وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَٱضْرِب بِّهِۦ وَلَا تَحْنَثْ إِنَّا وَجَدْنَٰهُ صَابِرًا نِّعْمَ ٱلْعَبْدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada [13]; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).