Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. (Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo waajibinnay (ku camal falka axkaanteeda), kuna soo dejinnay dhexdeeda Aayado cad cad inaad xusuusataan (oo ku waano qaadataan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' [4].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Kuwa qadfa (ku sheega zino- dhilleysi) xaasaskooda oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Alle inuu run sheegayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaa ka baajin iyadana ciqaabta inay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Alle inuu been sheegayo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Xaqiiq, kuwa la yimid been abuurka 'qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.' [6] waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. Kan qaybta weyn ka qaatay [7] ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan keenin markhaatiyaal, kuwaasu Alle agtiisa waxay ka yihiin beenalayaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Markaad ku gaddonteen (qadafkaa) carrabyadiinna [8], oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, waxaad mooddeen arrin fudud, halka Alle agtiis ay aheyd wax daran oo baas.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Xaqiiq, kuwa jecel inay xumaantu [9] ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba. Alle baana Og, idinkuna ma ogidin [10].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Alle yahay Turid Badane, Naxariis Badan (waad halaagsami laheydeen).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo [11]?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Xaqiiq, kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minaatka ah, ee moog oo ka war la’ 'xumo oo dhan' [12], waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda [14], sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Haddaydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Haddii la idin yidhaahdona noqda [15], markaa noqda; sidaasaa idiin daahirsan. Alle waa Og yahay waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Ma aha korkiinna denbi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan alaabadiinna [16]. Alle wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [17], hana ilaashadeen xubnahooda gaarka ah [18], sidaasaa u daahirsan. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waxaad ku dhahdaa mu’minaatka ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [19] hana xafitaan xubnahooda gaarka ah, yey muujinna quruxdooda [20] wixii iska muuqda maahee [21], hana ku soo dadaan hagoogtooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, yeysanna u muujin quruxdooda (dhan) waxaan aheyn nimankooda qaba, ama (wax ka mid ah quruxdaa sida wejiyadooda, luqumahooda, iyo gacmahooda oo qudha) aabbayaashood, ama aabbayaasha nimankooda qaba, ama wiilashooda, ama wiilasha nimankooda qaba, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar [22], ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Yeysanna ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxay qariyaan oo quruxdooda ah. U tawbad keena Alle idinkoo dhan, mu’miniintoy aad liibaantaane.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. U guuriya [23] kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoomahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), hadday yihiin fuqaro, Alle baa ugu deeqi Fadlgiisa. Alle waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ha dhowrsadeen kuwa aan heli karin waxay ku guursadaaan inta uu Alle kaga hodmin Fadligiisa. Kuwa dalbana qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiyana maalka Alle uu idin siiyey. Hana ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah zino hadday rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Ciddii qasabta, hubaal Alle, ku qasbiddooda kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Alle waa Nuuriyaha [25] samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa [26] waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo [27], dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. (Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo gudahood uu Alle idmay in la kor yeelo [28], Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo tasbiixsada gudahood subax iyo galabba,
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Si uu Alle u siiyo abaal gud waafaqsan kan ugu wanagsanaa waxay faleen, oo waliba uu siiyo deeq dheeri ah ka mid ah Fadligiisa. Alle wuxuu irsaaqaa qofkuu doono xisaab la'aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Kuwase gaaloobay acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin [29], oo uu halkaas ka helo Alle oo abaal marsha una oofiyo si dhan xisaabtiisa, Alle wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, hir uu daboolo, korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, markuu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Qofkaan Alle u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Miyaadan ogayn in Alle ay xurmo weyneeyaan oo u tasbiixsadaan (ka hufaan xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (markay duulliyaan)? Wuu Og yahay mid kasta salaaddiisa iyo tasbiixdiisa. Alle wuu Og yahay waxay fali.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Alle baa iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, waana xagga Alle halka loo noqon dhammaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Miyaadan arkayn in Alle soo kaxeeyo daruuro, markaas isu dumo, oo ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad arki roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, Wuxuuna ka soo dejiyaa daruuraha buuraha la moodo qabow (baraf), isagoo ku rida cidduu doono, kana duwa cidduu doono, iftiinka hillaaciisu daruuraha gudahood ah wuxuu sigaa inuu la tago aragga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Alle wuxuu ka abuuray noole kasta oo jira biyo. Waxaa ka mid ah mid ku xammaarta calooshiisa, waxaa ka mid ah mid ku socda labo lugood, waxaana ka mid ah mid ku socda afar. Alle Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal, Alle wax kasta wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Waxaan dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Alle wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan (Islaamka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48.Marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, mise koox ka mid ahi dhinac bay u jeestaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ma qalbigay ka bukaan (jirro munaafiqnimo ah), mise shaki bay ka qabaan (Nabinnamada Muxammad), mise waxay cabsi ka qabaan in Alle iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, kuwaasi waa kuwo daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Qowlka mu’miniinta, marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo yeelnay. kuwaasina waa kuwa ah liibaanayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Qofkii adeeca Alle iyo Rasuulkiisa, oo ka baqa Alle, dhowrana amarradiisa, kuwaa weeye kuwa ah guuleysatayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay (munaafiqiintu) ku dhaartaan Alle kan ugu adag dhaarahooda, in haddaad amarto ay (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: adeecid fiican 'baa la dooni' [30]. Alle waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala inay u hadhi dhulka oy xukumi, siduu uga yeelayba inay u hadhaan oo xukumaan kuwii ka horreeyay, iyo inuu u makanin diintooda uu uga raalli yahay. Wuxuu ugu beddeli cabsidoodii kaddib nabadgelyo; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Ciddii gaalowda intaas kaddibna [31], kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba ay idan u qaataan [33]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna denbi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah [34] iyagoon isku muujineyn inay is qurxiyaan. Inay isdhowraan [35] baa u khayr badan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Ma saarna wax denbi ah Indhoolaha, iyo laan garaha, iyo bukaanka midna, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxaad hanataan furayaashooda [36], ama (guryaha) saaxiibkiin, idinkumana saarna denbi haddaad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Markase aad galeysaan guryaha, ku salaama dadkiinna salaan xagga Alle ah, barakaysan (oo) wanaagsan [37]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Mu’miniinta waa uun kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa, oo markay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tegin jeeray idan qaataan. Hubaal, kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa. Ee hadday idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, ugana bari denbi dhaaf Alle. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska [38] si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin [39] cadaab xanuun badan.