Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Qaaf
Suuradda Qaaf ق
45 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 34
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ قٓ وَٱلْقُرْءَانِ ٱلْمَجِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Qaaf [1]; Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ عَجِبُوٓا۟ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ ٱلْكَٰفِرُونَ هَٰذَا شَىْءٌ عَجِيبٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Waxayse la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Gaaladu waxay yidhaahdeen: Kanu waa wax la yaab leh.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَءِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ذَٰلِكَ رَجْعٌۢ بَعِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro (miyaa na la soo nooleyn)? (arrin)kaasu waa soo Noqosho Fog.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ ٱلْأَرْضُ مِنْهُمْ وَعِندَنَا كِتَٰبٌ حَفِيظٌۢ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Waxaan ognahay wuxuu dhulku ka dhimo (jidhkooda). Agtannadana waxaa yaal Kitaab wax walba kooba oo xafidan (Looxa Maxfuudka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ كَذَّبُوا۟ بِٱلْحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمْ فَهُمْ فِىٓ أَمْرٍ مَّرِيجٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Waxayse beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxayna (gaaladu) ku sugan yihiin xaalad murugsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَلَمْ يَنظُرُوٓا۟ إِلَى ٱلسَّمَآءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَٰهَا وَزَيَّنَّٰهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Miyeyna fiirin samada korkooda ah, sidaan u dhisnay oo u qurxinnay, ma laha wax duleello ah?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْأَرْضَ مَدَدْنَٰهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ وَأَنۢبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍۭ بَهِيجٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Dhulkana waanu fidinnay, oo ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa dhir qurxoon oo cayn walba leh.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Tusmo iyo waano u ah addoon kasta u soo noqda (Alle) oo tawbad keen badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَزَّلْنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً مُّبَٰرَكًا فَأَنۢبَتْنَا بِهِۦ جَنَّٰتٍ وَحَبَّ ٱلْحَصِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Waxaanu ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob) barakaysan, oo aan ku soo saarnaa beero iyo baad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلنَّخْلَ بَاسِقَٰتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Iyo geedo timireed dhaadheer leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ وَأَحْيَيْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا كَذَٰلِكَ ٱلْخُرُوجُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Risiq ay leeyihiin addoomaha (Alle). Waxaana ku nooleynaa (biyahaa) dhul dhintay. Sidaasoo kale bay ahaan soo bixinta (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَٰبُ ٱلرَّسِّ وَثَمُودُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Qolodii Nuux baa beeniyey hortood [3], iyo qoladii ceelkii (Azerbaijan) iyo Thamuud.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَٰنُ لُوطٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَصْحَٰبُ ٱلْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ كُلٌّ كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Iyo reer hawdkii (loo diray Nabi Shucayb) iyo qolodii Tubbac (ee Yaman); dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَعَيِينَا بِٱلْخَلْقِ ٱلْأَوَّلِ بَلْ هُمْ فِى لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub (Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِۦ نَفْسُهُۥ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ ٱلْوَرِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Waxaan dhab ahaan abuurnay aadmiga, waana ognahay waxay naftiisu kula hadasho. Waxaana (waa Alle'e oo ku kooba Ogaal iyo Awood ahaan ama malaa’igtiisa) uga dhownahay xididka dhuunta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ يَتَلَقَّى ٱلْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ قَعِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17.Markay labada qorayaal (malaa’igta wax qoreysa) ku kulmi, iyagoo ka kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix (ee qofka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye (malag) u diyaar ah (inuu qoro).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءَتْ سَكْرَةُ ٱلْمَوْتِ بِٱلْحَقِّ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Waxaa u iman sakaraadka mowdka oo xaq ah: kaasi waa waxaad ka carareysay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنُفِخَ فِى ٱلصُّورِ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْوَعِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Buunkii (Qiyaamana) waa la afuufi - kaasu waa Maalinkii laysu yaboohay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَآءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَآئِقٌ وَشَهِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Naf walbana waxay iman iyadoo uu la socdo (labo malag) mid hoggaaminaya iyo mid ku markhaati furaya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّقَدْ كُنتَ فِى غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَآءَكَ فَبَصَرُكَ ٱلْيَوْمَ حَدِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. (Waxaa la odhan): Waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ قَرِينُهُۥ هَٰذَا مَا لَدَىَّ عَتِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23.(Malaggii) la xidhiidhayna wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلْقِيَا فِى جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. (Alle wuxuu odhan) Ku tuura Naar mid kastoo abaal dhac badan, madax adag.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25.Khayr diide ah, xadgudbe, shaki qabeen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِى جَعَلَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِى ٱلْعَذَابِ ٱلشَّدِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Ee yeelay la jirka Alle, ilaah kale, oo ku tuura cadaab daran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ قَرِينُهُۥ رَبَّنَا مَآ أَطْغَيْتُهُۥ وَلَٰكِن كَانَ فِى ضَلَٰلٍۭ بَعِيدٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. (sheydaankii) la xidhiidhay wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, isagaase naf ahaantiisa ku sugnaa habow fog.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا۟ لَدَىَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِٱلْوَعِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. (Alle) wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, waxaana horay idiinku soo diray gooddiga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا يُبَدَّلُ ٱلْقَوْلُ لَدَىَّ وَمَآ أَنَا۠ بِظَلَّٰمٍ لِّلْعَبِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Qowlka iga soo fulaa lama beddelo, mana dulmiyo Addoomaha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ ٱمْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Maalinta aan ku odhan Jahannama: Ma buuxsantay? Oo markaa ay dhihi: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأُزْلِفَتِ ٱلْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Oo Jannada loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Kani waa waxa loo yaboohay qof walboo tawbad keen badan, dhowra (ballanka iyo wax kastoo Alle u dhoweyn).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَّنْ خَشِىَ ٱلرَّحْمَٰنَ بِٱلْغَيْبِ وَجَآءَ بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33.Kan ka baqa Raxmaanka sir 'iyo caadba' oo la yimaada qalbi tawbad keen badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱدْخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُلُودِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. (Waxaa lagu odhan), "Ku gala nabad (Jannada); kaasi waa Maalinka waaridda".
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35.Waxay ku leeyihiin 'Jannada' gudaheeda waxay doonaan - waxaana u heynaa weliba wax intaa ka badan [4].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Badanaa inta fac aan halaagnay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ma jirto meel (Alle) laga magan galo oo looga cararo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُۥ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى ٱلسَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Arrinkani waxaa hubaal ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ خَلَقْنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Waxaanu dhab ahaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood namana soo gaarin wax daal ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ ٱلْغُرُوبِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Ee u samir waxay leeyihiin, kuna tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor intaanay dhicin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَٰرَ ٱلسُّجُودِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Habeenka in ka mid ahna ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ ٱلْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Dhageyso Maalinka markuu dhawaaquhu ka dhawaaqi meel dhow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يَسْمَعُونَ ٱلصَّيْحَةَ بِٱلْحَقِّ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلْخُرُوجِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Maalinka ay maqli qaylo Xaq ah, kaasu waa Maalinka soo bixinta (Qiyaame).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا نَحْنُ نُحْىِۦ وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا ٱلْمَصِيرُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Annagaa (Alle ah) xaqiiq wax nooleyna waxna dhinsiinna; waana Xaggayaga meel noqodka dambe (Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ تَشَقَّقُ ٱلْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ذَٰلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi, kaasu waa soo kulmin noo fudud.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ فَذَكِّرْ بِٱلْقُرْءَانِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Annagaa ogsoon waxay (gaaladu) leeyihiin; adiguna ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka kan ka cabsada Gooddigayga.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Hujuraat
Suuradda Adh-Dhaariyat →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.