Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Inshiqaaq
Suuradda Al-Inshiqaaq الإنشقاق
25 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 83
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنشَقَّتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا ٱلْأَرْضُ مُدَّتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Marka arlada la fidiyo,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَٰقِيهِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّا مَنْ أُوتِىَ كِتَٰبَهُۥ وَرَآءَ ظَهْرِهِۦ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَسَوْفَ يَدْعُوا۟ ثُبُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُۥ كَانَ فِىٓ أَهْلِهِۦ مَسْرُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُۥ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلَىٰٓ إِنَّ رَبَّهُۥ كَانَ بِهِۦ بَصِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَآ أُقْسِمُ بِٱلشَّفَقِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّيْلِ وَمَا وَسَقَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْقَمَرِ إِذَا ٱتَّسَقَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ ٱلْقُرْءَانُ لَا يَسْجُدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يُكَذِّبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍۭ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Mutaffifin
Suuradda Al-Burooj →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.