Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Adh-Dhaariyat
Suuradda Adh-Dhaariyat الذاريات
60 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 67
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلذَّٰرِيَٰتِ ذَرْوًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) boorka kiciya [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلْحَٰمِلَٰتِ وِقْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Iyo (duruuraha) xambaarsan culayska (roobka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلْجَٰرِيَٰتِ يُسْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Iyo doonyaha sida fudud ugu socda (badaha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلْمُقَسِّمَٰتِ أَمْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Iyo kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. (Dadow) waxa la idiinku gooddin (Qiyaamada, Xisaabta) xaqiiq waa run.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّ ٱلدِّينَ لَوَٰقِعٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Abaalmarintuna (jaazeynta Aakhiro) waa la hubaa inay dhaceyso.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلْحُبُكِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Waxaan kaloo (waa Alle'e) ku dhaartay samada quruxda iyo waddooyinka leh,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّكُمْ لَفِى قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Waxaad idinku (dadow) kaga sugan tihiin (Nabiga iyo Qur’aanka) hadal kala duwan .
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Waxaa laga duwaa (Qur’aanka iyo Nabiga) kan isaga iska duwa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُتِلَ ٱلْخَرَّٰصُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha mala awaalka badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ هُمْ فِى غَمْرَةٍ سَاهُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan (ka maahsan Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَسْـَٔلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Waxay weydiin: Waa goorma Maalinta Abaal marintu (Jaazeyntu)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ هُمْ عَلَى ٱلنَّارِ يُفْتَنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Waa Maalinta Naarta lagu gubi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذُوقُوا۟ فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تَسْتَعْجِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Dhadhamiya cadaabkiinna. Kanu waa waxaad degdegsanayseen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan beero iyo ilo (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَاخِذِينَ مَآ ءَاتَىٰهُمْ رَبُّهُمْ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Iyagoo qaadan waxa uu Rabbigood siiyey. Waxay ahaayeen horay sama falayaal.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَانُوا۟ قَلِيلًا مِّنَ ٱلَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxay seexan jireen habeenkii wax yar ma ahee [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَبِٱلْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Waqtiyada suxuurtana way denbi dhaaf weydiisanayeen,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِى ٱلْأَرْضِ ءَايَٰتٌ لِّلْمُوقِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa yaqiinsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِىٓ أَنفُسِكُمْ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Iyo nafahiinnaba, ee miyeydaan arkeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِى ٱلسَّمَآءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Samada yuuna jiraa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ إِنَّهُۥ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَآ أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Rabbiga samada iyo arlada yaan ku dhaarane, soo bixinta (Qiyaame iyo in risiqiinnu jiro samada) Xaq weeye, sidaad u hadashaanba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَٰهِيمَ ٱلْمُكْرَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Ma ku soo gaaray warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ دَخَلُوا۟ عَلَيْهِ فَقَالُوا۟ سَلَٰمًا قَالَ سَلَٰمٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Markay u soo galeen oo yidhaahdeen: nabad ahow, wuxuu yidhi: nabad ahaada. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَرَاغَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ فَجَآءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقَرَّبَهُۥٓ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Una soo dhoweeyey (isagoo ku leh): Miyeydaan cunayn?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً قَالُوا۟ لَا تَخَفْ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. (Waxbase ma ay cunin) markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan, waxayna ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh (isxaaq).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَقْبَلَتِ ٱمْرَأَتُهُۥ فِى صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Markaasay soo qaabishay marwadiisii iyadoo qaylyi, oo iska dharbaaxday wejiga iyadoo yaabban, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday (yaa wax dhali)!.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Sidaasuu yidhi Rabbigaa. Waa Isaga Xakiimka, Wax kasta Ogsoon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا ٱلْمُرْسَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31.(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiin- nu yahay kuwayahow la soo diray?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ إِنَّآ أُرْسِلْنَآ إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah [3].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo kulul ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha [4].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Markaasaan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ ٱلْمُسْلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Kamase aanu helin gudaheeda (magaaladaa) wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah [5].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَرَكْنَا فِيهَآ ءَايَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَلِيمَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Waxaan uga tagnay halkaa (magaalooyinkii Sodom iyo Gammurah ee dadkii Luud) Calaamo [6] kuwa 'mu'miniinta' ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِى مُوسَىٰٓ إِذْ أَرْسَلْنَٰهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِۦ وَقَالَ سَٰحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Wuuse jeestay (Fircoon) isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: 'Kani Muuse' waa saaxir ama jinnoole.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَخَذْنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذْنَٰهُمْ فِى ٱلْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Markaasaan qabannay isaga (Fircoon) iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِى عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ ٱلرِّيحَ ٱلْعَقِيمَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Reer Caadna (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato) markaan ku dirnay dabeyl ma dhaleys ah [7].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا تَذَرُ مِن شَىْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَٱلرَّمِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Wax kama tegin ay ku timid inay ka
dhigtay maahee digada oo kale.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفِى ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا۟ حَتَّىٰ حِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Reer Thamuudna (calaamo baa ku sugan lagu waano qaato), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَعَتَوْا۟ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا ٱسْتَطَٰعُوا۟ مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا۟ مُنتَصِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَٰسِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Qolodii Nuuxna iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo lagu waano qaato), waxay ahaayeen qolo fallaago ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَٰهَا بِأَيْي۟دٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Samada waxaan ku dhisnay awood Oo waa Annaga (Alle ah) kuwa waasiciya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْأَرْضَ فَرَشْنَٰهَا فَنِعْمَ ٱلْمَٰهِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Oo dhulka Waanu gogolnay, Ee fiicanaa diyaariyuhu.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمِن كُلِّ شَىْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Wax walbana Waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَفِرُّوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Ee u carara xagga Alle [8], waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَا تَجْعَلُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ إِنِّى لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Ha u yeelina la jirka Alle Ilaah kale. Waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَٰلِكَ مَآ أَتَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا۟ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa saaxir, ama jinnoole.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَتَوَاصَوْا۟ بِهِۦ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Miyey iskula dardaarmeen arrinkani [9]? Mayee’ waa qolo xadgudub badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَآ أَنتَ بِمَلُومٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Ee iskaga jeeso, kaama saarna eede.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَذَكِّرْ فَإِنَّ ٱلذِّكْرَىٰ تَنفَعُ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Waani, waanadu waxay anfici mu’miniinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا خَلَقْتُ ٱلْجِنَّ وَٱلْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan [10].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَآ أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَآ أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Kama doonayo wax risiq ah, kamana doonayo inay quudiyaan (uunkayga).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلرَّزَّاقُ ذُو ٱلْقُوَّةِ ٱلْمَتِينُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58. Hubaal waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoogga Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَٰبِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59. Xaqiiq kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxaa u sugnaaday saami 'Cadaab ah' la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo (cadaabka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن يَوْمِهِمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Hoog waxaa leh kuwa gaalooba, kaasoo ku iman Maalinkoodaasi loogu gooddiyey (Maalinta Qiyaamaha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Qaaf
Suuradda At-Tur →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.