Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Muddaththir
Suuradda Al-Muddaththir المدثر
56 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 4
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Kani ku dedanow dharka!
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُمْ فَأَنذِرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Kac oo dig,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Rabbigaa weynee.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Maryahaagana daahiri.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Rabbigaana dartiis u samir.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Gaalada aan u fududeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًا مَّمْدُودًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَبَنِينَ شُهُودًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Haddana damci inaan u ziyaadiyo;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّآ إِنَّهُۥ كَانَ لِـَٔايَٰتِنَا عَنِيدًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ نَظَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Kaddib wuu eegay;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ أَدْبَرَ وَٱسْتَكْبَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقَالَ إِنْ هَٰذَآ إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنْ هَٰذَآ إِلَّا قَوْلُ ٱلْبَشَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سَقَرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا تُبْقِى وَلَا تَذَرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةً وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَٰنًا وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّا وَٱلْقَمَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Iyo habeenka markuu tago.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلصُّبْحِ إِذَآ أَسْفَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Iyo waagu markuu caddaado.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهَا لَإِحْدَى ٱلْكُبَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Digniin u ah dadka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِمَن شَآءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّآ أَصْحَٰبَ ٱلْيَمِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Qolada midigta maahee.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى جَنَّٰتٍ يَتَسَآءَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَنِ ٱلْمُجْرِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Xaalka denbiilayaasha:
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا سَلَكَكُمْ فِى سَقَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ لَمْ نَكُ مِنَ ٱلْمُصَلِّينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ ٱلْمِسْكِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ ٱلْخَآئِضِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حَتَّىٰٓ أَتَىٰنَا ٱلْيَقِينُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَٰعَةُ ٱلشَّٰفِعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Marka waxba u tarimeyso shafeecada kuwa shafeeca.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا لَهُمْ عَنِ ٱلتَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍۭ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Ee ka soo cararay libaax?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Mayee, qof walba oo ka mid ahi wuxuu rabaa in la siiyo kitaab faahfaahsan (oo xag Alle ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّا بَل لَّا يَخَافُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Alle).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّآ إِنَّهُۥ تَذْكِرَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Mayee, hubaal kani (Qur’aanka) waa waano.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Ee qofkii rabaa ha ku waano qaato.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ هُوَ أَهْلُ ٱلتَّقْوَىٰ وَأَهْلُ ٱلْمَغْفِرَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Ma waantoobayaanse in Alle doono maahee; waa Isaga Kan mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Denbi Dhaafo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Muzzammil
Suuradda Al-Qiyaama →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.