Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Waxaa loo qoray in qofkii raaca (sheydaan) oo saaxiib ka yeesha inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana dhibic mani ah, haddana xinjir, haddana
cad hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna arkaysaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Alle si dhinac ka joog ah [1] 'shaki qaba'; hadduu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduun iyo aakhiraba. Kaasi waa khasaaraha cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto xigaalo iyo saaxiib.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu Doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada [2], markaas ha gooyo oo ha fiirsho inuu dhagartiisa ku ciil beelayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Hubaal, kuwa 'xaqa' rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusta iyo Mushrikiinta, Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Alle wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay [3]. Qofkii uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kuwani [4] waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh."
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed jijimo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (waa Islaamka ee lagu galo Jannada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Hubaal, kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda [5] iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Ha ila wadaajin (cibaadada) waxba, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Inay goob joogaan ka ahaadaan waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan [6] wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda [7], hana oofiyeen nidarraooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay [8], isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo 'oo laga soo reebay' [9] Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Idinkoo u toosan Alle, oo aan la wadaajin cidna cibaadada. Qofkii Alle la wadaajiya cid kale cibaadada, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waa sidaase, qofkii weyneeya (sharciga iyo) calaamooyinka Alle [10], tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ummad walba waxaan u yeellay cibaado [13] 'ciid', si ay ugu xusaan Magaca Alle waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah. Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya (Allaah) ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ee ah kuwa marka la xuso Alle ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca (oo musiiba ah) ee ooga salaadda, waxa aan siinnayna wax ka bixiya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Ma gaadho Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed. U bishaaree sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Xaqiiq Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Xaqiiq, Alle ma jecla mid kastoo khiyaano badan, abaal dhac badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami 'inay dagaallamaan' [15] waayo waa la dulmiyey. Alle wuu Karaa inuu guul siiyo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajid gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Alle wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Alle baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Miyeyna marin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Alle nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro, markaa Alle sugaa Aayadahiisa [16]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintu (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn [17].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Kuwa u soo haajira Alle darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Alle siin risiq wanaagsan. Alle waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan [18].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Arrinkani waxaa ku wacan waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha, Weyn .
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Miyaanad arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Alle waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Miyaanad arag inuu Alle idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Alle waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Waa Isaga 'Alle' Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Qiyaamaha). Aadmigu xaqiiq waa mid abaal dhac badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka, oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Miyaadan ogayn inuu Alle og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab [19]. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah. Daalimiinta (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa gaalooba nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun [20]? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa gaalada ah, iyadaana u xun meel la ahaado.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhegaysta (si wanaagsan). Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, hadduuna duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni (caabudaha asnaamta) iyo kan la dooni (asnaamta ay caabudaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Alle wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.