Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Az-Zukhruf
Suuradda Az-Zukhruf الزخرف
89 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 63
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Xaa Miim [1].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْكِتَٰبِ ٱلْمُبِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا جَعَلْنَٰهُ قُرْءَٰنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّهُۥ فِىٓ أُمِّ ٱلْكِتَٰبِ لَدَيْنَا لَعَلِىٌّ حَكِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka [2] nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَنَضْرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكْرَ صَفْحًا أَن كُنتُمْ قَوْمًا مُّسْرِفِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَمْ أَرْسَلْنَا مِن نَّبِىٍّ فِى ٱلْأَوَّلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن نَّبِىٍّ إِلَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَهْلَكْنَآ أَشَدَّ مِنْهُم بَطْشًا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلْأَوَّلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Markaasaan hallignay kuwo [3] ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلْعَزِيزُ ٱلْعَلِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَجَعَلَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّذِى نَزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءًۢ بِقَدَرٍ فَأَنشَرْنَا بِهِۦ بَلْدَةً مَّيْتًا كَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Ee ah Kan ka soo dejiya daruuraha biyo qaddaran oo aan ku nooleyno magaalo dhimatay, sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّذِى خَلَقَ ٱلْأَزْوَٰجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلْفُلْكِ وَٱلْأَنْعَٰمِ مَا تَرْكَبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Ee ah Kan abuuray noocyada wax waliba oo idiin yeelay doonyo [4] iyo xoolo [5] aad fuushan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِتَسْتَوُۥا۟ عَلَىٰ ظُهُورِهِۦ ثُمَّ تَذْكُرُوا۟ نِعْمَةَ رَبِّكُمْ إِذَا ٱسْتَوَيْتُمْ عَلَيْهِ وَتَقُولُوا۟ سُبْحَٰنَ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُۥ مُقْرِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Si aad u kortaan dushooda, markaas aad xustaan Nicmadda Rabbigiin markaad dushooda kortaan, oo tidhaahdaan: waxaa ka hufan (xumaan) Kan 'Alle' ee noo sakhiray waxakan, mana aheyn kuwo kara leyligeeda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Innaguna xaqiiq xagga Rabbigayo (Allaah) yaanu u guddoomeynaa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلُوا۟ لَهُۥ مِنْ عِبَادِهِۦ جُزْءًا إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Waxayse ka yeelaan qayb ka mid ah addoomihiisa 'shariigyo la wadaaga Alle cibaadada' [6]; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمِ ٱتَّخَذَ مِمَّا يَخْلُقُ بَنَاتٍ وَأَصْفَىٰكُم بِٱلْبَنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Ma wuxuu (Alle) ka yeeshay wuxuu abuuray qaarkood (malaa’igta) gabdho, oo idiin dooray wiilal.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُۥ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Marka loogu bishaareeyo midkood waxa (gabdhaha) uu u nisbeeyo Raxmaanka 'Alle' ugana yeelo tusaale, wuxuu wejigiisu noqdaa madow isagoo walbahaarsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوَمَن يُنَشَّؤُا۟ فِى ٱلْحِلْيَةِ وَهُوَ فِى ٱلْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Ma (Allay ku sheegaan inuu dhalay gabdho) ah kuwo ku barbaara isqurxin oo aan doodna caddeyn karin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلُوا۟ ٱلْمَلَٰٓئِكَةَ ٱلَّذِينَ هُمْ عِبَٰدُ ٱلرَّحْمَٰنِ إِنَٰثًا أَشَهِدُوا۟ خَلْقَهُمْ سَتُكْتَبُ شَهَٰدَتُهُمْ وَيُسْـَٔلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Oo waxay ka yeelaan malaa’igta ah addoomaha Raxmaanka dheddig, miyey joogeen abuurkoodii? Maraggooda waa la qori oo la weydiin 'arrinkaa' [7].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوا۟ لَوْ شَآءَ ٱلرَّحْمَٰنُ مَا عَبَدْنَٰهُم مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ إِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Waxay yidhaahdeen: Hadduu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (wax kale). