Suuradda Al-Infitaar الإنفطار
19 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 82
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Markay samada dildillaacdo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Marka qabuuraha la soo qufo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِىٓ أَىِّ صُورَةٍ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَٰفِظِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كِرَامًا كَٰتِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْـًٔا وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→