caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Qiyaama القيامة

40 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 31

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ لَآ أُقْسِمُ بِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay Maalinta Qiyaamaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَآ أُقْسِمُ بِٱلنَّفْسِ ٱللَّوَّامَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waxaan (kaloo) ku dhaartay nafta is eedda [1] 'in la idin soo bixin Aakhirada'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجْمَعَ عِظَامَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ma wuxuu aadmigu moodaa inaanaan isu soo kulmineyn lafahiisa?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّىَ بَنَانَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Haayoo, Waxaan karnaa inaan sinno oo sidoodii ka yeelno farahiisa oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ يُرِيدُ ٱلْإِنسَٰنُ لِيَفْجُرَ أَمَامَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Wuxuuse Aadmigu dooni inuu beeniyo waxa ka horreeya 'ee sugaya' [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَسْـَٔلُ أَيَّانَ يَوْمُ ٱلْقِيَٰمَةِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Wuxuu weydiin: Waa Goorma Maalinta Qiyaamaha?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا بَرِقَ ٱلْبَصَرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Ee marka araggu argagaxo (taagmo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَخَسَفَ ٱلْقَمَرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Oo dayaxu madoobaado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجُمِعَ ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Oo la kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍ أَيْنَ ٱلْمَفَرُّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Aadmigu wuxuu Maalintaas odhan: Xaggee loo cararaa?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا لَا وَزَرَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Mayee! Ma jiro agab (meel la magan galo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمُسْتَقَرُّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Xagga Rabbigaa (Keliya) buu ahaan Maalintaa meesha agabka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُنَبَّؤُا۟ ٱلْإِنسَٰنُ يَوْمَئِذٍۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Waxaa looga warrami Aadmiga Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu dib marsaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلِ ٱلْإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفْسِهِۦ بَصِيرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Balse Aadmigu wuxuu ku marag furi naftiisa Isagaana is og.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ أَلْقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Si kasta hadduu u cudurdaarto (wax uma tarto cudur daarasho).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا تُحَرِّكْ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعْجَلَ بِهِۦٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ha ku dhaqaajin (Nabiyow) carrabkaaga (markuu Waxyigu soo degayo) inaad ku degdegto (Qur’aanka akhrintiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ عَلَيْنَا جَمْعَهُۥ وَقُرْءَانَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Xaqiiq, waa xil Annaga na saaran inaan ku kulminno (laabtaada, ku xifdisiinno) oo kuu (sahalno) akhrintiisa (iyo fahankiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا قَرَأْنَٰهُ فَٱتَّبِعْ قُرْءَانَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Ee markaan akhrinno (Jabriil kuu akhriyo) u raarici (maqalka) akhriskiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا بَيَانَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Kaddib xaqiiq Annaggay na saaran tahay inaan kuu caddeyno (fasirkiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا بَلْ تُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَذَرُونَ ٱلْـَٔاخِرَةَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Oo dayacdaan Aakhirada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاضِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Wejiyo Maalintaas way ifi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍۭ بَاسِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَظُنُّ أَن يُفْعَلَ بِهَا فَاقِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِىَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ مَنْ رَاقٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلْفِرَاقُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ رَبِّكَ يَوْمَئِذٍ ٱلْمَسَاقُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Wuuse beeniyey oo jeesaday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهْلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَوْلَىٰ لَكَ فَأَوْلَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَيَحْسَبُ ٱلْإِنسَٰنُ أَن يُتْرَكَ سُدًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ يَكُ نُطْفَةً مِّن مَّنِىٍّ يُمْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ كَانَ عَلَقَةً فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجَعَلَ مِنْهُ ٱلزَّوْجَيْنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَيْسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحْـِۧىَ ٱلْمَوْتَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida [3]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70