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ ءَاتَيْنَٰهُمْ كِتَٰبًا مِّن قَبْلِهِۦ فَهُم بِهِۦ مُسْتَمْسِكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey (Qur’aanka oo amri inay caabudaan Alle qeyrki) oo ay heystaan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ قَالُوٓا۟ إِنَّا وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Waxayse yidhaahdeen: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَذَٰلِكَ مَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِى قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَآ إِنَّا وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا عَلَىٰٓ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِم مُّقْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Sidaasoo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayoo ku sugan dariiqo, waxaan annaguna raacnaa raadadkoodii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَٰلَ أَوَلَوْ جِئْتُكُم بِأَهْدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمْ عَلَيْهِ ءَابَآءَكُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّا بِمَآ أُرْسِلْتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddaan idiin keeno hanuun ka fiican waxaad ka he- sheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Innagu ku gaalownay waxa (Xaqa) la idinla soo diray.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَٱنظُرْ كَيْفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلْمُكَذِّبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Markaasaan ka aarsannay ee fiiri siday aheyd cidhibta xaq diidayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذْ قَالَ إِبْرَٰهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦٓ إِنَّنِى بَرَآءٌ مِّمَّا تَعْبُدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. (Xus) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: Anigu waxaan xaqiiq barii ka ahay waxaad caabuddaan oo dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّا ٱلَّذِى فَطَرَنِى فَإِنَّهُۥ سَيَهْدِينِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Aan ahayn Kan i abuuray (Allaah), Isagaa i hanuunin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلَهَا كَلِمَةًۢ بَاقِيَةً فِى عَقِبِهِۦ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Wuxuuna ka yeelay Kalimadda [8] (Towxiidka) mid ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda [9], si ay (Xaqa) ugu noqdaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ مَتَّعْتُ هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ وَرَسُولٌ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Waxaanse ugu raaxeeyey kuwaas (gaalada) iyo aabbayaashoodba (adduunka) ilaa uu u yimid Xaqu (Qur’aanka) iyo Rasuul cad [10].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلْحَقُّ قَالُوا۟ هَٰذَا سِحْرٌ وَإِنَّا بِهِۦ كَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Markuu u yimid Xaqa waxay yidhaah- deen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, innaguna xaqiiq ku gaalownay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوا۟ لَوْلَا نُزِّلَ هَٰذَا ٱلْقُرْءَانُ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنَ ٱلْقَرْيَتَيْنِ عَظِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo [11]?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِى ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَٰتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Ma iyagaa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annagaa (Alle ah) ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Naxariista Rabbigaa baana ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَوْلَآ أَن يَكُونَ ٱلنَّاسُ أُمَّةً وَٰحِدَةً لَّجَعَلْنَا لِمَن يَكْفُرُ بِٱلرَّحْمَٰنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِّن فِضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Hadduusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid ah dhammaantood) waxaan ka yeeli laheyn kuwa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan [12].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلِبُيُوتِهِمْ أَبْوَٰبًا وَسُرُرًا عَلَيْهَا يَتَّكِـُٔونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro 'sare'ay korkooda ku dangiigsadaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَزُخْرُفًا وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَٱلْـَٔاخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلْمُتَّقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Iyo qurxinno (kaloo) dahab ah. Waxa- kani oo dhammina ma aha waxaan aheyn raaxada nolosha adduunkan (ee dhammaa- neysa). Aakhirada Rabbigaa agti ahna waxaa leh oo keliya dhowrsanayaasha.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ ٱلرَّحْمَٰنِ نُقَيِّضْ لَهُۥ شَيْطَٰنًا فَهُوَ لَهُۥ قَرِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Qofkii ka jeesada xuska Raxmaanka (Qur’aanka) waxaanu u xil saarnaa Shaydaan oo ku lammaansanaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّهُمْ لَيَصُدُّونَهُمْ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Waxay ka duwaanna Jidka (Xaqa), waxayna isu maleyn inay hanuunsan yihiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَنَا قَالَ يَٰلَيْتَ بَيْنِى وَبَيْنَكَ بُعْدَ ٱلْمَشْرِقَيْنِ فَبِئْسَ ٱلْقَرِينُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Jeer markuu noo yimaado wuxuu ku yidhaahdaa (shaydaankaa): wayee, may dhexdeenna ahaato intay isu jiraan bariga iyo galbeedka oo kale; adigaa u xune cid lala xidhiidho.