caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Jaathiya الجاثية

37 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 65

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xaa Miim [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنزِيلُ ٱلْكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ لَـَٔايَٰتٍ لِّلْمُؤْمِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Xaqiiq, waxaa samooyinka iyo arlada ugu sugan calaamooyin mu’miniinta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفِى خَلْقِكُمْ وَمَا يَبُثُّ مِن دَآبَّةٍ ءَايَٰتٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4.Iyo abuuristiinnaba iyo wuxuu (Alle) ku fidiyey (ku abuuray dhulka) oo nafley socota ah, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii yaqiinsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱخْتِلَٰفِ ٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن رِّزْقٍ فَأَحْيَا بِهِ ٱلْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا وَتَصْرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ ءَايَٰتٌ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa uu Alle ka soo dejiyo daruuraha oo risiq (roob) ah, markaas uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, iyo gadgaddoonka dabeylaha waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتْلُوهَا عَلَيْكَ بِٱلْحَقِّ فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَ ٱللَّهِ وَءَايَٰتِهِۦ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Kuwakani waa Aayadaha Alle aan kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah, ee hadalkee bay Alle iyo Aayadihiisa kaddib rumeyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ لِّكُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Hoog waxaa leh beenaale kastoo denbiile ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَسْمَعُ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ثُمَّ يُصِرُّ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ee maqla Aayadaha Alle oo loo akhriyo, haddana ka dhega adayga isagoo islaweyn sida inaanu maqalba. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا عَلِمَ مِنْ ءَايَٰتِنَا شَيْـًٔا ٱتَّخَذَهَا هُزُوًا أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Markuu wax ka ogaadana Aayadahayaga, wuxuu ka dhigtaa jees-jees. Kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِّن وَرَآئِهِمْ جَهَنَّمُ وَلَا يُغْنِى عَنْهُم مَّا كَسَبُوا۟ شَيْـًٔا وَلَا مَا ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوْلِيَآءَ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaa ka dambeysa Naar, waxna uma taraan waxay kasbadeen, iyo midna kuwaa ay ka dhigteen awliyo (gargaarayaal ama difaacayaal) Alle ka sokow, waxayna leeyihiin cadaab Daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا هُدًى وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمْ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kani (Qur'aanku) waa hanuun. Kuwase ku gaalooba Aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِى سَخَّرَ لَكُمُ ٱلْبَحْرَ لِتَجْرِىَ ٱلْفُلْكُ فِيهِ بِأَمْرِهِۦ وَلِتَبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِهِۦ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Alle waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socdaan Doonyuhu dhexdeeda Amarkiisa, iyo si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad ku mahdisaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Wuxuu kaloo idiin sakhiray waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, dhammaan waa Gallad iyo Naxariis Xaggiisa ah. Hubaal, waxaa (arrin) kani ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُل لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَغْفِرُوا۟ لِلَّذِينَ لَا يَرْجُونَ أَيَّامَ ٱللَّهِ لِيَجْزِىَ قَوْمًۢا بِمَا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaad ku dhahdaa kuwa (Xaqa) rumeeyey inay iska dhaafaan [2] kuwa aan ka rajo qabin Ayaamaha Alle [3], si uu ugu abaal mariyo qolo waxay kasbadeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَنْ عَمِلَ صَٰلِحًا فَلِنَفْسِهِۦ وَمَنْ أَسَآءَ فَعَلَيْهَا ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Qofkii sama fala naftiisay dan u tahay, kiina xumaan fala waa dushiisa. Waxaana dib la idiinku soo celin xagga Rabbigiin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْحُكْمَ وَٱلنُّبُوَّةَ وَرَزَقْنَٰهُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ وَفَضَّلْنَٰهُمْ عَلَى ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Waxaan dhab ahaan siinnay reer Israa’iil Kitaabka (Towraadda) iyo xukun [4] iyo Nabinnimo, waxaana ku arsaaqnay waxyaalaha wanaagsan, oo ka faddilnay dadkii (waqtigoodii).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَءَاتَيْنَٰهُم بَيِّنَٰتٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَمَا ٱخْتَلَفُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ إِنَّ رَبَّكَ يَقْضِى بَيْنَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُوا۟ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxaanu siinnay xujooyin cad oo arrimaha nolosha la xiriira, ismana khilaafin kaddib intuu u yimid cilmiga maahee, xasad dhexdooda ah awgi. Rabbigaa waa u kala garsoori dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ جَعَلْنَٰكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ فَٱتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَ ٱلَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Markaas waxaanu kuu yeelnay waddo cad oo amar (keenna) ah ee raac, hana raacin hawada kuwa aan wax ogeyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ لَن يُغْنُوا۟ عَنكَ مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَآءُ بَعْضٍ وَٱللَّهُ وَلِىُّ ٱلْمُتَّقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Iyagu kaagama taraan xagga Alle waxba; daalimiintana waa isu sokeeye qaarba qaarka kale. Alle waa Gargaaraha kuwa ka dhowrsada (xumaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا بَصَٰٓئِرُ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمٍ يُوقِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20.Kuwakani waa u tusmooyin cad dadka, iyo hanuun iyo naxariis ciddii