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada. Arrinka Saacadda (Qiyaamana) ma aha waxaan ahayn sida il biriqsi, ama ka dhowba. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ أَخْرَجَكُم مِّنۢ بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمْ لَا تَعْلَمُونَ شَيْـًٔا وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Alle wuxuu idinka soo saaray uurarka hooyooyinkiin idinkoo aan waxba garanayn. Wuxuuna idiin yeelay maqal iyo arag iyo qalbiyo inaad mahad naqdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَرَوْا۟ إِلَى ٱلطَّيْرِ مُسَخَّرَٰتٍ فِى جَوِّ ٱلسَّمَآءِ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا ٱللَّهُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Miyeyna arkayn shimbiraha loo sakhiray (oo ku duulaya) hawada samada? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah. hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّنۢ بُيُوتِكُمْ سَكَنًا وَجَعَلَ لَكُم مِّن جُلُودِ ٱلْأَنْعَٰمِ بُيُوتًا تَسْتَخِفُّونَهَا يَوْمَ ظَعْنِكُمْ وَيَوْمَ إِقَامَتِكُمْ وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَآ أَثَٰثًا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Alle wuxuu idiinka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, wuxuuna idinku galladeystey teendhooyin laga sameeyey hargaha xoolaha idiin fudud qaadistooda maalinta geeddigiinna iyo maalinta negaadigiinnaba, idiinkana yeelay (idaha) duftooda iyo (geela) dhogortooda iyo (riyaha) timahooda alaabo guri iyo sahay ilaa muddo ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَٰلًا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْجِبَالِ أَكْنَٰنًا وَجَعَلَ لَكُمْ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلْحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأْسَكُمْ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعْمَتَهُۥ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Alle wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (geedaha) hoosas, wuxuuna idiinka yeelay buuraha gebiyo aad gashaan, idiin yeelayna dhar idinka celiya kuleylka (iyo qabowga) iyo dhar (jaakado bir ah) idinka celiya (dhibka) dirirtiinna. Sidaasuu idiinku iltiraa Nicmaddiisa inaad u hoggaansantaan (oo Xaqa raacdaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَإِنَّمَا عَلَيْكَ ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka), xilkaagu waa oo keliya Gaarsiin cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَعْرِفُونَ نِعْمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكْثَرُهُمُ ٱلْكَٰفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Waxay gartaan Nicmadda Alle (Islaamka), haddana way dafiraan, badankooduna waa gaalo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ نَبْعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا ثُمَّ لَا يُؤْذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. (Xus) maalintaan ka soo saareyno ummad walba markhaati, markaas aan loo idmeyn kuwa gaaloobay (cudur daarasho), oo aan laga yeeleyn inay axsaan fal dalbaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ٱلْعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنْهُمْ وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Markay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) arkaan cadaabka, lagama khafiifinayo, lamana siinayo fursad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ أَشْرَكُوا۟ شُرَكَآءَهُمْ قَالُوا۟ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ شُرَكَآؤُنَا ٱلَّذِينَ كُنَّا نَدْعُوا۟ مِن دُونِكَ فَأَلْقَوْا۟ إِلَيْهِمُ ٱلْقَوْلَ إِنَّكُمْ لَكَٰذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Markay kuwa Alle u shariig yeela 'cid kale' [20] arkaan kuway la wadaajiyeen Alle (cibaadada) waxay odhan: Rabbigayow! Kuwaanu waa kuwa aan kula wadaajinnay cibaadada ee aan baryi jirnay adiga Sokadaa [21]. Waxayse (kuwaa) dib ugu celin hadalka (iyagoo leh): Waxaad tihiin beenaalayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَلْقَوْا۟ إِلَى ٱللَّهِ يَوْمَئِذٍ ٱلسَّلَمَ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا۟ يَفْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxayna (gaalada mushrikiinta ah) ula imaan Alle maalintaas hoggaansan dhan, wayna ka tegi oo waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo been ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ زِدْنَٰهُمْ عَذَابًا فَوْقَ ٱلْعَذَابِ بِمَا كَانُوا۟ يُفْسِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga dadka Jidka Alle (Islaamka), waxaan ugu dari cadaab cadaabkooda, waxay fasaad fali jireen awgii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَوْمَ نَبْعَثُ فِى كُلِّ أُمَّةٍ شَهِيدًا عَلَيْهِم مِّنْ أَنفُسِهِمْ وَجِئْنَا بِكَ شَهِيدًا عَلَىٰ هَٰٓؤُلَآءِ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْكِتَٰبَ تِبْيَٰنًا لِّكُلِّ شَىْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. (Xus) Maalinka aan ka soo saari ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga ka mid ah, oo aan kuu keenno adiga (Nabiyow) inaad ka ahaato markhaati kuwan - Waxaana kugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) u faahfaahinaya wax walba si cad , iyo inuu u ahaado Hanuun iyo Naxariis iyo bishaaro Muslimiinta [22].