caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda At-Tur الطور

49 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 76

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلطُّورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكِتَٰبٍ مَّسْطُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo Kitaab qoran [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى رَقٍّ مَّنشُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْبَيْتِ ٱلْمَعْمُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلسَّقْفِ ٱلْمَرْفُوعِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْبَحْرِ ٱلْمَسْجُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma jiro wax celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَسِيرُ ٱلْجِبَالُ سَيْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ هُمْ فِى خَوْضٍ يَلْعَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِى كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَسِحْرٌ هَٰذَآ أَمْ أَنتُمْ لَا تُبْصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱصْلَوْهَا فَٱصْبِرُوٓا۟ أَوْ لَا تَصْبِرُوا۟ سَوَآءٌ عَلَيْكُمْ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَنَعِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Kuwa ka dhowrsada xumaha [6] waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ وَوَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. (Waxaa lagu odhan): Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٍ مَّصْفُوفَةٍ وَزَوَّجْنَٰهُم بِحُورٍ عِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَٱتَّبَعَتْهُمْ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلْحَقْنَا بِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَمَآ أَلَتْنَٰهُم مِّنْ عَمَلِهِم مِّن شَىْءٍ كُلُّ ٱمْرِئٍۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمْدَدْنَٰهُم بِفَٰكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ غِلْمَانٌ لَّهُمْ كَأَنَّهُمْ لُؤْلُؤٌ مَّكْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَآءَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنَّا كُنَّا قَبْلُ فِىٓ أَهْلِنَا مُشْفِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waxay odhan: Waxaan ka hor 'intaan adduunka joognay' ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada (cadaabka Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيْنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلُ نَدْعُوهُ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْبَرُّ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Isaga xaqiiq Baarriga, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَكِّرْ فَمَآ أَنتَ بِنِعْمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٍ وَلَا مَجْنُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يَقُولُونَ شَاعِرٌ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيْبَ ٱلْمَنُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ تَرَبَّصُوا۟ فَإِنِّى مَعَكُم مِّنَ ٱلْمُتَرَبِّصِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ تَأْمُرُهُمْ أَحْلَٰمُهُم بِهَٰذَآ أَمْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥ بَل لَّا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلْيَأْتُوا۟ بِحَدِيثٍ مِّثْلِهِۦٓ إِن كَانُوا۟ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ خُلِقُوا۟ مِنْ غَيْرِ شَىْءٍ أَمْ هُمُ ٱلْخَٰلِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ خَلَقُوا۟ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بَل لَّا يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ عِندَهُمْ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمْ هُمُ ٱلْمُصَۣيْطِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُمْ سُلَّمٌ يَسْتَمِعُونَ فِيهِ فَلْيَأْتِ مُسْتَمِعُهُم بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُ ٱلْبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلْبَنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ أَجْرًا فَهُم مِّن مَّغْرَمٍ مُّثْقَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ عِندَهُمُ ٱلْغَيْبُ فَهُمْ يَكْتُبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يُرِيدُونَ كَيْدًا فَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ هُمُ ٱلْمَكِيدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُمْ إِلَٰهٌ غَيْرُ ٱللَّهِ سُبْحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Alle waa ka hufan yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن يَرَوْا۟ كِسْفًا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطًا يَقُولُوا۟ سَحَابٌ مَّرْكُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya [8] waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَرْهُمْ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى فِيهِ يُصْعَقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ لَا يُغْنِى عَنْهُمْ كَيْدُهُمْ شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ عَذَابًا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxay xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow 'adduunka gudahi' [9] badankooduse ma ay oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَإِدْبَٰرَ ٱلنُّجُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70