caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Maryam مريم

98 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 44

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ كٓهيعٓصٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُۥ زَكَرِيَّآ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ نِدَآءً خَفِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ إِنِّى وَهَنَ ٱلْعَظْمُ مِنِّى وَٱشْتَعَلَ ٱلرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُنۢ بِدُعَآئِكَ رَبِّ شَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنِّى خِفْتُ ٱلْمَوَٰلِىَ مِن وَرَآءِى وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا فَهَبْ لِى مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Waxaana u cabsan xigtada [2] iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad' [3].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَرِثُنِى وَيَرِثُ مِنْ ءَالِ يَعْقُوبَ وَٱجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. I dhaxla [4], dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰزَكَرِيَّآ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ ٱسْمُهُۥ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُۥ مِن قَبْلُ سَمِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَٰمٌ وَكَانَتِ ٱمْرَأَتِى عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ ٱلْكِبَرِ عِتِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِن قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْـًٔا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu yidhi [5]: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ رَبِّ ٱجْعَل لِّىٓ ءَايَةً قَالَ ءَايَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ ٱلنَّاسَ ثَلَٰثَ لَيَالٍ سَوِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِۦ مِنَ ٱلْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰٓ إِلَيْهِمْ أَن سَبِّحُوا۟ بُكْرَةً وَعَشِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰيَحْيَىٰ خُذِ ٱلْكِتَٰبَ بِقُوَّةٍ وَءَاتَيْنَٰهُ ٱلْحُكْمَ صَبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Waa' dambe, Alle Wuxuu yidhi): "Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Waxaanuna siinnay fahan iyo xikmad isagoo yar.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحَنَانًا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَوٰةً وَكَانَ تَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. iyo maxabbad Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho. Wuxuu ahaa mid ka cabsada Alle oo ka dhowrsada xumaha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَيْهِ وَلَمْ يَكُن جَبَّارًا عَصِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Baarri u ah labadiisa waalid, ma aheyn macangag aan wax maqlin 'caasi ah'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَسَلَٰمٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintuu dhashay, iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ مَرْيَمَ إِذِ ٱنتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (qisadii) Maryam, markay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka bari ah (bariga Qudus).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَآ إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Waxay yeelatay daah (ay iskaga asturto); Markaasaan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil) oo isaga soo dhigay qof Aadmi ah oo dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ إِنِّىٓ أَعُوذُ بِٱلرَّحْمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. (Maryam) waxay tidhi: Anigu Waxaan kaa magan galay Naxariistaha (Alle, ee iga dheerow) haddaad tahay mid dhowrsada.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنَّمَآ أَنَا۠ رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَٰمًا زَكِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. (Malaggii) wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) siismada wiil daahir ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِى غُلَٰمٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِى بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. (Maryam) waxay tidhi: “Sidee baan u yeelan wiil, anigoo uusan nin i taaban, aniguna ma ahi zaaniyad?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَىَّ هَيِّنٌ وَلِنَجْعَلَهُۥٓ ءَايَةً لِّلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِّنَّا وَكَانَ أَمْرًا مَّقْضِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. (Malaggii) wuxuu yidhi: “Waa sidaas', Rabbigaa Wuxuu yidhi: "Waa ii fududdahay, waxaana uga yeeli calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo xukumay (gooyey)".

