قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ ٱلْخُلَطَآءِ لَيَبْغِى بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّٰهُ فَٱسْتَغْفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday 'Alle" [9] isagoo tawbad keen ah.