caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Taa-Haa طه

135 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 45

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ طه

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Daa Haa [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَآ أَنزَلْنَا عَلَيْكَ ٱلْقُرْءَانَ لِتَشْقَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Waase u waano ciddii ka baqda 'Alle' [2].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ ٱلْأَرْضَ وَٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلْعُلَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلرَّحْمَٰنُ عَلَى ٱلْعَرْشِ ٱسْتَوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ ٱلثَّرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن تَجْهَرْ بِٱلْقَوْلِ فَإِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلسِّرَّ وَأَخْفَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ لَهُ ٱلْأَسْمَآءُ ٱلْحُسْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ رَءَا نَارًا فَقَالَ لِأَهْلِهِ ٱمْكُثُوٓا۟ إِنِّىٓ ءَانَسْتُ نَارًا لَّعَلِّىٓ ءَاتِيكُم مِّنْهَا بِقَبَسٍ أَوْ أَجِدُ عَلَى ٱلنَّارِ هُدًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِىَ يَٰمُوسَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنِّىٓ أَنَا۠ رَبُّكَ فَٱخْلَعْ نَعْلَيْكَ إِنَّكَ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Xaqiiq, Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَا ٱخْتَرْتُكَ فَٱسْتَمِعْ لِمَا يُوحَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّنِىٓ أَنَا ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدْنِى وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ لِذِكْرِىٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخْفِيهَا لِتُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍۭ بِمَا تَسْعَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo [3] si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا يَصُدَّنَّكَ عَنْهَا مَن لَّا يُؤْمِنُ بِهَا وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ فَتَرْدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda [4] mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تِلْكَ بِيَمِينِكَ يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هِىَ عَصَاىَ أَتَوَكَّؤُا۟ عَلَيْهَا وَأَهُشُّ بِهَا عَلَىٰ غَنَمِى وَلِىَ فِيهَا مَـَٔارِبُ أُخْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَلْقِهَا يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَلْقَىٰهَا فَإِذَا هِىَ حَيَّةٌ تَسْعَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ خُذْهَا وَلَا تَخَفْ سَنُعِيدُهَا سِيرَتَهَا ٱلْأُولَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱضْمُمْ يَدَكَ إِلَىٰ جَنَاحِكَ تَخْرُجْ بَيْضَآءَ مِنْ غَيْرِ سُوٓءٍ ءَايَةً أُخْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِنُرِيَكَ مِنْ ءَايَٰتِنَا ٱلْكُبْرَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ ٱشْرَحْ لِى صَدْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَسِّرْ لِىٓ أَمْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. “Ii fududee arrinkayga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱحْلُلْ عُقْدَةً مِّن لِّسَانِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Ka fur guntintana carrabkayga,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَفْقَهُوا۟ قَوْلِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱجْعَل لِّى وَزِيرًا مِّنْ أَهْلِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

هَٰرُونَ أَخِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Haaruun, walaalkay,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱشْدُدْ بِهِۦٓ أَزْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَشْرِكْهُ فِىٓ أَمْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَىْ نُسَبِّحَكَ كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Si aan kuugu tasbiixsanno in badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَذْكُرَكَ كَثِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Oo aan kuu xusno in badan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّكَ كُنتَ بِنَا بَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَيْكَ مَرَّةً أُخْرَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰٓ أُمِّكَ مَا يُوحَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنِ ٱقْذِفِيهِ فِى ٱلتَّابُوتِ فَٱقْذِفِيهِ فِى ٱلْيَمِّ فَلْيُلْقِهِ ٱلْيَمُّ بِٱلسَّاحِلِ يَأْخُذْهُ عَدُوٌّ لِّى وَعَدُوٌّ لَّهُۥ وَأَلْقَيْتُ عَلَيْكَ مَحَبَّةً مِّنِّى وَلِتُصْنَعَ عَلَىٰ عَيْنِىٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah [5], iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ تَمْشِىٓ أُخْتُكَ فَتَقُولُ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ مَن يَكْفُلُهُۥ فَرَجَعْنَٰكَ إِلَىٰٓ أُمِّكَ كَىْ تَقَرَّ عَيْنُهَا وَلَا تَحْزَنَ وَقَتَلْتَ نَفْسًا فَنَجَّيْنَٰكَ مِنَ ٱلْغَمِّ وَفَتَنَّٰكَ فُتُونًا فَلَبِثْتَ سِنِينَ فِىٓ أَهْلِ مَدْيَنَ ثُمَّ جِئْتَ عَلَىٰ قَدَرٍ يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin [6], waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱصْطَنَعْتُكَ لِنَفْسِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Waxaan kuu doortay Nafteyda [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱذْهَبْ أَنتَ وَأَخُوكَ بِـَٔايَٰتِى وَلَا تَنِيَا فِى ذِكْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱذْهَبَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقُولَا لَهُۥ قَوْلًا لَّيِّنًا لَّعَلَّهُۥ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَا رَبَّنَآ إِنَّنَا نَخَافُ أَن يَفْرُطَ عَلَيْنَآ أَوْ أَن يَطْغَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَا تَخَافَآ إِنَّنِى مَعَكُمَآ أَسْمَعُ وَأَرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأْتِيَاهُ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَا تُعَذِّبْهُمْ قَدْ جِئْنَٰكَ بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّكَ وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىٰ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلْهُدَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato [8] kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا قَدْ أُوحِىَ إِلَيْنَآ أَنَّ ٱلْعَذَابَ عَلَىٰ مَن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَمَن رَّبُّكُمَا يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبُّنَا ٱلَّذِىٓ أَعْطَىٰ كُلَّ شَىْءٍ خَلْقَهُۥ ثُمَّ هَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَمَا بَالُ ٱلْقُرُونِ ٱلْأُولَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ عِلْمُهَا عِندَ رَبِّى فِى كِتَٰبٍ لَّا يَضِلُّ رَبِّى وَلَا يَنسَى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِى جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ مَهْدًا وَسَلَكَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءً فَأَخْرَجْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّن نَّبَاتٍ شَتَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ وَٱرْعَوْا۟ أَنْعَٰمَكُمْ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِنْهَا خَلَقْنَٰكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَرَيْنَٰهُ ءَايَٰتِنَا كُلَّهَا فَكَذَّبَ وَأَبَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَجِئْتَنَا لِتُخْرِجَنَا مِنْ أَرْضِنَا بِسِحْرِكَ يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَنَأْتِيَنَّكَ بِسِحْرٍ مِّثْلِهِۦ فَٱجْعَلْ بَيْنَنَا وَبَيْنَكَ مَوْعِدًا لَّا نُخْلِفُهُۥ نَحْنُ وَلَآ أَنتَ مَكَانًا سُوًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ مَوْعِدُكُمْ يَوْمُ ٱلزِّينَةِ وَأَن يُحْشَرَ ٱلنَّاسُ ضُحًى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَوَلَّىٰ فِرْعَوْنُ فَجَمَعَ كَيْدَهُۥ ثُمَّ أَتَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ وَيْلَكُمْ لَا تَفْتَرُوا۟ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا فَيُسْحِتَكُم بِعَذَابٍ وَقَدْ خَابَ مَنِ ٱفْتَرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَنَٰزَعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوٓا۟ إِنْ هَٰذَٰنِ لَسَٰحِرَٰنِ يُرِيدَانِ أَن يُخْرِجَاكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِمَا وَيَذْهَبَا بِطَرِيقَتِكُمُ ٱلْمُثْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (caadadiinna).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَجْمِعُوا۟ كَيْدَكُمْ ثُمَّ ٱئْتُوا۟ صَفًّا وَقَدْ أَفْلَحَ ٱلْيَوْمَ مَنِ ٱسْتَعْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلْقِىَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَلْقَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Waxay yidhaahdeen: “Muusow! Ama tuur (usha) ama aan innagu ahaanno kuwa hor tuura?