caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Haaqqa الحاقة

52 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 78

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلْحَآقَّةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan [1]!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا ٱلْحَآقَّةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا ٱلْحَآقَّةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌۢ بِٱلْقَارِعَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا۟ بِٱلطَّاغِيَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا۟ بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى ٱلْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَآءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُۥ وَٱلْمُؤْتَفِكَٰتُ بِٱلْخَاطِئَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay [3] waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَصَوْا۟ رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلْمَآءُ حَمَلْنَٰكُمْ فِى ٱلْجَارِيَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَآ أُذُنٌ وَٰعِيَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ نَفْخَةٌ وَٰحِدَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحُمِلَتِ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَٰحِدَةً

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ ٱلْوَاقِعَةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِىَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرْجَآئِهَا وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَٰنِيَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقْرَءُوا۟ كِتَٰبِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى ظَنَنتُ أَنِّى مُلَٰقٍ حِسَابِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَهُوَ فِى عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Beer sare gudaheed ah (Janno),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَآ أَسْلَفْتُمْ فِى ٱلْأَيَّامِ ٱلْخَالِيَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيْتَنِى لَمْ أُوتَ كِتَٰبِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰلَيْتَهَا كَانَتِ ٱلْقَاضِيَةَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَغْنَىٰ عَنِّى مَالِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Maalkeygii waxba iima tarin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلَكَ عَنِّى سُلْطَٰنِيَهْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Awooddeydii waa iga baabba’een.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خُذُوهُ فَغُلُّوهُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ ٱلْجَحِيمَ صَلُّوهُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Markaas geliya dabka ololka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ فِى سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَٱسْلُكُوهُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَيْسَ لَهُ ٱلْيَوْمَ هَٰهُنَا حَمِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا يَأْكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلْخَٰطِـُٔونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Aanay cidi cunin geflowyada maahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَآ أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا لَا تُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Iyo wax aydaan aragba,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ ٱلْأَقَاوِيلِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِٱلْيَمِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ ٱلْوَتِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَٰجِزِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَحَسْرَةٌ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلْيَقِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Waana xaq dhab ah oo la hubo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَسَبِّحْ بِٱسْمِ رَبِّكَ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70