caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Jinn الجن

28 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 40

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ قُلْ أُوحِىَ إِلَىَّ أَنَّهُ ٱسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَقَالُوٓا۟ إِنَّا سَمِعْنَا قُرْءَانًا عَجَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. (Nabi Muxammadow) dheh: Waxaa la ii waxyooday inay koox Jin ahi dhegaysteen (Qur’aanka). Markaasay yidhaahdeen: Waxaanu maqallay Qur'aan cajab leh.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَهْدِىٓ إِلَى ٱلرُّشْدِ فَـَٔامَنَّا بِهِۦ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَآ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Oo wax ku hanuunin dhabbaha toosan ee abbaarta ah, markaasaan rumeynay, umana shariig yeeleyno cidna Rabbigayo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةً وَلَا وَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُۥ كَانَ يَقُولُ سَفِيهُنَا عَلَى ٱللَّهِ شَطَطًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Wuxuu ahaa kan maan gaabka ahi [2] ee dhexdeenna ah mid ka sheega hadallo xadgudub ah aan habbooneyn Alle.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن تَقُولَ ٱلْإِنسُ وَٱلْجِنُّ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaan u malaynaynay inaysan dadka iyo jinkaba ka been sheegin Alle.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُۥ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ ٱلْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ ٱلْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxay rag ku jira dadka magan galayeen rag ku jira jinka, markaasay u kordhiyeen dhib iyo culeys (denbi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُمْ ظَنُّوا۟ كَمَا ظَنَنتُمْ أَن لَّن يَبْعَثَ ٱللَّهُ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Waxay moodeen sidaad idinkuba mooddeen inuusan Alle ka soo bixineyn (iilka) qofna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا لَمَسْنَا ٱلسَّمَآءَ فَوَجَدْنَٰهَا مُلِئَتْ حَرَسًا شَدِيدًا وَشُهُبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Waxaan doonnay inaan gaarno samada, waxaanse la kulannay iyadoo laga buuxiyey ilaalooyin adag iyo danabyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا كُنَّا نَقْعُدُ مِنْهَا مَقَٰعِدَ لِلسَّمْعِ فَمَن يَسْتَمِعِ ٱلْـَٔانَ يَجِدْ لَهُۥ شِهَابًا رَّصَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Waxaan ka fadhiisan jirnay rugag laga fadhiisto si aan u raaricinno maqalka, kiise (isku dayaa) inuu wax soo dhegaysto haatan wuxuu la kulmayaa danab sugaya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا لَا نَدْرِىٓ أَشَرٌّ أُرِيدَ بِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَمْ أَرَادَ بِهِمْ رَبُّهُمْ رَشَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Ma ogin in shar lala maagay waxa jooga dhulka korkiisa, ama in Rabbigood la doonay hanuun toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا مِنَّا ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنَّا دُونَ ذَٰلِكَ كُنَّا طَرَآئِقَ قِدَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Waxaa naga mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo kaleba aan sidaasi ahayn, waxaanu nahay kooxo raaca dariiqooyin kala duwan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا ظَنَنَّآ أَن لَّن نُّعْجِزَ ٱللَّهَ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَن نُّعْجِزَهُۥ هَرَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Waxaan hubnaa inaan uga fakan karin (ciqaabka) Alle dhulka, oo ugama fakan karno (ciqaabka) carar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا لَمَّا سَمِعْنَا ٱلْهُدَىٰٓ ءَامَنَّا بِهِۦ فَمَن يُؤْمِنۢ بِرَبِّهِۦ فَلَا يَخَافُ بَخْسًا وَلَا رَهَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Markaan maqallay Hanuunkana waan rumaynay, qofkii rumeeya Rabbigi (Alle) kama baqo nuqsaan ajar ama dulmi midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّا مِنَّا ٱلْمُسْلِمُونَ وَمِنَّا ٱلْقَٰسِطُونَ فَمَنْ أَسْلَمَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ تَحَرَّوْا۟ رَشَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا ٱلْقَٰسِطُونَ فَكَانُوا۟ لِجَهَنَّمَ حَطَبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَلَّوِ ٱسْتَقَٰمُوا۟ عَلَى ٱلطَّرِيقَةِ لَأَسْقَيْنَٰهُم مَّآءً غَدَقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّنَفْتِنَهُمْ فِيهِ وَمَن يُعْرِضْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِۦ يَسْلُكْهُ عَذَابًا صَعَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّ ٱلْمَسَٰجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدْعُوا۟ مَعَ ٱللَّهِ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Alle keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّهُۥ لَمَّا قَامَ عَبْدُ ٱللَّهِ يَدْعُوهُ كَادُوا۟ يَكُونُونَ عَلَيْهِ لِبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhowaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنَّمَآ أَدْعُوا۟ رَبِّى وَلَآ أُشْرِكُ بِهِۦٓ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنِّى لَآ أَمْلِكُ لَكُمْ ضَرًّا وَلَا رَشَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Dheh: Anigu xaqiiq idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنِّى لَن يُجِيرَنِى مِنَ ٱللَّهِ أَحَدٌ وَلَنْ أَجِدَ مِن دُونِهِۦ مُلْتَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا بَلَٰغًا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِسَٰلَٰتِهِۦ وَمَن يَعْصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ لَهُۥ نَارَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka). Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوْا۟ مَا يُوعَدُونَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ أَضْعَفُ نَاصِرًا وَأَقَلُّ عَدَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ إِنْ أَدْرِىٓ أَقَرِيبٌ مَّا تُوعَدُونَ أَمْ يَجْعَلُ لَهُۥ رَبِّىٓ أَمَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli waqti go’an.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ فَلَا يُظْهِرُ عَلَىٰ غَيْبِهِۦٓ أَحَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَنِ ٱرْتَضَىٰ مِن رَّسُولٍ فَإِنَّهُۥ يَسْلُكُ مِنۢ بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِۦ رَصَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّيَعْلَمَ أَن قَدْ أَبْلَغُوا۟ رِسَٰلَٰتِ رَبِّهِمْ وَأَحَاطَ بِمَا لَدَيْهِمْ وَأَحْصَىٰ كُلَّ شَىْءٍ عَدَدًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70