Suuradda Al-Mutaffifin المطففين
36 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 86
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Maalin weyn (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay [1]?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّا بَلْ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كِتَٰبٌ مَّرْقُومٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
خِتَٰمُهُۥ مِسْكٌ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَٰفِسُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu xaqiiq waa kuwo lunsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَٰفِظِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→