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱللَّهَ يَأْمُرُ بِٱلْعَدْلِ وَٱلْإِحْسَٰنِ وَإِيتَآئِ ذِى ٱلْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ ٱلْفَحْشَآءِ وَٱلْمُنكَرِ وَٱلْبَغْىِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Hubaal Alle wuxuu amraa caddaaladda, axsaan falka iyo siinta qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta, munkarka iyo gardarrada. Wuu idin waaninayaa, inaad ku waano qaadataan oo xusuusataan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَوْفُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ إِذَا عَٰهَدتُّمْ وَلَا تَنقُضُوا۟ ٱلْأَيْمَٰنَ بَعْدَ تَوْكِيدِهَا وَقَدْ جَعَلْتُمُ ٱللَّهَ عَلَيْكُمْ كَفِيلًا إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Oofiya Ballanka Alle markaad gashaan, hana burinnina dhaaraha kaddib markaad adkeyseen, oo uga yeesheen Alle damiin. Alle wuu Og yahay waxaad falaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَكُونُوا۟ كَٱلَّتِى نَقَضَتْ غَزْلَهَا مِنۢ بَعْدِ قُوَّةٍ أَنكَٰثًا تَتَّخِذُونَ أَيْمَٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ أَن تَكُونَ أُمَّةٌ هِىَ أَرْبَىٰ مِنْ أُمَّةٍ إِنَّمَا يَبْلُوكُمُ ٱللَّهُ بِهِۦ وَلَيُبَيِّنَنَّ لَكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ مَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Ha la mid noqonnina sida tan furfurta xadhiggeeda ay soohday iyadoo u googooneysa gabal gabal kaddib markuu yeeshay xoog. Waxaad ka yeeshaan dhaarahiinna dhagar dhexdiinna ah, inay ummad ka tiro badan tahay ummad kale 'darteed' [23]. Alle waa uun idinku imtixaami arrinkaas iyo inuu idiin caddeeyo Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَٰكِن يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ وَلَتُسْـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Hadduu Alle doono, wuxuu idinka yeeli lahaa ummad keliya, wuxuuse lumiyaa cidduu doono oo hanuuniyaa cidduu doono. Waana la idin weydiin waxaad falayseen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَتَّخِذُوٓا۟ أَيْمَٰنَكُمْ دَخَلًۢا بَيْنَكُمْ فَتَزِلَّ قَدَمٌۢ بَعْدَ ثُبُوتِهَا وَتَذُوقُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِمَا صَدَدتُّمْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَكُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَشْتَرُوا۟ بِعَهْدِ ٱللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا إِنَّمَا عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Ha siisinnina Axdiga Alle qiimo yar (adduunyo). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا عِندَكُمْ يَنفَدُ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ بَاقٍ وَلَنَجْزِيَنَّ ٱلَّذِينَ صَبَرُوٓا۟ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًا مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُۥ حَيَوٰةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُم بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen [24].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا قَرَأْتَ ٱلْقُرْءَانَ فَٱسْتَعِذْ بِٱللَّهِ مِنَ ٱلشَّيْطَٰنِ ٱلرَّجِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ لَيْسَ لَهُۥ سُلْطَٰنٌ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood tala saarta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا سُلْطَٰنُهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ يَتَوَلَّوْنَهُۥ وَٱلَّذِينَ هُم بِهِۦ مُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا بَدَّلْنَآ ءَايَةً مَّكَانَ ءَايَةٍ وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُنَزِّلُ قَالُوٓا۟ إِنَّمَآ أَنتَ مُفْتَرٍۭ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ نَزَّلَهُۥ رُوحُ ٱلْقُدُسِ مِن رَّبِّكَ بِٱلْحَقِّ لِيُثَبِّتَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَهُدًى وَبُشْرَىٰ لِلْمُسْلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ نَعْلَمُ أَنَّهُمْ يَقُولُونَ إِنَّمَا يُعَلِّمُهُۥ بَشَرٌ لِّسَانُ ٱلَّذِى يُلْحِدُونَ إِلَيْهِ أَعْجَمِىٌّ وَهَٰذَا لِسَانٌ عَرَبِىٌّ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Waxaanu ognahay inay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaa sideedaba wax bara qof aadmi ah. Carrabka midkay ku leexinayaan waa af shisheeye [25], kanina waa af Carabi faseex ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ لَا يَهْدِيهِمُ ٱللَّهُ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Hubaal kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, ma hanuuniyo Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا يَفْتَرِى ٱلْكَذِبَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَٰذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Waxaa uun been abuurta sideedaba kuwa aan rumeyn Aayadaha Alle, waana kuwaa kuwa ah beenaalayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَن كَفَرَ بِٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ إِيمَٰنِهِۦٓ إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُۥ مُطْمَئِنٌّۢ بِٱلْإِيمَٰنِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِٱلْكُفْرِ صَدْرًا فَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Qofkii ku gaalooba Alle rumeyn kaddib [26], mid maahee lagu khasbay isagoo qalbigiisu ku xasilan yahay Iimaanka - kiise isagu u fura laabtiisa gaalnimo - kuwan dushoodu waxaa ah Cadhada Alle, waxayna leeyihiin Cadaab weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱسْتَحَبُّوا۟ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا عَلَى ٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Arrinkaasi waxaa ugu wacan inay jecel yihiin nolosha adduunkan wax ka badan Aakhirada, iyo inaan Alle hanuunin qoloda gaalada ah (madaxa adag).