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَن يَنفَعَكُمُ ٱلْيَوْمَ إِذ ظَّلَمْتُمْ أَنَّكُمْ فِى ٱلْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Wax idiinma tareyso (gaaloy) Maalintan (Qiyaamada) maadaama aad dulmi fasheen inaad cadaabka (musiibada) wadaagtaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَأَنتَ تُسْمِعُ ٱلصُّمَّ أَوْ تَهْدِى ٱلْعُمْىَ وَمَن كَانَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Ma adigaa wax maqashiin kara (Nabiyow) dhegoolaha, mase hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid ku jira habow cad?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِمَّا نَذْهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنْهُم مُّنتَقِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Haddaan ku oofsanno, Annaga uun baa ka aarsan iyaga (gaalada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوْ نُرِيَنَّكَ ٱلَّذِى وَعَدْنَٰهُمْ فَإِنَّا عَلَيْهِم مُّقْتَدِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Ama aan ku tusinno waxaan ugu gooddinno oo cadaab ah, waxaanu ku leennahay dushooda awood buuxda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَمْسِكْ بِٱلَّذِىٓ أُوحِىَ إِلَيْكَ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Ee qabso waxaa laguu waxyooday (Qur’aanka), waxaad ku sugan tahay Tub Toosan (Islaamka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّهُۥ لَذِكْرٌ لَّكَ وَلِقَوْمِكَ وَسَوْفَ تُسْـَٔلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. (Qur’aankanina) waa kuu waano (sharaf iyo darajo) adiga iyo dadkaaba, waana la idin weydiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَسْـَٔلْ مَنْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رُّسُلِنَآ أَجَعَلْنَا مِن دُونِ ٱلرَّحْمَٰنِ ءَالِهَةً يُعْبَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay hortaa: Ma waxaan yeellay Raxmaanka (Allaah) ka sokow ilaahyo la caabudo ?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَإِي۟هِۦ فَقَالَ إِنِّى رَسُولُ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Waxaanu dhab ahaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu yidhi: Anigu waxaan ahay Rasuulka Rabbiga uumanka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا جَآءَهُم بِـَٔايَٰتِنَآ إِذَا هُم مِّنْهَا يَضْحَكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise wayba ku qosleen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا نُرِيهِم مِّنْ ءَايَةٍ إِلَّا هِىَ أَكْبَرُ مِنْ أُخْتِهَا وَأَخَذْنَٰهُم بِٱلْعَذَابِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed kale, waxaana ku qabannay cadaab [13] bal inay u soo laabtaan (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوا۟ يَٰٓأَيُّهَ ٱلسَّاحِرُ ٱدْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Waxay yidhaahdeen: Kan Saaxirka (caalimka) ahow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kuugula ballantamay. (Haddii nalaga feydo cadaabka) waanu hanuuni (raaci Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ ٱلْعَذَابَ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50. Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَادَىٰ فِرْعَوْنُ فِى قَوْمِهِۦ قَالَ يَٰقَوْمِ أَلَيْسَ لِى مُلْكُ مِصْرَ وَهَٰذِهِ ٱلْأَنْهَٰرُ تَجْرِى مِن تَحْتِىٓ أَفَلَا تُبْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Miyaanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan arkeyn?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ أَنَا۠ خَيْرٌ مِّنْ هَٰذَا ٱلَّذِى هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Sow aniga kama fiicni midkani liita ee aan kareyn inuu caddeeyo hadalkiisa [14].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَوْلَآ أُلْقِىَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِّن ذَهَبٍ أَوْ جَآءَ مَعَهُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ مُقْتَرِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Maxaa loo siin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo taageerta?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَخَفَّ قَوْمَهُۥ فَأَطَاعُوهُ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمًا فَٰسِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. Wuxuu fudaydsaday qolodiisii, wayna adeeceen: waxay ahaayeen qolo caasi ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّآ ءَاسَفُونَا ٱنتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَٰهُمْ أَجْمَعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Markay naga Cadheysiiyeen, waan ka aarsannay, waana harqinnay dhammaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَجَعَلْنَٰهُمْ سَلَفًا وَمَثَلًا لِّلْـَٔاخِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. Waxaanu ka yeelnay wax tegay oo ay ku tusaale qaataan facyada dambe.