caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Muzzammil المزمل

20 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 3

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُمِ ٱلَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نِّصْفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ ٱلْقُرْءَانَ تَرْتِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا سَنُلْقِى عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيْلِ هِىَ أَشَدُّ وَطْـًٔا وَأَقْوَمُ قِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ لَكَ فِى ٱلنَّهَارِ سَبْحًا طَوِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلْ إِلَيْهِ تَبْتِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَّبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذْهُ وَكِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَذَرْنِى وَٱلْمُكَذِّبِينَ أُو۟لِى ٱلنَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ لَدَيْنَآ أَنكَالًا وَجَحِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَٰهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذْنَٰهُ أَخْذًا وَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ ٱلْوِلْدَٰنَ شِيبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرٌۢ بِهِۦ كَانَ وَعْدُهُۥ مَفْعُولًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّكَ يَعْلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدْنَىٰ مِن ثُلُثَىِ ٱلَّيْلِ وَنِصْفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٌ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ عَلِمَ أَن لَّن تُحْصُوهُ فَتَابَ عَلَيْكُمْ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلْقُرْءَانِ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرْضَىٰ وَءَاخَرُونَ يَضْرِبُونَ فِى ٱلْأَرْضِ يَبْتَغُونَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ وَءَاخَرُونَ يُقَٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنْهُ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا وَمَا تُقَدِّمُوا۟ لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا وَٱسْتَغْفِرُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌۢ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70