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَسَمْعِهِمْ وَأَبْصَٰرِهِمْ وَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْغَٰفِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Kuwaa weeye kuwa uu Alle daboolay quluubtooda iyo maqalkooda iyo aragggooda.Waana kuwaa kuwa dhoohan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا جَرَمَ أَنَّهُمْ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ هُمُ ٱلْخَٰسِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Shaki ma leh, inay Aakhirada ahaan kuwa khasaari.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُوا۟ مِنۢ بَعْدِ مَا فُتِنُوا۟ ثُمَّ جَٰهَدُوا۟ وَصَبَرُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Markaa, hubaal Rabbigaa kuwa soo haajira kaddib inta la dhibay markaas jihaaday ee samray, hubaal Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ تَأْتِى كُلُّ نَفْسٍ تُجَٰدِلُ عَن نَّفْسِهَا وَتُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. (Xusuuso) Maalintay naf walba imaan iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin waxay fashay, iyagoo aan la dulmineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا قَرْيَةً كَانَتْ ءَامِنَةً مُّطْمَئِنَّةً يَأْتِيهَا رِزْقُهَا رَغَدًا مِّن كُلِّ مَكَانٍ فَكَفَرَتْ بِأَنْعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلْجُوعِ وَٱلْخَوْفِ بِمَا كَانُوا۟ يَصْنَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Alle wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Alle. Sidaas darteed Alle ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed [27].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌ مِّنْهُمْ فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمُ ٱلْعَذَابُ وَهُمْ ظَٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Waxaana u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaasaa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa daalimiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكُلُوا۟ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَٰلًا طَيِّبًا وَٱشْكُرُوا۟ نِعْمَتَ ٱللَّهِ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Ee cuna waxa Alle idin siiyey xalaasha fiican ah oo ka mahad cesha Nicmadda Alle haddaad Isaga Keliya caabuddaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا حَرَّمَ عَلَيْكُمُ ٱلْمَيْتَةَ وَٱلدَّمَ وَلَحْمَ ٱلْخِنزِيرِ وَمَآ أُهِلَّ لِغَيْرِ ٱللَّهِ بِهِۦ فَمَنِ ٱضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَقُولُوا۟ لِمَا تَصِفُ أَلْسِنَتُكُمُ ٱلْكَذِبَ هَٰذَا حَلَٰلٌ وَهَٰذَا حَرَامٌ لِّتَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ لَا يُفْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَتَٰعٌ قَلِيلٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Waa raaxo yar (adduunka) waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَلَى ٱلَّذِينَ هَادُوا۟ حَرَّمْنَا مَا قَصَصْنَا عَلَيْكَ مِن قَبْلُ وَمَا ظَلَمْنَٰهُمْ وَلَٰكِن كَانُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay [28]. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُوا۟ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٍ ثُمَّ تَابُوا۟ مِنۢ بَعْدِ ذَٰلِكَ وَأَصْلَحُوٓا۟ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ إِبْرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةً قَانِتًا لِّلَّهِ حَنِيفًا وَلَمْ يَكُ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo [29], adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

شَاكِرًا لِّأَنْعُمِهِ ٱجْتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاتَيْنَٰهُ فِى ٱلدُّنْيَا حَسَنَةً وَإِنَّهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122.Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ أَنِ ٱتَّبِعْ مِلَّةَ إِبْرَٰهِيمَ حَنِيفًا وَمَا كَانَ مِنَ ٱلْمُشْرِكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبْتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda [30], Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱدْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِٱلْحِكْمَةِ وَٱلْمَوْعِظَةِ ٱلْحَسَنَةِ وَجَٰدِلْهُم بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنْ عَاقَبْتُمْ فَعَاقِبُوا۟ بِمِثْلِ مَا عُوقِبْتُم بِهِۦ وَلَئِن صَبَرْتُمْ لَهُوَ خَيْرٌ لِّلصَّٰبِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱصْبِرْ وَمَا صَبْرُكَ إِلَّا بِٱللَّهِ وَلَا تَحْزَنْ عَلَيْهِمْ وَلَا تَكُ فِى ضَيْقٍ مِّمَّا يَمْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّٱلَّذِينَ هُم مُّحْسِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70