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا ضُرِبَ ٱبْنُ مَرْيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوْمُكَ مِنْهُ يَصِدُّونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Markaan uga yeellayna ina Maryam (Ciise) tusaale, mise qolodaada (mushrikiinta ah) way ka jeesadeen 'tusaalahaa' [15].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوٓا۟ ءَأَٰلِهَتُنَا خَيْرٌ أَمْ هُوَ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلًۢا بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58. Waxay yidhaahdeen: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan tusaalahaa waxaan aheyn muran. Waase qolo dood badan [16].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنْ هُوَ إِلَّا عَبْدٌ أَنْعَمْنَا عَلَيْهِ وَجَعَلْنَٰهُ مَثَلًا لِّبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59. Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan ugu nicmaynay (Nabinnimo), waxaana uga yeelnay tusaale reer Israa’iil.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَوْ نَشَآءُ لَجَعَلْنَا مِنكُم مَّلَٰٓئِكَةً فِى ٱلْأَرْضِ يَخْلُفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Haddaan doonno, waxaan idinka yeeli lahayn malaa'ig dhulka u hadha [17].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنَّهُۥ لَعِلْمٌ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمْتَرُنَّ بِهَا وَٱتَّبِعُونِ هَٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 61. isagu (Ciise iyo soo degitaanki) waa calaamad (muujin soo dhowaanshaha) Saacadda (Qiyaame), ee ha ka shakiyina arrinkeeda ee i soo raaca [18]: Kan baa ah Jid Toosan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ ٱلشَّيْطَٰنُ إِنَّهُۥ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 62. Yuu idinka leexin shaydaanka (Jidka), hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَمَّا جَآءَ عِيسَىٰ بِٱلْبَيِّنَٰتِ قَالَ قَدْ جِئْتُكُم بِٱلْحِكْمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعْضَ ٱلَّذِى تَخْتَلِفُونَ فِيهِ فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 63. Markuuse Ciise ula yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan idiin la imid Xikmad (Nabinnimo) iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxaad isku khilaafsan tihiin, ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ رَبِّى وَرَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ هَٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 64. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jid Toosan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱخْتَلَفَ ٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَيْنِهِمْ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ مِنْ عَذَابِ يَوْمٍ أَلِيمٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 65. Wayse is khilaafeen xisbiyadii (ehlu Kitaabkii) dhexdooda (xagga arrinka Ciise). Ee hoog waxaa leh kuwii dulmi falay xagga cadaab Maalin xanuun badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 66. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) - taasoo ugu iman kedis iyagoo aan dreemeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلْأَخِلَّآءُ يَوْمَئِذٍۭ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا ٱلْمُتَّقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 67. Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale kuwa ka dhowrsada (xumaha) mooyee.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَٰعِبَادِ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمُ ٱلْيَوْمَ وَلَآ أَنتُمْ تَحْزَنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 68. Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma aha korkiinna maanta, mana murugooneysaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا وَكَانُوا۟ مُسْلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 69. Kuwa rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱدْخُلُوا۟ ٱلْجَنَّةَ أَنتُمْ وَأَزْوَٰجُكُمْ تُحْبَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 70. Gala Jannada, idinka iyo xaasaskiinnuba [19]; waa laydinka farxine.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ ٱلْأَنفُسُ وَتَلَذُّ ٱلْأَعْيُنُ وَأَنتُمْ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 71. Waxaa lagula kor wareegi xeedhooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli (Jannada) waxay doonaan nafahooda, indhuhuna ku raaxaystaan, idinkoo dhexdeeda ku waadhi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتِلْكَ ٱلْجَنَّةُ ٱلَّتِىٓ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 72. Taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camalsan fasheen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَكُمْ فِيهَا فَٰكِهَةٌ كَثِيرَةٌ مِّنْهَا تَأْكُلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 73. Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeedaa wax ka cuntaan [20].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْمُجْرِمِينَ فِى عَذَابِ جَهَنَّمَ خَٰلِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 74. Hubaal denbiilayaashu waxay geli cadaabka Naarta iyagoo ku waadhi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يُفَتَّرُ عَنْهُمْ وَهُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 75. Lagama nuxuusiyo (Naarta), iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا ظَلَمْنَٰهُمْ وَلَٰكِن كَانُوا۟ هُمُ ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 76. Ma aanu dulmin, iyagaase ahaa daalimiin (gar ma qaatayaal).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَادَوْا۟ يَٰمَٰلِكُ لِيَقْضِ عَلَيْنَا رَبُّكَ قَالَ إِنَّكُم مَّٰكِثُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 77. Waxay u dhawaaqi (fura hayeenka Naarta iyagoo leh): Maaligow! Rabbigaa ha noo yeelo dhammaad. Wuxuu odhan: Waad ku waadhi (Naarta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَقَدْ جِئْنَٰكُم بِٱلْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَكُمْ لِلْحَقِّ كَٰرِهُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 78. Waxaan idiin la nimid Xaq, badankiinnuse Xaqa baad nacdaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ أَبْرَمُوٓا۟ أَمْرًا فَإِنَّا مُبْرِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 79. Mise ma waxay goosteen arrin (qorshe)? Annaguna wax baynu qorsheynaynaa (Ciqaabkooda).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لَا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَىٰهُم بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 80. Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada (malaa’igta ah) baa ag joogta oo qoreysa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ إِن كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدٌ فَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلْعَٰبِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 81. Dheh: Haddii Raxmaanku (Alle, aad leedihiin wuxuu) leeyahay ilmo, waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka hufa inuu leeyahay ilmo ama xaas ama shariig, iwm).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
سُبْحَٰنَ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 82. Waxaa xurmo oo dhan iska leh (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshiga, oo ka hufan waxay ku tilmaamaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 83. Ee iska daa ha dhunbadeen (baadilkaas) oo ha iska cayaareene intay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَهُوَ ٱلَّذِى فِى ٱلسَّمَآءِ إِلَٰهٌ وَفِى ٱلْأَرْضِ إِلَٰهٌ وَهُوَ ٱلْحَكِيمُ ٱلْعَلِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 84. (Alle) waa Isaga Ilaaha Keliyee Xaqa ah somooyinka gudahood iyo Ilaaha Keliyee Xaqa ah arlada gudaheed. Waa Xakiimka, wax kasta Ogsoon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَبَارَكَ ٱلَّذِى لَهُۥ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَعِندَهُۥ عِلْمُ ٱلسَّاعَةِ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 85. Waxaa khayr iyo barako badan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, oo ay agti tahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame), Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَا يَمْلِكُ ٱلَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِٱلْحَقِّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 86. Oo uma leh awood shafeeco kuwa ay baryaan (Alle) ka sokow, hase ahaatee ciddii qirta xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh (waxbay u shafeeci Idanka Alle kaddib).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَهُمْ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 87. Haddaad (gaalada) weydiiso yaa abuuray iyaga, waxay hubaal odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقِيلِهِۦ يَٰرَبِّ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوْمٌ لَّا يُؤْمِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 88. (Nabigu) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Xaqiiq kuwaanu waa qolo aan rumayneyn (Xaqa).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَٰمٌ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 89. Ee iska saamax oo dheh: Nabadgelyo, wayse ogaan (waxa ku dhaca).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Ash-Shura
Suuradda Ad-Dukhaan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.