caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Fajr الفجر

30 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 10

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلْفَجْرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay waaberiga,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَيَالٍ عَشْرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo habeennada tobanka ah [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلشَّفْعِ وَٱلْوَتْرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3.Iyo dhabanka iyo witirka (tirada is dheer).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّيْلِ إِذَا يَسْرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Iyo habeenka markuu (soo galo ama) baxo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَلْ فِى ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِى حِجْرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Miyey dhaarahaasi ahayn wax uu ku qanco in loogu dhaarto qof caqli leh?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Mawaadan ogaan sida (Alle) Rabbigaa u galay (reer) Caad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِرَمَ ذَاتِ ٱلْعِمَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Qolodii Iram, ee xoogga lahaa, aadna u dhaadheeraa [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّتِى لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِى ٱلْبِلَٰدِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Aan wax la mid ah lagu abuurin dhulka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُوا۟ ٱلصَّخْرَ بِٱلْوَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Iyo (siduu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفِرْعَوْنَ ذِى ٱلْأَوْتَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Iyo (siduu u galay) Fircoon, ee tiirarka lahaa (iyo ciidammada tirada badan)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ طَغَوْا۟ فِى ٱلْبِلَٰدِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Kuwaasoo ku xadgudbay dhulka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَكْثَرُوا۟ فِيهَا ٱلْفَسَادَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلْمِرْصَادِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Xaqiiq, Rabbigaa baa u jeeda (addoomahiisa) oo gaar ka haya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَمَّا ٱلْإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكْرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَكْرَمَنِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Aadmiga (kan gaalka ahi), markuu Rabbigi imtixaano oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبْتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّىٓ أَهَٰنَنِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا بَل لَّا تُكْرِمُونَ ٱلْيَتِيمَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Mayee’ ma daryeeshaan agoonka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Oo iskuma boorrisaan in masaakiinta wax la siiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَأْكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Waxaadna cuntaan dhaxalka cunid xaqdarro ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتُحِبُّونَ ٱلْمَالَ حُبًّا جَمًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Oo aad jeceshihiin maalka jaceyl daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِذَا دُكَّتِ ٱلْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجِا۟ىٓءَ يَوْمَئِذٍۭ بِجَهَنَّمَ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَقُولُ يَٰلَيْتَنِى قَدَّمْتُ لِحَيَاتِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Cidna wax uma xidho (si adag sida), Xidhidda (Alle) oo kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفْسُ ٱلْمُطْمَئِنَّةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱرْجِعِىٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱدْخُلِى فِى عِبَٰدِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱدْخُلِى جَنَّتِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Gal Jannadeyda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70