Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Ee ah Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waana Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta [1], waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo [4].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Markayse arkaan (cadaabka Alle) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana tala saarannaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah [5]?