caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Qalam القلم

52 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 2

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ نٓ وَٱلْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Nuun [1]. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَنتَ بِنِعْمَةِ رَبِّكَ بِمَجْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لَكَ لَأَجْرًا غَيْرَ مَمْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaa xaqiiq kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad san oo sare.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَتُبْصِرُ وَيُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِأَييِّكُمُ ٱلْمَفْتُونُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِٱلْمُهْتَدِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Hubaal Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا تُطِعِ ٱلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee ha adeecin xaq beeniyayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَدُّوا۟ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تُطِعْ كُلَّ حَلَّافٍ مَّهِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَمَّازٍ مَّشَّآءٍۭ بِنَمِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عُتُلٍّۭ بَعْدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَن كَانَ ذَا مَالٍ وَبَنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Haba lahaadee maal iyo wiilal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kaasoo marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلْخُرْطُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا بَلَوْنَٰهُمْ كَمَا بَلَوْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلْجَنَّةِ إِذْ أَقْسَمُوا۟ لَيَصْرِمُنَّهَا مُصْبِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَسْتَثْنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَطَافَ عَلَيْهَا طَآئِفٌ مِّن رَّبِّكَ وَهُمْ نَآئِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَصْبَحَتْ كَٱلصَّرِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَنَادَوْا۟ مُصْبِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنِ ٱغْدُوا۟ عَلَىٰ حَرْثِكُمْ إِن كُنتُمْ صَٰرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱنطَلَقُوا۟ وَهُمْ يَتَخَٰفَتُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَن لَّا يَدْخُلَنَّهَا ٱلْيَوْمَ عَلَيْكُم مِّسْكِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَغَدَوْا۟ عَلَىٰ حَرْدٍ قَٰدِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا رَأَوْهَا قَالُوٓا۟ إِنَّا لَضَآلُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Mayee, waa la ina hoojiyey .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَوْسَطُهُمْ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ لَوْلَا تُسَبِّحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ سُبْحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَلَٰوَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ ٱلْعَذَابُ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَكْبَرُ لَوْ كَانُوا۟ يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَنَجْعَلُ ٱلْمُسْلِمِينَ كَٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَكُمْ كِتَٰبٌ فِيهِ تَدْرُسُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ لَكُمْ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَكُمْ أَيْمَٰنٌ عَلَيْنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمْ لَمَا تَحْكُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَلْهُمْ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُمْ شُرَكَآءُ فَلْيَأْتُوا۟ بِشُرَكَآئِهِمْ إِن كَانُوا۟ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [2] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ وَقَدْ كَانُوا۟ يُدْعَوْنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمْ سَٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَرْنِى وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلْحَدِيثِ سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأُمْلِى لَهُمْ إِنَّ كَيْدِى مَتِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلْحُوتِ إِذْ نَادَىٰ وَهُوَ مَكْظُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّوْلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعْمَةٌ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلْعَرَآءِ وَهُوَ مَذْمُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱجْتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَٰرِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا۟ ٱلذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70