caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Mursalaat المرسلات

50 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 33

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلْمُرْسَلَٰتِ عُرْفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْعَٰصِفَٰتِ عَصْفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلنَّٰشِرَٰتِ نَشْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْفَٰرِقَٰتِ فَرْقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱلْمُلْقِيَٰتِ ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عُذْرًا أَوْ نُذْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Oo samadu dildillaacdo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلْجِبَالُ نُسِفَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Oo buuraha la rujiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِأَىِّ يَوْمٍ أُجِّلَتْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Maalintee baa loo dib dhigay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِيَوْمِ ٱلْفَصْلِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ نُهْلِكِ ٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ نُتْبِعُهُمُ ٱلْـَٔاخِرِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِٱلْمُجْرِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ نَخْلُقكُّم مِّن مَّآءٍ مَّهِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَجَعَلْنَٰهُ فِى قَرَارٍ مَّكِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَىٰ قَدَرٍ مَّعْلُومٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ilaa muddo la yaqaanno,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقَدَرْنَا فَنِعْمَ ٱلْقَٰدِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ كِفَاتًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَحْيَآءً وَأَمْوَٰتًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلْنَا فِيهَا رَوَٰسِىَ شَٰمِخَٰتٍ وَأَسْقَيْنَٰكُم مَّآءً فُرَاتًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Aada waxaad beenin jirteen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱنطَلِقُوٓا۟ إِلَىٰ ظِلٍّ ذِى ثَلَٰثِ شُعَبٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا ظَلِيلٍ وَلَا يُغْنِى مِنَ ٱللَّهَبِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهَا تَرْمِى بِشَرَرٍ كَٱلْقَصْرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَأَنَّهُۥ جِمَٰلَتٌ صُفْرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Aad mooddo awr aydin ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا يَوْمُ لَا يَنطِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يُؤْذَنُ لَهُمْ فَيَعْتَذِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰذَا يَوْمُ ٱلْفَصْلِ جَمَعْنَٰكُمْ وَٱلْأَوَّلِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِن كَانَ لَكُمْ كَيْدٌ فَكِيدُونِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْمُتَّقِينَ فِى ظِلَٰلٍ وَعُيُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Iyo midho waxay doonaan ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ وَٱشْرَبُوا۟ هَنِيٓـًٔۢا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلْمُحْسِنِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ وَتَمَتَّعُوا۟ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجْرِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرْكَعُوا۟ لَا يَرْكَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan [4].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَبِأَىِّ حَدِيثٍۭ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70