Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan [1] aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ma mid daacad ah tukada saacado habeenka ah isagoo sujuudsan oo taagan, ka digtoon Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeeyow, Dhowra (xilkuu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, arlada AIlena waa waasic (ee ku caabuda Isagoo Keliya). Waxaa uun loo oofiyaa kuwa samra Abaalkooda si dhan xisaab la’aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo Naar ah hoostooda. Arrinkaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada (iskana jira xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta' [4] oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican [5], kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Kuwase ka cabsada Rabbigood (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)? Waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda [6], ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Markaasuu Alle ku dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn [8], si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Xaqiiq, waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana isaga uun bay ka go’an tahay lumitaankiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Alle baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa arrinkaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Marka Alle Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuwa ay sokadi (caabudaan), markaasay farxaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan [10].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan [11]. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo tawbad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idiin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Si ayan nafi u odhan [12]: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya [13] waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed [15], ma taabato xumaan, mana murugoodaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69.Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Alle) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falaan [18].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Waxaa la odhan: Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (amarrada) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda [19] (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda [20].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaan ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.