Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Qamar
Suuradda Al-Qamar القمر
55 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 37
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱقْتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلْقَمَرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Saacadda (Qiyaame) way soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِن يَرَوْا۟ ءَايَةً يُعْرِضُوا۟ وَيَقُولُوا۟ سِحْرٌ مُّسْتَمِرٌّ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَذَّبُوا۟ وَٱتَّبَعُوٓا۟ أَهْوَآءَهُمْ وَكُلُّ أَمْرٍ مُّسْتَقِرٌّ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Waxay beeniyeen (Xaqa) oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ جَآءَهُم مِّنَ ٱلْأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزْدَجَرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Waxaana dhab ahaan u yimid warar ku dheehan waano (iyo digniino).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حِكْمَةٌۢ بَٰلِغَةٌ فَمَا تُغْنِ ٱلنُّذُرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Xikmad xeel dheer; maxayse u tartaa digidi (xaq diid).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ يَوْمَ يَدْعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَىْءٍ نُّكُرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Ee iskaga jeeso (Nabi Muxammadow); (oo dhowr) Maalinka uu baaquhu ugu baaqi wax daran [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
خُشَّعًا أَبْصَٰرُهُمْ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ كَأَنَّهُمْ جَرَادٌ مُّنتَشِرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Iyagoo arag dulleysan, waxay ka soo baxayaan qubuurahooda iyagoo la moodo ayax faafay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مُّهْطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِ يَقُولُ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوْمٌ عَسِرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. U degdegaya dhinaca baaqaha, gaaladu waxay odhan: Kani waa Maalin daran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ فَكَذَّبُوا۟ عَبْدَنَا وَقَالُوا۟ مَجْنُونٌ وَٱزْدُجِرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Waxaa (Xaqa) beeniyey iyaga hortood Qolodii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii (Nuux) oo yidhaahdeen: waa jinnoole, oo la handaday.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَغْلُوبٌ فَٱنتَصِرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Markaasuu baryey Rabbigi (isagoo leh): Waa la iga adkaadaye ii soo hiilli.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَفَتَحْنَآ أَبْوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٍ مُّنْهَمِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Markaasaan ka soo furnay albaabadii daruuraha biyo da’aya oo badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفَجَّرْنَا ٱلْأَرْضَ عُيُونًا فَٱلْتَقَى ٱلْمَآءُ عَلَىٰٓ أَمْرٍ قَدْ قُدِرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Kana soo burqinnay dhulka ilo (biyo ah), markaasay biyihii (cirka iyo dhulka) is qabteen oo ku kulmeen arrin la qaddaray .
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَحَمَلْنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلْوَٰحٍ وَدُسُرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Waxaana (Nuux) ku qaadnay (Doonni) laga sameeyey Alwaax iyo masaamiir.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَجْرِى بِأَعْيُنِنَا جَزَآءً لِّمَن كَانَ كُفِرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Ku socota indhahayaga hortood (waxaana harqinnay gaaladii) ka jaazeyn gaalnimadooda (iyo u hiillin ahaan Nuux).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَد تَّرَكْنَٰهَآ ءَايَةً فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Waxaana uga tagnay si ay u ahaato Calaamad (lagu waantoobo), ee ma jiraa mid ku waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبَتْ عَادٌ فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Reer Caad waxay beeniyeen (Xaqa), ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِى يَوْمِ نَحْسٍ مُّسْتَمِرٍّ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Waxaan ku soo dirnay dushood dabeyl qabow badan maalin baaskeedu is daba joogo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ مُّنقَعِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Iyadoo u majaxaabineysa dadka [3] sida inay ahaayeen geedo timir jirriddoodii la rujiyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Ee sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Reer Thamuud waxay beeniyeen digniinihii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرًا مِّنَّا وَٰحِدًا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذًا لَّفِى ضَلَٰلٍ وَسُعُرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Waxay yidhaahdeen: Ma qof keliya oo naga mid ah (Saalix) yaan raaceynaa, markaas waxaanu ku sugannahay habow iyo heehaab (waalli).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَءُلْقِىَ ٱلذِّكْرُ عَلَيْهِ مِنۢ بَيْنِنَا بَلْ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Ma waxaa Wacdiga lagu soo dejiyey isaga oo nalaga dhex doortay? Mayee, waa beenlow isla weyn [4].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
