caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ad-Dukhaan الدخان

59 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 64

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xaa Mim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Waxaan (Aniga Alle ah) ku dhaartay kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّآ أَنزَلْنَٰهُ فِى لَيْلَةٍ مُّبَٰرَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Xaqiiq, waxaanu soo dejinnay (Qur’aanka) habeen barakaysan [2]. Waxaanu nahay kuwa diga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Habeenkaas (Laylatul Qaddarka) baa la gooyaa arrin kasta oo xigmo leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْرًا مِّنْ عِندِنَآ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Amar ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa (Alle). Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَآ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad yaqiinsaneysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْىِۦ وَيُمِيتُ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بَلْ هُمْ فِى شَكٍّ يَلْعَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxayse ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaari.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱرْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِى ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni qiiq muuqda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَغْشَى ٱلنَّاسَ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. kaasoo dabooli dadka, kani waa cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَّبَّنَا ٱكْشِفْ عَنَّا ٱلْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Waxay odhan), "Rabbigayow! Naga feyd cadaabka [3], waan rumeynaye".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَآءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Goormay waantoobi, waxaana u yimid Rasuul iska cad (Nabi Muxammad).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ تَوَلَّوْا۟ عَنْهُ وَقَالُوا۟ مُعَلَّمٌ مَّجْنُونٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Markaasay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid si fiican wax la soo baray, Jinnoole ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَاشِفُوا۟ ٱلْعَذَابِ قَلِيلًا إِنَّكُمْ عَآئِدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15.Waxaan idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse ku noqoneysaan (gaalnimo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ نَبْطِشُ ٱلْبَطْشَةَ ٱلْكُبْرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Maalintaan qabaneyno qabashada weyn [4]. Hubaal waanu aarsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَآءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay hortood qolodii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh (Nabi Muuse).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنْ أَدُّوٓا۟ إِلَىَّ عِبَادَ ٱللَّهِ إِنِّى لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. 'Isagoo leh': Ii dhiiba adoommaha Alle [5]. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَن لَّا تَعْلُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ إِنِّىٓ ءَاتِيكُم بِسُلْطَٰنٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ha iska sare yeelina Alle. Waxaan idiinla imid xujo cade.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنِّى عُذْتُ بِرَبِّى وَرَبِّكُمْ أَن تَرْجُمُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Waxaana ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin inaad i dhagaxyeysaan [6].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن لَّمْ تُؤْمِنُوا۟ لِى فَٱعْتَزِلُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ee hadddaydaan i rumeyn, iga fogaada (I daaya).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمٌ مُّجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Markaasuu (markay beeniyeen) u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Kuwakanu waa qolo denbiilayaal ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَسْرِ بِعِبَادِى لَيْلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. (Alle wuxuu yidhi), "La Guuree (Muusow) addoomahayga habeennimo. Waa la idin soo daba galiye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتْرُكِ ٱلْبَحْرَ رَهْوًا إِنَّهُمْ جُندٌ مُّغْرَقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Oo dhaaf baddoo deggan [7] oo qaybsan: waa ciidan la qarqine".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَمْ تَرَكُوا۟ مِن جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Intee bay ka tageen beero iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَزُرُوعٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Iyo dalagyo iyo degaan wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَعْمَةٍ كَانُوا۟ فِيهَا فَٰكِهِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَٰهَا قَوْمًا ءَاخَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Waa sidaase! Waxaanu dhaxalsiinnay qolo kale (reer Israa’iil).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلْأَرْضُ وَمَا كَانُوا۟ مُنظَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Uma ay ooyin samada iyo arladu, lamana siin wax fursad (kansho) ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلْعَذَابِ ٱلْمُهِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Waxaana dhab ahaan ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab wax dulleeya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِن فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيًا مِّنَ ٱلْمُسْرِفِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Xagga Fircoon ah; wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدِ ٱخْتَرْنَٰهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxaana ka doorannay (dadkii waqtigoodii), Annagoo ogsoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاتَيْنَٰهُم مِّنَ ٱلْـَٔايَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤٌا۟ مُّبِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waxaana siinnay calaamado [8] ay ku sugnaayeen imtixaan cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Kuwaasi (gaaladu) waxay yidhaahdaan:

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنْ هِىَ إِلَّا مَوْتَتُنَا ٱلْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنشَرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore mana nihin kuwo dib loo soo nooleyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Ee (dib) u soo cesha aabbayaashayadii hore, haddaad run sheegaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَهُمْ خَيْرٌ أَمْ قَوْمُ تُبَّعٍ وَٱلَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ أَهْلَكْنَٰهُمْ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ مُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac [9] iyo kuwii ka horreeyey? Waanu hallignay, waxay ahaayeen denbiilayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَٰعِبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ciyaar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا خَلَقْنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Uma aanu abuurin waxaan Xaq aheyn, badankooduse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ مِيقَٰتُهُمْ أَجْمَعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Maalinta kala Baxa yaa u ballan ah dhammaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ لَا يُغْنِى مَوْلًى عَن مَّوْلًى شَيْـًٔا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Maalintaan qaraabannimo waxba laysugu tareyn laysuna gargaareyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Mid uu Alle u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Hubaal geedka Zaquumka,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

طَعَامُ ٱلْأَثِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Waa cunnada denbiilaha,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَٱلْمُهْلِ يَغْلِى فِى ٱلْبُطُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Sida laami buu ugu kar-kari caloolaha (gaalada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَغَلْىِ ٱلْحَمِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Sida kar-karka biyo aad u kulul.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خُذُوهُ فَٱعْتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. (Waxaa la dhihi): Qabta (gaalka), oo u jiida Naarta bartankeeda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ صُبُّوا۟ فَوْقَ رَأْسِهِۦ مِنْ عَذَابِ ٱلْحَمِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Markaas ku shuba madaxiisa korkiisa cadaabka biyo kar-karaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذُقْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْكَرِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. (Waxaa lagu dhihi): Dhadhami (Cadaabka), Waxaad (iska yeeleysay) inaad tahay adkaadaha, sharafta leh [10].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Hubaal kanu (Cadaabka) waa waxaad ka shaki qabteen oo ka doodeyseen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى مَقَامٍ أَمِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Hubaap kuwa (u) hoggaansan (Amarrada Alle) ee iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah (Janno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى جَنَّٰتٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Beero dhexdood iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَلْبَسُونَ مِن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَقَٰبِلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَٰهُم بِحُورٍ عِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Waa sidaase, Waxaanu u guurin xuurul ceyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Waxay u yeedhan midho nooc kasta ah, iyagoo nabdoon [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلْمَوْتَ إِلَّا ٱلْمَوْتَةَ ٱلْأُولَىٰ وَوَقَىٰهُمْ عَذَابَ ٱلْجَحِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Ma ku dhadhaminayaan (jannada) dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, wuxuuna (Alle) ka dhowray cadaabka Naarta Ololka badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَضْلًا مِّن رَّبِّكَ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّمَا يَسَّرْنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxaan uun ugu fududaynay Qur’aanka carrabkaaga inay ku waantoobaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱرْتَقِبْ إِنَّهُم مُّرْتَقِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Ee dhowr (oo eeg xaalkooda); iyaguna waxay dhowrayaan (waxaad ku dambeysaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70