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَحَمَلَتْهُ فَٱنتَبَذَتْ بِهِۦ مَكَانًا قَصِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Markaasay uur qaadday, waxayna ula fogaatay meel dheer (Beytlaxam oo Qudus u jirta 10km).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَجَآءَهَا ٱلْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ ٱلنَّخْلَةِ قَالَتْ يَٰلَيْتَنِى مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Wuxuu keenay xanuunkii foosha geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi:“Alla haddaan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la halmaamo oo la waayo araggeeda”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَنَادَىٰهَا مِن تَحْتِهَآ أَلَّا تَحْزَنِى قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Markaasuu uga dhawaaqay [6] meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُزِّىٓ إِلَيْكِ بِجِذْعِ ٱلنَّخْلَةِ تُسَٰقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. U soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَكُلِى وَٱشْرَبِى وَقَرِّى عَيْنًا فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ ٱلْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِىٓ إِنِّى نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ ٱلْيَوْمَ إِنسِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Cun oo cab il qabowsona, haddaad aragto cid uun dadka ka mid ah, dheh: Waxaan anigu u nidray Naxariistaha (Alle) soon (af qabsi), marka lama hadlayo maanta cidna aadmi ah.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَتَتْ بِهِۦ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُۥ قَالُوا۟ يَٰمَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْـًٔا فَرِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Waxay ula timid (Ciise) dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad la timid wax weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأُخْتَ هَٰرُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ ٱمْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, mana ahayn hooyadaa zaaniyad.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ قَالُوا۟ كَيْفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِى ٱلْمَهْدِ صَبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxay u tilmaantay (wiilka) xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadleynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah"?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ إِنِّى عَبْدُ ٱللَّهِ ءَاتَىٰنِىَ ٱلْكِتَٰبَ وَجَعَلَنِى نَبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. (Ciise) wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay addoon Alle, wuxuu i siin Kitaab (Injiil) oo uu iga yeeli Nabi;”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَعَلَنِى مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنتُ وَأَوْصَٰنِى بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ مَا دُمْتُ حَيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Wuxuuna iga yeelay mid barakaysan meel aan joogaba, oo ii dardaarmay inaan oogo salaadda oo bixiyo Zakada intaan noolahay.”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَبَرًّۢا بِوَٰلِدَتِى وَلَمْ يَجْعَلْنِى جَبَّارًا شَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana dhigin macangag, khayr daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلسَّلَٰمُ عَلَىَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Nabadi ha ahaato korkayga maalintaan dhashay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta la i soo bixin anoo nool”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ قَوْلَ ٱلْحَقِّ ٱلَّذِى فِيهِ يَمْتَرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka shakisan yihiin (kana ay doodi).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٍ سُبْحَٰنَهُۥٓ إِذَا قَضَىٰٓ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kuma habboona Alle inuu yeesho wiil (ilmo). Subxaanah (wuu ka hufan yahay nuqsaan). markuu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waana uu yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِنَّ ٱللَّهَ رَبِّى وَرَبُّكُمْ فَٱعْبُدُوهُ هَٰذَا صِرَٰطٌ مُّسْتَقِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. (Ciise wuxuu yidhi): “Xaqiiqna Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isagoo Keliya, kan baa ah Jid Toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱخْتَلَفَ ٱلْأَحْزَابُ مِنۢ بَيْنِهِمْ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن مَّشْهَدِ يَوْمٍ عَظِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdoo- da (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaalooba ka soo gaadhi kulan Maalin weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا لَٰكِنِ ٱلظَّٰلِمُونَ ٱلْيَوْمَ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Wax maqli ogaa oo arki ogaa Maalinta la keenayo Hortayada! Daalimiintu se maanta waxay ku sugan yihiin habow cad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ ٱلْحَسْرَةِ إِذْ قُضِىَ ٱلْأَمْرُ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ وَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّا نَحْنُ نَرِثُ ٱلْأَرْضَ وَمَنْ عَلَيْهَا وَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ إِبْرَٰهِيمَ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَٰٓأَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِى عَنكَ شَيْـًٔا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَبَتِ إِنِّى قَدْ جَآءَنِى مِنَ ٱلْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَٱتَّبِعْنِىٓ أَهْدِكَ صِرَٰطًا سَوِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَبَتِ لَا تَعْبُدِ ٱلشَّيْطَٰنَ إِنَّ ٱلشَّيْطَٰنَ كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ عَصِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَٰٓأَبَتِ إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِّنَ ٱلرَّحْمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَٰنِ وَلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ ءَالِهَتِى يَٰٓإِبْرَٰهِيمُ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ وَٱهْجُرْنِى مَلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قَالَ سَلَٰمٌ عَلَيْكَ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّىٓ إِنَّهُۥ كَانَ بِى حَفِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَأَدْعُوا۟ رَبِّى عَسَىٰٓ أَلَّآ أَكُونَ بِدُعَآءِ رَبِّى شَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryada Rabbigay ku hungooba”.