سَيَعْلَمُونَ غَدًا مَّنِ ٱلْكَذَّابُ ٱلْأَشِرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Berri bay ogaan, waa kee beenalaha, islaweynaha ah?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا مُرْسِلُوا۟ ٱلنَّاقَةِ فِتْنَةً لَّهُمْ فَٱرْتَقِبْهُمْ وَٱصْطَبِرْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Waxaan soo direynaa Hal lagu imtixaani ee sug oo samir yeelo [5].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَبِّئْهُمْ أَنَّ ٱلْمَآءَ قِسْمَةٌۢ بَيْنَهُمْ كُلُّ شِرْبٍ مُّحْتَضَرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. U sheeg in biyuhu yihiin qayb iyo kaltan dhexdooda ah, mid walbaa leeyahay cabbid maalin gaar ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَنَادَوْا۟ صَاحِبَهُمْ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Waxayse u dhawaaqeen saaxiibkood [6] oo soo qaatay (seef) oo boqna gooyey hashii (oo dilay).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَيْفَ كَانَ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Ee Sidee ahaa cadaabkeygii iyo digniinaheygii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ صَيْحَةً وَٰحِدَةً فَكَانُوا۟ كَهَشِيمِ ٱلْمُحْتَظِرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Waxaan ku soo dirnay dushooda dhawaaq keliya, markaasay waxay noqdeen sida jabad burburay ee dhulka laga xaaqo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍۭ بِٱلنُّذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Qoonkii Luud baa beeniyey digniinihii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ نَّجَّيْنَٰهُم بِسَحَرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Waxaan ku dirnay dushooda dabeyl dhagaxyo wadata Reer Luud ma’ahee, waan badbaadinnay waaberiga hortiis.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نِّعْمَةً مِّنْ عِندِنَا كَذَٰلِكَ نَجْزِى مَن شَكَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Nicmo Xaggayaga ah, sidaasoo kale baan u abaal marinnaa qofkii (Alle) mahdiya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ أَنذَرَهُم بَطْشَتَنَا فَتَمَارَوْا۟ بِٱلنُّذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Wuxuu (Luud) uga digay qolodiisii Qabashadayada daran, wayse ka doodeen oo shakiyeen digniinihii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيْفِهِۦ فَطَمَسْنَآ أَعْيُنَهُمْ فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Oo waxay dhab ahaan dooneen inay martidiisii (faro xumeeyaan) markaasaan indha tirray ee dhadhamiya cadaabkeyga iyo digniinaheyga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ صَبَّحَهُم بُكْرَةً عَذَابٌ مُّسْتَقِرٌّ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Waxaana ku waabariistay aroortiiba cadaab sugan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذُوقُوا۟ عَذَابِى وَنُذُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Ee dhadhamiya Cadaabkeyga iyo Digniinaheyga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ يَسَّرْنَا ٱلْقُرْءَانَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Waxaanu dhabtii sahalnay Qur’aanka si loo xusuusto, mase jiraa cid waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ جَآءَ ءَالَ فِرْعَوْنَ ٱلنُّذُرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Waxaa u yimid qoladii Fircoon digniino.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذْنَٰهُمْ أَخْذَ عَزِيزٍ مُّقْتَدِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Waxay beeniyeen Aayadahayagii oo dhan, markaasaan qabannay Qabasho Awood Badane, Karaan Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَكُفَّارُكُمْ خَيْرٌ مِّنْ أُو۟لَٰٓئِكُمْ أَمْ لَكُم بَرَآءَةٌ فِى ٱلزُّبُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Ma gaaladiinnan baa ka khayr badan kuwaas mise ma waxaad heysataan cafis idiinku qoran Kutabahayaga?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ يَقُولُونَ نَحْنُ جَمِيعٌ مُّنتَصِرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Mise ma waxay leeyihiin: Waxaanu nahay ciidan dhan oo guuleysan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
سَيُهْزَمُ ٱلْجَمْعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Waa la jabin ciidankooda, dabadayna jeedin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوْعِدُهُمْ وَٱلسَّاعَةُ أَدْهَىٰ وَأَمَرُّ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo kharaar.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى ضَلَٰلٍ وَسُعُرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Hubaal kuwa denbiilayaasha ah waxay ku sugan yihiin habow (adduunka), Aakhirona dhex ahaan dab ololaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يُسْحَبُونَ فِى ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ ذُوقُوا۟ مَسَّ سَقَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Maalinka marka wejiyadooda lagu dhex jiidi Naarta (waxaa lagu odhan): Dhadhamiya taabashada Naarta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا كُلَّ شَىْءٍ خَلَقْنَٰهُ بِقَدَرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49.Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَمْرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٌ كَلَمْحٍۭ بِٱلْبَصَرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Amarkayaguna ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَآ أَشْيَاعَكُمْ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Waxaan dhab ahaan horay u hallignay kuwii idin la midka ahaa ee ma jiraan mid uun ku waantoobi?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُلُّ شَىْءٍ فَعَلُوهُ فِى ٱلزُّبُرِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Wax kastoo ay faleenna waxay ku yaalliin kutubta (camalladooda).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسْتَطَرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Wax walibana yar iyo weyn waxay ku yaalliin (Looxa Maxfuudka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى جَنَّٰتٍ وَنَهَرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Hubaal kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha) waxay ku sugnaan beero iyo webiyo (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍۭ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Fadhi sharfeed run ah oo (Allaah) Boqorka Awooda wax walba agtiisa ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda An-Najm
Suuradda Ar-Rahmaan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.