Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Insaan
Suuradda Al-Insaan الانسان
31 aayadood · Madiina · kala horreynta soo dejinta 98
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ هَلْ أَتَىٰ عَلَى ٱلْإِنسَٰنِ حِينٌ مِّنَ ٱلدَّهْرِ لَمْ يَكُن شَيْـًٔا مَّذْكُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِن نُّطْفَةٍ أَمْشَاجٍ نَّبْتَلِيهِ فَجَعَلْنَٰهُ سَمِيعًۢا بَصِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta [1], si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا هَدَيْنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرًا وَإِمَّا كَفُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَعْتَدْنَا لِلْكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَا۟ وَأَغْلَٰلًا وَسَعِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo ay u burqin sida iyo halkay doonaan burqin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُوفُونَ بِٱلنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُۥ مُسْتَطِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيُطْعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءً وَلَا شُكُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمِ وَلَقَّىٰهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُوا۟ جَنَّةً وَحَرِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ لَا يَرَوْنَ فِيهَا شَمْسًا وَلَا زَمْهَرِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَدَانِيَةً عَلَيْهِمْ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتْ قُطُوفُهَا تَذْلِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِـَٔانِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا۠
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَوَارِيرَا۟ مِن فِضَّةٍ قَدَّرُوهَا تَقْدِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَٰنٌ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيْتَهُمْ حَسِبْتَهُمْ لُؤْلُؤًا مَّنثُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا رَأَيْتَ ثَمَّ رَأَيْتَ نَعِيمًا وَمُلْكًا كَبِيرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَٰلِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ وَحُلُّوٓا۟ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ وَسَقَىٰهُمْ رَبُّهُمْ شَرَابًا طَهُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمْ جَزَآءً وَكَانَ سَعْيُكُم مَّشْكُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ تَنزِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعْ مِنْهُمْ ءَاثِمًا أَوْ كَفُورًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمِنَ ٱلَّيْلِ فَٱسْجُدْ لَهُۥ وَسَبِّحْهُ لَيْلًا طَوِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلْعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمْ يَوْمًا ثَقِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
نَّحْنُ خَلَقْنَٰهُمْ وَشَدَدْنَآ أَسْرَهُمْ وَإِذَا شِئْنَا بَدَّلْنَآ أَمْثَٰلَهُمْ تَبْدِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ وَٱلظَّٰلِمِينَ أَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًۢا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Qiyaama
Suuradda Al-Mursalaat →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.