wax yaqiinsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ حَسِبَ ٱلَّذِينَ ٱجْتَرَحُوا۟ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن نَّجْعَلَهُمْ كَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَوَآءً مَّحْيَاهُمْ وَمَمَاتُهُمْ سَآءَ مَا يَحْكُمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Mise ma waxay moodaan kuwa kasbada xumaha inaan la mid dhigeyno kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, oo noloshooda [5] iyo geeridooda sinnaan? Xumaa siday wax u xukumaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَخَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَلِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Allaah wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada xaq iyo in naf waliba laga abaal mariyo waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَرَءَيْتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ وَأَضَلَّهُ ٱللَّهُ عَلَىٰ عِلْمٍ وَخَتَمَ عَلَىٰ سَمْعِهِۦ وَقَلْبِهِۦ وَجَعَلَ عَلَىٰ بَصَرِهِۦ غِشَٰوَةً فَمَن يَهْدِيهِ مِنۢ بَعْدِ ٱللَّهِ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Ka warran mid ka yeesha hawadiisa ilaahiisa, oo Alle u lumiyey ogaal oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, yeelayna caad araggiisa. Yaa hanuunin Alle kaddib? Miyeydaan waansameyn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ مَا هِىَ إِلَّا حَيَاتُنَا ٱلدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَآ إِلَّا ٱلدَّهْرُ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunkan, waa iska noolaannaa [6] oo dhimannaa namana halaagaan waxaan aheyn waayaha. Uma laha (arrin)kaasi wax cilmi ah, way uun iska malo awaali.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍ مَّا كَانَ حُجَّتَهُمْ إِلَّآ أَن قَالُوا۟ ٱئْتُوا۟ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, dooddoodu ma aha wax kale aan aheyn inay yidhaahdaan: (Dib) Noogu keena aabbayaashayo (meytan) haddaad run sheegaysaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلِ ٱللَّهُ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يَجْمَعُكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Dheh: Alle baa idin nooleyn, haddana idin dhinsiin, haddana idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha aan shaki ku jirin, dadka badankiisuse ma oga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلِلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَوْمَ تَقُومُ ٱلسَّاعَةُ يَوْمَئِذٍ يَخْسَرُ ٱلْمُبْطِلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Allaah ba iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdo, Maalintaasay khasaari ehlu baadilka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَىٰ كُلَّ أُمَّةٍ جَاثِيَةً كُلُّ أُمَّةٍ تُدْعَىٰٓ إِلَىٰ كِتَٰبِهَا ٱلْيَوْمَ تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Waxaad arki ummad waliba iyagoo jilbo jabsan, ummad kasta waxaa loogu yeedhi Kitaabkii (camalkeeda); Maanta waxaa la idinku abaal marin waxaad fasheen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا كِتَٰبُنَا يَنطِقُ عَلَيْكُم بِٱلْحَقِّ إِنَّا كُنَّا نَسْتَنسِخُ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Kani waa Kitaabkayaga oo idiinka hadlaya si xaq ah, Waanu qoraynay waxaad camal faleyseen [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَيُدْخِلُهُمْ رَبُّهُمْ فِى رَحْمَتِهِۦ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَوْزُ ٱلْمُبِينُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama falay, Rabbigood wuxuu galin Naxariistiisa (Jannada), taasina waa Liibaanta Cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَفَلَمْ تَكُنْ ءَايَٰتِى تُتْلَىٰ عَلَيْكُمْ فَٱسْتَكْبَرْتُمْ وَكُنتُمْ قَوْمًا مُّجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kuwase gaaloobay (waxaa lagu dhihi): Sow ma ahayn Aayadahayga kuwo la idiin akhriyo? Waxaadse aheydeen kuwo isla weyn oo aheydeen qolo denbiilayaal ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ إِنَّ وَعْدَ ٱللَّهِ حَقٌّ وَٱلسَّاعَةُ لَا رَيْبَ فِيهَا قُلْتُم مَّا نَدْرِى مَا ٱلسَّاعَةُ إِن نَّظُنُّ إِلَّا ظَنًّا وَمَا نَحْنُ بِمُسْتَيْقِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Marka la yidhaahdo: Ballan qaadka Alle waa Xaq, Saacadda (Qiyaamana) shaki kuma jiro, waxaad tidhaahdeen: Ma naqaan waxay Saacaddu tahay, waan maleyn uun malo (aan xag jirin), mana nihin kuwo huba (arrinkaasi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَدَا لَهُمْ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُوا۟ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Waxaa u muuqan (gaalada) xume waxay faleen (ciqaabteedii), waxaana koobi waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقِيلَ ٱلْيَوْمَ نَنسَىٰكُمْ كَمَا نَسِيتُمْ لِقَآءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا وَمَأْوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Waxaana la odhan: Maanta waan idin halmaameynaa (idiinka tegi Naarta) sida aad u halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan (aydaan ugu diyaar garoobin Towxiid iyo camallo san), hoygiinnuna waa Naarta, mana jiro cid idiin soo gargaari.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكُم بِأَنَّكُمُ ٱتَّخَذْتُمْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوًا وَغَرَّتْكُمُ ٱلْحَيَوٰةُ ٱلدُّنْيَا فَٱلْيَوْمَ لَا يُخْرَجُونَ مِنْهَا وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. (Cadaab)kaasi waxaad ku mudateen inaad ka dhigateen Aayadahii Ilaahay jees-jees, noloshii adduunka baana idin hodday. Marka Maanta lagama soo saarayo halkaa, lagamana yeelayo cudur daarasho.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلِلَّهِ ٱلْحَمْدُ رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَرَبِّ ٱلْأَرْضِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Ee Ammaan idilkeed iyo Mahadba Alle baa u mudan, Rabbiga samooyinka iyo Rabbiga arlada, Rabbiga uumanka oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَهُ ٱلْكِبْرِيَآءُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Isagaa (Alle) iska leh Weynaan (oo dhan) samooyinka iyo arlada gudahooda, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70