caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Muminoon المؤمنون

118 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 74

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ قَدْ أَفْلَحَ ٱلْمُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ هُمْ فِى صَلَاتِهِمْ خَٰشِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ عَنِ ٱللَّغْوِ مُعْرِضُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ee ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَوٰةِ فَٰعِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ee ah kuwa fala zakada (bixiya).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee [1], xaqiiq laguma eedo taasi;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee ah kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَٰتِهِمْ يُحَافِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْوَٰرِثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws [2] way ku dhex waadhi weligood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن سُلَٰلَةٍ مِّن طِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaan dhab ahaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ جَعَلْنَٰهُ نُطْفَةً فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic mani ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ خَلَقْنَا ٱلنُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا ٱلْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا ٱلْمُضْغَةَ عِظَٰمًا فَكَسَوْنَا ٱلْعِظَٰمَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَٰهُ خَلْقًا ءَاخَرَ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ أَحْسَنُ ٱلْخَٰلِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّكُم بَعْدَ ذَٰلِكَ لَمَيِّتُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ تُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ خَلَقْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعَ طَرَآئِقَ وَمَا كُنَّا عَنِ ٱلْخَلْقِ غَٰفِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaana xaqiiq abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog uunka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَسْكَنَّٰهُ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِنَّا عَلَىٰ ذَهَابٍۭ بِهِۦ لَقَٰدِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنشَأْنَا لَكُم بِهِۦ جَنَّٰتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَٰبٍ لَّكُمْ فِيهَا فَوَٰكِهُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَشَجَرَةً تَخْرُجُ مِن طُورِ سَيْنَآءَ تَنۢبُتُ بِٱلدُّهْنِ وَصِبْغٍ لِّلْـَٔاكِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ لَكُمْ فِى ٱلْأَنْعَٰمِ لَعِبْرَةً نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِى بُطُونِهَا وَلَكُمْ فِيهَا مَنَٰفِعُ كَثِيرَةٌ وَمِنْهَا تَأْكُلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَلَيْهَا وَعَلَى ٱلْفُلْكِ تُحْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوْمِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُۥٓ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَالَ ٱلْمَلَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَوْمِهِۦ مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُرِيدُ أَن يَتَفَضَّلَ عَلَيْكُمْ وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَأَنزَلَ مَلَٰٓئِكَةً مَّا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِىٓ ءَابَآئِنَا ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌۢ بِهِۦ جِنَّةٌ فَتَرَبَّصُوا۟ بِهِۦ حَتَّىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ ٱنصُرْنِى بِمَا كَذَّبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِ أَنِ ٱصْنَعِ ٱلْفُلْكَ بِأَعْيُنِنَا وَوَحْيِنَا فَإِذَا جَآءَ أَمْرُنَا وَفَارَ ٱلتَّنُّورُ فَٱسْلُكْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ ٱثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن سَبَقَ عَلَيْهِ ٱلْقَوْلُ مِنْهُمْ وَلَا تُخَٰطِبْنِى فِى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓا۟ إِنَّهُم مُّغْرَقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا ٱسْتَوَيْتَ أَنتَ وَمَن مَّعَكَ عَلَى ٱلْفُلْكِ فَقُلِ ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِى نَجَّىٰنَا مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُل رَّبِّ أَنزِلْنِى مُنزَلًا مُّبَارَكًا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْمُنزِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ وَإِن كُنَّا لَمُبْتَلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَنشَأْنَا مِنۢ بَعْدِهِمْ قَرْنًا ءَاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَرْسَلْنَا فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُۥٓ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud' [4] ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالَ ٱلْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِلِقَآءِ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَأَتْرَفْنَٰهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا مَا هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يَأْكُلُ مِمَّا تَأْكُلُونَ مِنْهُ وَيَشْرَبُ مِمَّا تَشْرَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَئِنْ أَطَعْتُم بَشَرًا مِّثْلَكُمْ إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَٰسِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَيَعِدُكُمْ أَنَّكُمْ إِذَا مِتُّمْ وَكُنتُمْ تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَنَّكُم مُّخْرَجُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَيْهَاتَ هَيْهَاتَ لِمَا تُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا نَحْنُ بِمَبْعُوثِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُۥ بِمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ ٱنصُرْنِى بِمَا كَذَّبُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ عَمَّا قَلِيلٍ لَّيُصْبِحُنَّ نَٰدِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخَذَتْهُمُ ٱلصَّيْحَةُ بِٱلْحَقِّ فَجَعَلْنَٰهُمْ غُثَآءً فَبُعْدًا لِّلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَنشَأْنَا مِنۢ بَعْدِهِمْ قُرُونًا ءَاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَـْٔخِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا تَتْرَا كُلَّ مَا جَآءَ أُمَّةً رَّسُولُهَا كَذَّبُوهُ فَأَتْبَعْنَا بَعْضَهُم بَعْضًا وَجَعَلْنَٰهُمْ أَحَادِيثَ فَبُعْدًا لِّقَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ وَأَخَاهُ هَٰرُونَ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga [5] iyo Xujo Cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ فَٱسْتَكْبَرُوا۟ وَكَانُوا۟ قَوْمًا عَالِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَالُوٓا۟ أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَٰبِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَذَّبُوهُمَا فَكَانُوا۟ مِنَ ٱلْمُهْلَكِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَى ٱلْكِتَٰبَ لَعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا ٱبْنَ مَرْيَمَ وَأُمَّهُۥٓ ءَايَةً وَءَاوَيْنَٰهُمَآ إِلَىٰ رَبْوَةٍ ذَاتِ قَرَارٍ وَمَعِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad [7], waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيُّهَا ٱلرُّسُلُ كُلُوا۟ مِنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَٱعْمَلُوا۟ صَٰلِحًا إِنِّى بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu xaqiiq waxaad faleysaan waan Ogahaye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَأَنَا۠ رَبُّكُمْ فَٱتَّقُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee iga cabsada (oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَقَطَّعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ زُبُرًا كُلُّ حِزْبٍۭ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan [8] ay ku faraxsan yihiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَرْهُمْ فِى غَمْرَتِهِمْ حَتَّىٰ حِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَيَحْسَبُونَ أَنَّمَا نُمِدُّهُم بِهِۦ مِن مَّالٍ وَبَنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نُسَارِعُ لَهُمْ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ بَل لَّا يَشْعُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ هُم مِّنْ خَشْيَةِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُم بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُم بِرَبِّهِمْ لَا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يُؤْتُونَ مَآ ءَاتَوا۟ وَّقُلُوبُهُمْ وَجِلَةٌ أَنَّهُمْ إِلَىٰ رَبِّهِمْ رَٰجِعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto [10] 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ يُسَٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَهُمْ لَهَا سَٰبِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا وَلَدَيْنَا كِتَٰبٌ يَنطِقُ بِٱلْحَقِّ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ قُلُوبُهُمْ فِى غَمْرَةٍ مِّنْ هَٰذَا وَلَهُمْ أَعْمَٰلٌ مِّن دُونِ ذَٰلِكَ هُمْ لَهَا عَٰمِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَآ أَخَذْنَا مُتْرَفِيهِم بِٱلْعَذَابِ إِذَا هُمْ يَجْـَٔرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab [11], markaasay calaacalaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا تَجْـَٔرُوا۟ ٱلْيَوْمَ إِنَّكُم مِّنَّا لَا تُنصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَدْ كَانَتْ ءَايَٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُمْ عَلَىٰٓ أَعْقَٰبِكُمْ تَنكِصُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُسْتَكْبِرِينَ بِهِۦ سَٰمِرًا تَهْجُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan [12].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَلَمْ يَدَّبَّرُوا۟ ٱلْقَوْلَ أَمْ جَآءَهُم مَّا لَمْ يَأْتِ ءَابَآءَهُمُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَمْ يَعْرِفُوا۟ رَسُولَهُمْ فَهُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يَقُولُونَ بِهِۦ جِنَّةٌۢ بَلْ جَآءَهُم بِٱلْحَقِّ وَأَكْثَرُهُمْ لِلْحَقِّ كَٰرِهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوِ ٱتَّبَعَ ٱلْحَقُّ أَهْوَآءَهُمْ لَفَسَدَتِ ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ بَلْ أَتَيْنَٰهُم بِذِكْرِهِمْ فَهُمْ عَن ذِكْرِهِم مُّعْرِضُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ تَسْـَٔلُهُمْ خَرْجًا فَخَرَاجُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَهُوَ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّكَ لَتَدْعُوهُمْ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِٱلْـَٔاخِرَةِ عَنِ ٱلصِّرَٰطِ لَنَٰكِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ رَحِمْنَٰهُمْ وَكَشَفْنَا مَا بِهِم مِّن ضُرٍّ لَّلَجُّوا۟ فِى طُغْيَٰنِهِمْ يَعْمَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَخَذْنَٰهُم بِٱلْعَذَابِ فَمَا ٱسْتَكَانُوا۟ لِرَبِّهِمْ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا ذَا عَذَابٍ شَدِيدٍ إِذَا هُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِىٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمْعَ وَٱلْأَبْصَٰرَ وَٱلْأَفْـِٔدَةَ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى ذَرَأَكُمْ فِى ٱلْأَرْضِ وَإِلَيْهِ تُحْشَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى يُحْىِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخْتِلَٰفُ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ أَفَلَا تَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ قَالُوا۟ مِثْلَ مَا قَالَ ٱلْأَوَّلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبْعُوثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل لِّمَنِ ٱلْأَرْضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبْعِ وَرَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْعَظِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn [14]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَىْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ فَأَنَّىٰ تُسْحَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ أَتَيْنَٰهُم بِٱلْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَٰذِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waa beenalayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ مِن وَلَدٍ وَمَا كَانَ مَعَهُۥ مِنْ إِلَٰهٍ إِذًا لَّذَهَبَ كُلُّ إِلَٰهٍۭ بِمَا خَلَقَ وَلَعَلَا بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ سُبْحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل رَّبِّ إِمَّا تُرِيَنِّى مَا يُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ فَلَا تَجْعَلْنِى فِى ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّا عَلَىٰٓ أَن نُّرِيَكَ مَا نَعِدُهُمْ لَقَٰدِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱدْفَعْ بِٱلَّتِى هِىَ أَحْسَنُ ٱلسَّيِّئَةَ نَحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَصِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُل رَّبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ هَمَزَٰتِ ٱلشَّيَٰطِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَعُوذُ بِكَ رَبِّ أَن يَحْضُرُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَ أَحَدَهُمُ ٱلْمَوْتُ قَالَ رَبِّ ٱرْجِعُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَعَلِّىٓ أَعْمَلُ صَٰلِحًا فِيمَا تَرَكْتُ كَلَّآ إِنَّهَا كَلِمَةٌ هُوَ قَآئِلُهَا وَمِن وَرَآئِهِم بَرْزَخٌ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay [15]. “May, ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh 'xayir [16] aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا نُفِخَ فِى ٱلصُّورِ فَلَآ أَنسَابَ بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَآءَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَن ثَقُلَتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَنْ خَفَّتْ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ فِى جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَلْفَحُ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ وَهُمْ فِيهَا كَٰلِحُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran [17].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَكُنْ ءَايَٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَكُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. (Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ رَبَّنَا غَلَبَتْ عَلَيْنَا شِقْوَتُنَا وَكُنَّا قَوْمًا ضَآلِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Waxay odhan: “Rabbigayow! Ayaandarradayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبَّنَآ أَخْرِجْنَا مِنْهَا فَإِنْ عُدْنَا فَإِنَّا ظَٰلِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ٱخْسَـُٔوا۟ فِيهَا وَلَا تُكَلِّمُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. (Alle) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda (Naarta), hana ila hadlina.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ كَانَ فَرِيقٌ مِّنْ عِبَادِى يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱغْفِرْ لَنَا وَٱرْحَمْنَا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّخَذْتُمُوهُمْ سِخْرِيًّا حَتَّىٰٓ أَنسَوْكُمْ ذِكْرِى وَكُنتُم مِّنْهُمْ تَضْحَكُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusiddeydii, waadna ku qosli jirteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّى جَزَيْتُهُمُ ٱلْيَوْمَ بِمَا صَبَرُوٓا۟ أَنَّهُمْ هُمُ ٱلْفَآئِزُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Waxaan anigu ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darti inay iyagu yihiin guuleystayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَٰلَ كَمْ لَبِثْتُمْ فِى ٱلْأَرْضِ عَدَدَ سِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. (Alle) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَبِثْنَا يَوْمًا أَوْ بَعْضَ يَوْمٍ فَسْـَٔلِ ٱلْعَآدِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَٰلَ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا قَلِيلًا لَّوْ أَنَّكُمْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَٰكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلْمَلِكُ ٱلْحَقُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلْعَرْشِ ٱلْكَرِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يَدْعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ لَا بُرْهَٰنَ لَهُۥ بِهِۦ فَإِنَّمَا حِسَابُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦٓ إِنَّهُۥ لَا يُفْلِحُ ٱلْكَٰفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Qofkii barya (caabuda) Alle la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقُل رَّبِّ ٱغْفِرْ وَٱرْحَمْ وَأَنتَ خَيْرُ ٱلرَّٰحِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70