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ بَلْ أَلْقُوا۟ فَإِذَا حِبَالُهُمْ وَعِصِيُّهُمْ يُخَيَّلُ إِلَيْهِ مِن سِحْرِهِمْ أَنَّهَا تَسْعَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَوْجَسَ فِى نَفْسِهِۦ خِيفَةً مُّوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Markaasuu Muuse ka dareemay naftiisii cabsi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْنَا لَا تَخَفْ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْأَعْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Waxaanu nidhi: Ha cabsan, waa adiga xaqiiq kan sarreyne.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَلْقِ مَا فِى يَمِينِكَ تَلْقَفْ مَا صَنَعُوٓا۟ إِنَّمَا صَنَعُوا۟ كَيْدُ سَٰحِرٍ وَلَا يُفْلِحُ ٱلسَّاحِرُ حَيْثُ أَتَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Tuurna waxa ku jira gacantaaada midig! Waxay liqi waxay sameeyeen, waxa ay sameeyeen waa uun tab sixirrow, mana liibaano sixirrow meeluu yimaadaba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأُلْقِىَ ٱلسَّحَرَةُ سُجَّدًا قَالُوٓا۟ ءَامَنَّا بِرَبِّ هَٰرُونَ وَمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud [10].Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ءَامَنتُمْ لَهُۥ قَبْلَ أَنْ ءَاذَنَ لَكُمْ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِى عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحْرَ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَٰفٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِى جُذُوعِ ٱلنَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَآ أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad rumeyseen ka hor inta aanan idiin idmin? Hubaal waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, waxaana idinku daldali jirridaha geedaha timrta, waadna ogaan midkaayagii (aniga ama Rabbiga Muuse) cadaab daran oo daa’ insan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَن نُّؤْثِرَكَ عَلَىٰ مَا جَآءَنَا مِنَ ٱلْبَيِّنَٰتِ وَٱلَّذِى فَطَرَنَا فَٱقْضِ مَآ أَنتَ قَاضٍ إِنَّمَا تَقْضِى هَٰذِهِ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَآ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray [11]. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّآ ءَامَنَّا بِرَبِّنَا لِيَغْفِرَ لَنَا خَطَٰيَٰنَا وَمَآ أَكْرَهْتَنَا عَلَيْهِ مِنَ ٱلسِّحْرِ وَٱللَّهُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Waxaanu xaqiiq rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan [12] 'cadaab ahaan'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُۥ مَن يَأْتِ رَبَّهُۥ مُجْرِمًا فَإِنَّ لَهُۥ جَهَنَّمَ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Qofkii u yimaada Rabbigiis isagoo denbiile ah, abaalkiisu waa Jahannamo, uusan ku dhimaneyn, kuna noolaaneyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يَأْتِهِۦ مُؤْمِنًا قَدْ عَمِلَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَأُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلدَّرَجَٰتُ ٱلْعُلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75.Qofkii se u yimaada isagoo mu’min ah oo samo fashay, kuwaasi waxay leeyihiin derejooyinka sare (nolosha dambe-Aakhiro)

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَنَّٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَذَٰلِكَ جَزَآءُ مَن تَزَكَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oo ay ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa 'shirkiga iyo macaasida' [13].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ أَوْحَيْنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِى فَٱضْرِبْ لَهُمْ طَرِيقًا فِى ٱلْبَحْرِ يَبَسًا لَّا تَخَٰفُ دَرَكًا وَلَا تَخْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): "Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel [14] hana ka baqin (hafitaan)".