Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2.Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Dadow! Hubaal Ballanka Alle waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, yuusanna kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Alle.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Alle wuxuu lumiyaa qofkuu doono, oo hanuuniyaa qofkuu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Allaah wuu Ogsoon yahay waxay samayne.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Allaah waa Kan soo dira dabeylaha ee kicisa daruur, oo aanu u kaxeyno beled dhintay (abaar ah), markaasaan ku noolaynaa arlada kaddib dhimashadeeda. Sidaas oo kale weeyaan soo Bixintiinna (Qiyaamada).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkaa waa mid Alle u Fudud.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [2], oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya [3], naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah [5]. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono [6], adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, waxna uga ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal, Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami [10]? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Waa Isaga 'Alle' Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee qofkii gaalooba isagay u daran tahay gaalnimadiisu. Uma kordhiso gaalada gaalnimadooda Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda waxaan khasaaro aheyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Dheh: Bal ka warrama ilaahyada aad (Alle) shurukada uga dhigtaan, kuwaasoo aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ daalimiinta uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun hoditaan aheyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Alle baa ka haya samooyinka iyo arlada inay ka gilgashaan (tagaan) halkooda, hadday gilgashaanna, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal Alle waa Dul-qaadasho Badne, Denbi Dhaaf Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waxay ku dhaarteen Alle kan ugu culus dhaarahooda; in hadduu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige (Nabi Muxammad), uma kordhin waxaan didmo aheyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn dhagar xun. Dhagarta xumina kuma dhacdo cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. Ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn waddadii (aayihii) kuwii hore? Ma heleysid wax beddela Xeerka Alle; mana heleysid wax wareejiya Xeerka Alle.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Miyaanay marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee beeniyey Rusushii Alle), kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Ma jiro wax Alle ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, wax walba Kara.