Suuradda Al-Ghaashiya الغاشية
26 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 68
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَٰشِيَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. (Ku) howlan (adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), daallan (Aakhirada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Gali Naar kulul oo ku guban.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Raalli ah dadaalkoodii darti.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Ku sugnaan Janno sare gudaheed.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaa ah dhexdeeda il socota.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Iyo sariirro la kor yeelay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Iyo koobab diyaar laga dhigay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Iyo barkimooyin la safay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Iyo gogollo la fidshey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Iyo buuraha, sida loo taagay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ma tihid adigu mid qasab ku leh.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→