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَتْبَعَهُمْ فِرْعَوْنُ بِجُنُودِهِۦ فَغَشِيَهُم مِّنَ ٱلْيَمِّ مَا غَشِيَهُمْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَضَلَّ فِرْعَوْنُ قَوْمَهُۥ وَمَا هَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ قَدْ أَنجَيْنَٰكُم مِّنْ عَدُوِّكُمْ وَوَٰعَدْنَٰكُمْ جَانِبَ ٱلطُّورِ ٱلْأَيْمَنَ وَنَزَّلْنَا عَلَيْكُمُ ٱلْمَنَّ وَٱلسَّلْوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka badbaadinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna iyo Salwaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كُلُوا۟ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقْنَٰكُمْ وَلَا تَطْغَوْا۟ فِيهِ فَيَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبِى وَمَن يَحْلِلْ عَلَيْهِ غَضَبِى فَقَدْ هَوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنِّى لَغَفَّارٌ لِّمَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا ثُمَّ ٱهْتَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Oo xaqiiq, Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii tawbad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَعْجَلَكَ عَن قَوْمِكَ يَٰمُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ هُمْ أُو۟لَآءِ عَلَىٰٓ أَثَرِى وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَإِنَّا قَدْ فَتَنَّا قَوْمَكَ مِنۢ بَعْدِكَ وَأَضَلَّهُمُ ٱلسَّامِرِىُّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَرَجَعَ مُوسَىٰٓ إِلَىٰ قَوْمِهِۦ غَضْبَٰنَ أَسِفًا قَالَ يَٰقَوْمِ أَلَمْ يَعِدْكُمْ رَبُّكُمْ وَعْدًا حَسَنًا أَفَطَالَ عَلَيْكُمُ ٱلْعَهْدُ أَمْ أَرَدتُّمْ أَن يَحِلَّ عَلَيْكُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَخْلَفْتُم مَّوْعِدِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan [16]? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ مَآ أَخْلَفْنَا مَوْعِدَكَ بِمَلْكِنَا وَلَٰكِنَّا حُمِّلْنَآ أَوْزَارًا مِّن زِينَةِ ٱلْقَوْمِ فَقَذَفْنَٰهَا فَكَذَٰلِكَ أَلْقَى ٱلسَّامِرِىُّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen [17], markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَخْرَجَ لَهُمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُۥ خُوَارٌ فَقَالُوا۟ هَٰذَآ إِلَٰهُكُمْ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِىَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Wuxuuna uga soo saaray (muuqaal) dibi oo cod leh. Waxayna yidhaahdeen: "Kan waa ilaahiinna iyo ilaaha Muuse, wuuse illoobay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَلَا يَرَوْنَ أَلَّا يَرْجِعُ إِلَيْهِمْ قَوْلًا وَلَا يَمْلِكُ لَهُمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Miyeynan arkayn in aanu u soo celin kareyn kelmadna (wax jawaab ah), oo aanu u haynin dhib iyo dheef midna?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَٰرُونُ مِن قَبْلُ يَٰقَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِۦ وَإِنَّ رَبَّكُمُ ٱلرَّحْمَٰنُ فَٱتَّبِعُونِى وَأَطِيعُوٓا۟ أَمْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa Raxmaanka ee i soo raaca, adeecana amarkayga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالُوا۟ لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَٰكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Waxay yidhaahdeen: “Ma deyneyno caabudidda (dibiga) intuu nooga soo noqon Muuse.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَٰهَٰرُونُ مَا مَنَعَكَ إِذْ رَأَيْتَهُمْ ضَلُّوٓا۟

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَّا تَتَّبِعَنِ أَفَعَصَيْتَ أَمْرِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ يَبْنَؤُمَّ لَا تَأْخُذْ بِلِحْيَتِى وَلَا بِرَأْسِىٓ إِنِّى خَشِيتُ أَن تَقُولَ فَرَّقْتَ بَيْنَ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَلَمْ تَرْقُبْ قَوْلِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (sugin) qowlkeyga.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَمَا خَطْبُكَ يَٰسَٰمِرِىُّ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ بَصُرْتُ بِمَا لَمْ يَبْصُرُوا۟ بِهِۦ فَقَبَضْتُ قَبْضَةً مِّنْ أَثَرِ ٱلرَّسُولِ فَنَبَذْتُهَا وَكَذَٰلِكَ سَوَّلَتْ لِى نَفْسِى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka [18] (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray [19]. Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ فَٱذْهَبْ فَإِنَّ لَكَ فِى ٱلْحَيَوٰةِ أَن تَقُولَ لَا مِسَاسَ وَإِنَّ لَكَ مَوْعِدًا لَّن تُخْلَفَهُۥ وَٱنظُرْ إِلَىٰٓ إِلَٰهِكَ ٱلَّذِى ظَلْتَ عَلَيْهِ عَاكِفًا لَّنُحَرِّقَنَّهُۥ ثُمَّ لَنَنسِفَنَّهُۥ فِى ٱلْيَمِّ نَسْفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto" [20], waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَآ إِلَٰهُكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَسِعَ كُلَّ شَىْءٍ عِلْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuu ku koobay wax walba Cilmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنۢبَآءِ مَا قَدْ سَبَقَ وَقَدْ ءَاتَيْنَٰكَ مِن لَّدُنَّا ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّنْ أَعْرَضَ عَنْهُ فَإِنَّهُۥ يَحْمِلُ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ وِزْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Qofkii ka jeesta wuxuu xambaaran Maalinta Qiyaame culaab culus (denbi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰلِدِينَ فِيهِ وَسَآءَ لَهُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ حِمْلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub101. Iyagoo ku dhex waari (cadaabka). Xumaa maalinta Qiyaamaha culaabka ay qaadi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ وَنَحْشُرُ ٱلْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ زُرْقًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub102. Maaalinta buunka la afuufi [21], oo aan isu soo kulmin denbiilayaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan [22].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَتَخَٰفَتُونَ بَيْنَهُمْ إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا عَشْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ إِذْ يَقُولُ أَمْثَلُهُمْ طَرِيقَةً إِن لَّبِثْتُمْ إِلَّا يَوْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Annagaa ka ogsoon waxay leeyihiin, marka kooda ugu jid wanaagsani odhan, “Ma aydaan joogin (adduunka) maalin mooyee.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلْجِبَالِ فَقُلْ يَنسِفُهَا رَبِّى نَسْفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَيَذَرُهَا قَاعًا صَفْصَفًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Wuxuu ka yeeli (arladana) ban siman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا تَرَىٰ فِيهَا عِوَجًا وَلَآ أَمْتًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Aad ku dhex arkeyn meel hoosaysa ama sarreysa.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَئِذٍ يَتَّبِعُونَ ٱلدَّاعِىَ لَا عِوَجَ لَهُۥ وَخَشَعَتِ ٱلْأَصْوَاتُ لِلرَّحْمَٰنِ فَلَا تَسْمَعُ إِلَّا هَمْسًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَئِذٍ لَّا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَرَضِىَ لَهُۥ قَوْلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. Maalintaas shafeeco wax ma tarto, mid maahee uu Raxmaanku (Alle) u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِۦ عِلْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعَنَتِ ٱلْوُجُوهُ لِلْحَىِّ ٱلْقَيُّومِ وَقَدْ خَابَ مَنْ حَمَلَ ظُلْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Waxay dhammaan wejiyadu u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi [23].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا يَخَافُ ظُلْمًا وَلَا هَضْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Qofka se samo fala oo mu’min ah, ma ka cabsanayo dulmi loo geysto iyo wax loo dhimo midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلْنَٰهُ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا وَصَرَّفْنَا فِيهِ مِنَ ٱلْوَعِيدِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ أَوْ يُحْدِثُ لَهُمْ ذِكْرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ ٱلْمَلِكُ ٱلْحَقُّ وَلَا تَعْجَلْ بِٱلْقُرْءَانِ مِن قَبْلِ أَن يُقْضَىٰٓ إِلَيْكَ وَحْيُهُۥ وَقُل رَّبِّ زِدْنِى عِلْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَقَدْ عَهِدْنَآ إِلَىٰٓ ءَادَمَ مِن قَبْلُ فَنَسِىَ وَلَمْ نَجِدْ لَهُۥ عَزْمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore [24], wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَٰٓئِكَةِ ٱسْجُدُوا۟ لِـَٔادَمَ فَسَجَدُوٓا۟ إِلَّآ إِبْلِيسَ أَبَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَقُلْنَا يَٰٓـَٔادَمُ إِنَّ هَٰذَا عَدُوٌّ لَّكَ وَلِزَوْجِكَ فَلَا يُخْرِجَنَّكُمَا مِنَ ٱلْجَنَّةِ فَتَشْقَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنَّكَ لَا تَظْمَؤُا۟ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ ٱلشَّيْطَٰنُ قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ ٱلْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ ٱلْجَنَّةِ وَعَصَىٰٓ ءَادَمُ رَبَّهُۥ فَغَوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay [25].