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَمَّا ٱعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَهَبْنَا لَهُۥٓ إِسْحَٰقَ وَيَعْقُوبَ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَهَبْنَا لَهُم مِّن رَّحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ مُوسَىٰٓ إِنَّهُۥ كَانَ مُخْلَصًا وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah [7].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَٰدَيْنَٰهُ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ ٱلْأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَٰهُ نَجِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta ee midigta ah [8], oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوَهَبْنَا لَهُۥ مِن رَّحْمَتِنَآ أَخَاهُ هَٰرُونَ نَبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Waxaana ka siinnay Naxariistayada walaalkii Haaruun oo Nabi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ إِسْمَٰعِيلَ إِنَّهُۥ كَانَ صَادِقَ ٱلْوَعْدِ وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub54. Ku xus Kitaabka (Qur’aanka) Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka rumeeya ballanka uu galo, wuxuuna ahaa Rasuul Nabi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَانَ يَأْمُرُ أَهْلَهُۥ بِٱلصَّلَوٰةِ وَٱلزَّكَوٰةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِۦ مَرْضِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. Wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaadda iyo Sakada, wuxuuna ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱذْكُرْ فِى ٱلْكِتَٰبِ إِدْرِيسَ إِنَّهُۥ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub56. Kuna xus Kitaabka (Qur’aanka) Idriis. Wuxuu ahaa run badane Nabi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَرَفَعْنَٰهُ مَكَانًا عَلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub57. Waxaan kor ugu qaadnay meel sare.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِن ذُرِّيَّةِ ءَادَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبْرَٰهِيمَ وَإِسْرَٰٓءِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَٱجْتَبَيْنَآ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُ ٱلرَّحْمَٰنِ خَرُّوا۟ سُجَّدًا وَبُكِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub58. Kuwaas waa kuwuu Alle u nicmeeyey oo Nabiyadii ah, durriyadii Aadam, iyo kuwa aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub) iyo kuwa aan hanuuninnay oo aan doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَخَلَفَ مِنۢ بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَٱتَّبَعُوا۟ ٱلشَّهَوَٰتِ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub59. Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato (oo xun); marka waxay la kulmi hoog [9].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحًا فَأُو۟لَٰٓئِكَ يَدْخُلُونَ ٱلْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْـًٔا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. Kan tawbad keena, oo rumeeya (Xaqa), oo sama fala mooyee. Kuwaasu waxay geli Jannada, iyagoon waxba laga dulmineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

جَنَّٰتِ عَدْنٍ ٱلَّتِى وَعَدَ ٱلرَّحْمَٰنُ عِبَادَهُۥ بِٱلْغَيْبِ إِنَّهُۥ كَانَ وَعْدُهُۥ مَأْتِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub61. Beero nagaya (Jannooyinka Cadni) oo uu Naxariistaha (Allaah) ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Yaboohiisu waa kii yimaada oo hirgala.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا إِلَّا سَلَٰمًا وَلَهُمْ رِزْقُهُمْ فِيهَا بُكْرَةً وَعَشِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Kuma maqlayaan gudaheeda wax Hadal macno darro ah, waa uun Salaan (is nabaadin). Waxayna ku lahaan risiqooda subax iyo galabba (kala go' la'aan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تِلْكَ ٱلْجَنَّةُ ٱلَّتِى نُورِثُ مِنْ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub63. Taasu waa Jannada aan dhaxalsiinno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha (oo noo hoggaansan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمْرِ رَبِّكَ لَهُۥ مَا بَيْنَ أَيْدِينَا وَمَا خَلْفَنَا وَمَا بَيْنَ ذَٰلِكَ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa [10]. Isagaa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashaya- da ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba. Ma aha Rabbigaa mid wax halmaama.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَٱعْبُدْهُ وَٱصْطَبِرْ لِعِبَٰدَتِهِۦ هَلْ تَعْلَمُ لَهُۥ سَمِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub65. Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَقُولُ ٱلْإِنسَٰنُ أَءِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markaan dhinto, miyaa la I soo bixin anigoo nool?”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوَلَا يَذْكُرُ ٱلْإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقْنَٰهُ مِن قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْـًٔا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. Miyuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoon waxba ahayn?