Bogga hore › Suuradaha › Suuradda An-Najm
Suuradda An-Najm النجم
62 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 23
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا يَنطِقُ عَنِ ٱلْهَوَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Ma ku hadlo hawadiisa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْىٌ يُوحَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَّمَهُۥ شَدِيدُ ٱلْقُوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذُو مِرَّةٍ فَٱسْتَوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَهُوَ بِٱلْأُفُقِ ٱلْأَعْلَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَوْحَىٰٓ إِلَىٰ عَبْدِهِۦ مَآ أَوْحَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [3].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا كَذَبَ ٱلْفُؤَادُ مَا رَأَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [4].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَتُمَٰرُونَهُۥ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ رَءَاهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عِندَ سِدْرَةِ ٱلْمُنتَهَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Dhammaadka xadka geedka gobka [5].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عِندَهَا جَنَّةُ ٱلْمَأْوَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ يَغْشَى ٱلسِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا زَاغَ ٱلْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ ءَايَٰتِ رَبِّهِ ٱلْكُبْرَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتُمُ ٱللَّٰتَ وَٱلْعُزَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَنَوٰةَ ٱلثَّالِثَةَ ٱلْأُخْرَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [6]?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَكُمُ ٱلذَّكَرُ وَلَهُ ٱلْأُنثَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Tanu waa qayb dulun ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنْ هِىَ إِلَّآ أَسْمَآءٌ سَمَّيْتُمُوهَآ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَٰنٍ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَمَا تَهْوَى ٱلْأَنفُسُ وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ ٱلْهُدَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ لِلْإِنسَٰنِ مَا تَمَنَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلِلَّهِ ٱلْـَٔاخِرَةُ وَٱلْأُولَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ لَا تُغْنِى شَفَٰعَتُهُمْ شَيْـًٔا إِلَّا مِنۢ بَعْدِ أَن يَأْذَنَ ٱللَّهُ لِمَن يَشَآءُ وَيَرْضَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ لَيُسَمُّونَ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ تَسْمِيَةَ ٱلْأُنثَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا لَهُم بِهِۦ مِنْ عِلْمٍ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغْنِى مِنَ ٱلْحَقِّ شَيْـًٔا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ ٱلْعِلْمِ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱهْتَدَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لِيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَسَٰٓـُٔوا۟ بِمَا عَمِلُوا۟ وَيَجْزِىَ ٱلَّذِينَ أَحْسَنُوا۟ بِٱلْحُسْنَى
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ إِلَّا ٱللَّمَمَ إِنَّ رَبَّكَ وَٰسِعُ ٱلْمَغْفِرَةِ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِى بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمْ فَلَا تُزَكُّوٓا۟ أَنفُسَكُمْ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ ٱتَّقَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى تَوَلَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Oo wax yar bixiyey [7], inta kalena ceshaday.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِى صُحُفِ مُوسَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِبْرَٰهِيمَ ٱلَّذِى وَفَّىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَٰنِ إِلَّا مَا سَعَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّ سَعْيَهُۥ سَوْفَ يُرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Camalkiisana la arki doono.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يُجْزَىٰهُ ٱلْجَزَآءَ ٱلْأَوْفَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلْمُنتَهَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43.Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥ خَلَقَ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّ عَلَيْهِ ٱلنَّشْأَةَ ٱلْأُخْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥ هُوَ رَبُّ ٱلشِّعْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra [8].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنَّهُۥٓ أَهْلَكَ عَادًا ٱلْأُولَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَثَمُودَا۟ فَمَآ أَبْقَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay [9].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَغَشَّىٰهَا مَا غَشَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ ٱلنُّذُرِ ٱلْأُولَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَزِفَتِ ٱلْـَٔازِفَةُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ ٱللَّهِ كَاشِفَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَمِنْ هَٰذَا ٱلْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنتُمْ سَٰمِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 61. Idinkoo iska haasaawaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْجُدُوا۟ لِلَّهِ وَٱعْبُدُوا۟
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 62. Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda At-Tur
Suuradda Al-Qamar →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.