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ ٱجْتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ ٱهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًۢا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُم مِّنِّى هُدًى فَمَنِ ٱتَّبَعَ هُدَاىَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِى فَإِنَّ لَهُۥ مَعِيشَةً ضَنكًا وَنَحْشُرُهُۥ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ أَعْمَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِىٓ أَعْمَىٰ وَقَدْ كُنتُ بَصِيرًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ كَذَٰلِكَ أَتَتْكَ ءَايَٰتُنَا فَنَسِيتَهَا وَكَذَٰلِكَ ٱلْيَوْمَ تُنسَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ نَجْزِى مَنْ أَسْرَفَ وَلَمْ يُؤْمِنۢ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ وَلَعَذَابُ ٱلْـَٔاخِرَةِ أَشَدُّ وَأَبْقَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub127. Sidaasaan ku abaal marinnaa ciddii xadgudubta oo aan rumeyn Aayadaha Rabbigii, cadaabka Aakhiro ayaana sii daran oo joogto daa'in ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَلَمْ يَهْدِ لَهُمْ كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ ٱلْقُرُونِ يَمْشُونَ فِى مَسَٰكِنِهِمْ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّأُو۟لِى ٱلنُّهَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub128. Miyaanay u caddaan intaan facyo hallignay iyaga hortood oo ay ku dul soc- daan guryahoodii? Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh caqliga fayow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَكَانَ لِزَامًا وَأَجَلٌ مُّسَمًّى

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd [26] 'cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ ٱلشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا وَمِنْ ءَانَآئِ ٱلَّيْلِ فَسَبِّحْ وَأَطْرَافَ ٱلنَّهَارِ لَعَلَّكَ تَرْضَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub130. Ee u samir waxay leeyihiin, oo ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo (tuko) qaar ka mid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad u raali noqoto.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا تَمُدَّنَّ عَيْنَيْكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعْنَا بِهِۦٓ أَزْوَٰجًا مِّنْهُمْ زَهْرَةَ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا لِنَفْتِنَهُمْ فِيهِ وَرِزْقُ رَبِّكَ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub131. Ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأْمُرْ أَهْلَكَ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱصْطَبِرْ عَلَيْهَا لَا نَسْـَٔلُكَ رِزْقًا نَّحْنُ نَرْزُقُكَ وَٱلْعَٰقِبَةُ لِلتَّقْوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Ku amar salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee ka dhowrsada (xumaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ لَوْلَا يَأْتِينَا بِـَٔايَةٍ مِّن رَّبِّهِۦٓ أَوَلَمْ تَأْتِهِم بَيِّنَةُ مَا فِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga Muxammad).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ أَنَّآ أَهْلَكْنَٰهُم بِعَذَابٍ مِّن قَبْلِهِۦ لَقَالُوا۟ رَبَّنَا لَوْلَآ أَرْسَلْتَ إِلَيْنَا رَسُولًا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ مِن قَبْلِ أَن نَّذِلَّ وَنَخْزَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. Haddaan ku halaagi laheyn cadaab isaga ka hor [27], waxay odhan lahaayeen: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weydey Rasuul si aan u raacno Aayadahaa- ga, ka hor dullowga iyo dufowgannaga.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ كُلٌّ مُّتَرَبِّصٌ فَتَرَبَّصُوا۟ فَسَتَعْلَمُونَ مَنْ أَصْحَٰبُ ٱلصِّرَٰطِ ٱلسَّوِىِّ وَمَنِ ٱهْتَدَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga [28]. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70