caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ar-Rahmaan الرحمن

78 aayadood · Madiina · kala horreynta soo dejinta 97

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلرَّحْمَٰنُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. (Allaah) Raxmaanka,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَّمَ ٱلْقُرْءَانَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Wuxuu baray Qur'aanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Abuuray aadmiga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَّمَهُ ٱلْبَيَانَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Oo baray caddeynta (hadalka iyo waxa uu dooni).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلنَّجْمُ وَٱلشَّجَرُ يَسْجُدَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Xiddigaha iyo geedahuna way sujuudaan [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلْمِيزَانَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Samada wuu kor yeelay, wuxuuna dhigay caddaalad 'iyo garsoor wanaagsan'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَّا تَطْغَوْا۟ فِى ٱلْمِيزَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Si aydaan ugu xad gudbin cadaaladda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَقِيمُوا۟ ٱلْوَزْنَ بِٱلْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا۟ ٱلْمِيزَانَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Hagaajiya beegga si caadil ah, hana dhimina miisaanka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Dhulka Wuxuu (Alle) degaan uga dhigay uumanka nool oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهَا فَٰكِهَةٌ وَٱلنَّخْلُ ذَاتُ ٱلْأَكْمَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Dhexdeeda waxaa ah midho iyo geedaha timirta ee fiidaha leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْحَبُّ ذُو ٱلْعَصْفِ وَٱلرَّيْحَانُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Iyo haruurka leh balka iyo dhir udug wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Ee taa baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan (dadka iyo jinkow)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن صَلْصَٰلٍ كَٱلْفَخَّارِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Wuxuu (Alle) ka abuuray Aadmiga dhoobo jilay oo kale ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَخَلَقَ ٱلْجَآنَّ مِن مَّارِجٍ مِّن نَّارٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Jinkana wuxuu ka abuuray olol dab [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبُّ ٱلْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ ٱلْمَغْرِبَيْنِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. (Alle) waa Rabbiga labada bari iyo Rabbiga labada galbeed [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ يَلْتَقِيَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Wuxuu dareersiiyey labada badood [4] iyagoo kulmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌ لَّا يَبْغِيَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Dhexdooda waxaa ah shareer (soohdin), iskuma xad gudbaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَخْرُجُ مِنْهُمَا ٱللُّؤْلُؤُ وَٱلْمَرْجَانُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxaa ka soo baxa labadaba luul mid weyn iyo mid yarba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُ ٱلْجَوَارِ ٱلْمُنشَـَٔاتُ فِى ٱلْبَحْرِ كَٱلْأَعْلَٰمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Isagaa (Alle) leh doonyaha dhex maaxa [5] badda ee buuraha la moodo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Dhammaan waxa dhulka korkiisa ah way dhiman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو ٱلْجَلَٰلِ وَٱلْإِكْرَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waxaase waari abadki Wejiga Rabbigaa Haybadda iyo Sharafta Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَسْـَٔلُهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِى شَأْنٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxaa wax weydiista (Alle) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Goor kasta wuxuu agaasimaa arrin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

سَنَفْرُغُ لَكُمْ أَيُّهَ ٱلثَّقَلَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Waanu idinla xisaabtami labadiinna ciidammow culculus [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰمَعْشَرَ ٱلْجِنِّ وَٱلْإِنسِ إِنِ ٱسْتَطَعْتُمْ أَن تَنفُذُوا۟ مِنْ أَقْطَارِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ فَٱنفُذُوا۟ لَا تَنفُذُونَ إِلَّا بِسُلْطَٰنٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Kulanka jinka iyo insigoow! Haddaad kartaan inaad ka soo gudubtaan nawaaxiga cirarka iyo dhulka, ka soo gudba. Ma ka soo gudbi kartaan amar la'aan (xag Alle ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُرْسَلُ عَلَيْكُمَا شُوَاظٌ مِّن نَّارٍ وَنُحَاسٌ فَلَا تَنتَصِرَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Wuxuu idinku soo diri olol naar ah iyo maar 'la dhalaaliyey' [7], ma kareysaan inaad is difaacdaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَٱلدِّهَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Markay samadu dillaacdo oo ay noqoto gaduud sida idiinta [8].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin [9] beenineysaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُسْـَٔلُ عَن ذَنۢبِهِۦٓ إِنسٌ وَلَا جَآنٌّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Maalinkaas waxba lagama weydiiyo denbigooda Insi iyo Jinba (oo waa cad yihiin oo la og yahay, waase lagu qiri).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُعْرَفُ ٱلْمُجْرِمُونَ بِسِيمَٰهُمْ فَيُؤْخَذُ بِٱلنَّوَٰصِى وَٱلْأَقْدَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Denbiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, markaasaa laga soo qaban foodaha iyo cagaha (oo lagu tuuri Naarta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِى يُكَذِّبُ بِهَا ٱلْمُجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Tanu waa Jahannamadii ay beeniyeen denbiilayaashu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَطُوفُونَ بَيْنَهَا وَبَيْنَ حَمِيمٍ ءَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Waxay ku meereysan dhexdooda Naarta iyo biyo kulul ee karaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ جَنَّتَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Kii se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, wuxuu mudan labo beerood (Jannada gudaheed).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَوَاتَآ أَفْنَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. (Labadaa beerood oo) leh midabyo kala duwan iyo laamo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِمَا عَيْنَانِ تَجْرِيَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo dur dur ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِمَا مِن كُلِّ فَٰكِهَةٍ زَوْجَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Dhexdooda waxaa ah (labadaa beerood) midho nooc kasta oo lammaane ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ فُرُشٍۭ بَطَآئِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ وَجَنَى ٱلْجَنَّتَيْنِ دَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Iyagoo ku dangiigsan firaashyo cudbi-goodu xariir yahay, midhaha labadaa beeroodna waxay ahaan kuwo goosi dhow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِنَّ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَآنٌّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Waxaa ku sugan (Jannada) kuwaa soo laaba araggooda (ku kooba nimankooda keliya) ka hor iyaga aanu taaban insi iyo jin midkoodna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَأَنَّهُنَّ ٱلْيَاقُوتُ وَٱلْمَرْجَانُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. (Haweenkaa oo) la moodo dheeman iyo luul.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلْ جَزَآءُ ٱلْإِحْسَٰنِ إِلَّا ٱلْإِحْسَٰنُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Wanaag abaalkiisu ma waxaan ahayn baa wanaag?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Barbarkoodana labadatani (beerood), waxaa ah labo beerood oo kale (Jannada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُدْهَآمَّتَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Madow cagaaran ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِمَا عَيْنَانِ نَضَّاخَتَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Dhexdooda (labadaa beerood) waxaa ah labo ilood oo burqanaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِمَا فَٰكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Waxaa (labadaa beerood) dhexdooda ah midho, geedo timir iyo Rummaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهِنَّ خَيْرَٰتٌ حِسَانٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Dhexdooda waxaa ah (afartaa beerood) xaasas khayr iyo qurux badnooyin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حُورٌ مَّقْصُورَٰتٌ فِى ٱلْخِيَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Xuurulceyn ku kooban oo aan ka bixin guryahooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَآنٌّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Aanay horey u taabanin insi iyo jin midkoodna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِىٍّ حِسَانٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Iyagoo ku dangiigsan barkimooyin cagaaran iyo gogollo qurux badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigiin beenineysaan [10]?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَبَٰرَكَ ٱسْمُ رَبِّكَ ذِى ٱلْجَلَٰلِ وَٱلْإِكْرَامِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70