caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Muddaththir, aayadda 31

Makka · kala horreynta soo dejinta 4 · 74:31

وَمَا جَعَلْنَآ أَصْحَٰبَ ٱلنَّارِ إِلَّا مَلَٰٓئِكَةً وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِيَسْتَيْقِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ وَيَزْدَادَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِيمَٰنًا وَلَا يَرْتَابَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْمُؤْمِنُونَ وَلِيَقُولَ ٱلَّذِينَ فِى قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَٱلْكَٰفِرُونَ مَاذَآ أَرَادَ ٱللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِى مَن يَشَآءُ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ وَمَا هِىَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70