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَوَرَبِّكَ لَنَحْشُرَنَّهُمْ وَٱلشَّيَٰطِينَ ثُمَّ لَنُحْضِرَنَّهُمْ حَوْلَ جَهَنَّمَ جِثِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub68. Ee waa igu Rabbigaaye, waanu soo kulmin iyaga iyo shaydaammadaba, markaas waxaanu keeni hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan [11].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمْ أَشَدُّ عَلَى ٱلرَّحْمَٰنِ عِتِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub69. Markaas waxaan ka soo siibi qolo walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka (Allaah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ لَنَحْنُ أَعْلَمُ بِٱلَّذِينَ هُمْ أَوْلَىٰ بِهَا صِلِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub70. Annagaana dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda oo ku gubtaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِن مِّنكُمْ إِلَّا وَارِدُهَا كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتْمًا مَّقْضِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mareyn (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ نُنَجِّى ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوا۟ وَّنَذَرُ ٱلظَّٰلِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub72. Markaas waxaanu badbaadin kuwii iska jiray (shirkiga iyo xumaha kale) oo uga tegi daalimiinta dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٍ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ أَىُّ ٱلْفَرِيقَيْنِ خَيْرٌ مَّقَامًا وَأَحْسَنُ نَدِيًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَحْسَنُ أَثَٰثًا وَرِءْيًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُلْ مَن كَانَ فِى ٱلضَّلَٰلَةِ فَلْيَمْدُدْ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ مَدًّا حَتَّىٰٓ إِذَا رَأَوْا۟ مَا يُوعَدُونَ إِمَّا ٱلْعَذَابَ وَإِمَّا ٱلسَّاعَةَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضْعَفُ جُندًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub75. Dheh, "kii ku jira habow, ha u fidiyo Raxmaanku waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga), jeer markay arkaan waxaa loogu gooddiyey, oo cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaame), way ogaan kan xun degmo ahaan oo tabar yar ciidan ahaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَزِيدُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱهْتَدَوْا۟ هُدًى وَٱلْبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ مَّرَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Wuxuu Alle u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Camallada wanaagsan ee baaqiga ah baana khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَفَرَءَيْتَ ٱلَّذِى كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالًا وَوَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur [12].”

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَطَّلَعَ ٱلْغَيْبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحْمَٰنِ عَهْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا سَنَكْتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلْعَذَابِ مَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأْتِينَا فَرْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةً لِّيَكُونُوا۟ لَهُمْ عِزًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا سَيَكْفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمْ وَيَكُونُونَ عَلَيْهِمْ ضِدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَلَمْ تَرَ أَنَّآ أَرْسَلْنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَا تَعْجَلْ عَلَيْهِمْ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمْ عَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro [13] 'maalmo go’an'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ نَحْشُرُ ٱلْمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحْمَٰنِ وَفْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَسُوقُ ٱلْمُجْرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّا يَمْلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحْمَٰنِ عَهْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan [14].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَقَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحْمَٰنُ وَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّقَدْ جِئْتُمْ شَيْـًٔا إِدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنشَقُّ ٱلْأَرْضُ وَتَخِرُّ ٱلْجِبَالُ هَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَن دَعَوْا۟ لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يَنۢبَغِى لِلرَّحْمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن كُلُّ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ إِلَّآ ءَاتِى ٱلرَّحْمَٰنِ عَبْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَّقَدْ أَحْصَىٰهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكُلُّهُمْ ءَاتِيهِ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ فَرْدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ ٱلرَّحْمَٰنُ وُدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Xaqiiq kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli maxabbad 'qalbiyada mu’miniinta' [15].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنَّمَا يَسَّرْنَٰهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ ٱلْمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِۦ قَوْمًا لُّدًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub97. Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هَلْ تُحِسُّ مِنْهُم مِّنْ أَحَدٍ أَوْ تَسْمَعُ لَهُمْ رِكْزًۢا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70