Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Al-Anbiyaa
Suuradda Al-Anbiyaa الأنبياء
112 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 73
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِى غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحْدَثٍ إِلَّا ٱسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Ma jiro Xus (Waxyi) uga yimaada xagga Rabbbigood, waxayse dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ وَأَسَرُّوا۟ ٱلنَّجْوَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوا۟ هَلْ هَٰذَآ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ أَفَتَأْتُونَ ٱلسِّحْرَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir [1] idinkoo arka?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ رَبِّى يَعْلَمُ ٱلْقَوْلَ فِى ٱلسَّمَآءِ وَٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْعَلِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ قَالُوٓا۟ أَضْغَٰثُ أَحْلَٰمٍۭ بَلِ ٱفْتَرَىٰهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِـَٔايَةٍ كَمَآ أُرْسِلَ ٱلْأَوَّلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَآ ءَامَنَتْ قَبْلَهُم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَٰهَآ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِىٓ إِلَيْهِمْ فَسْـَٔلُوٓا۟ أَهْلَ ٱلذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (Dhambaalka), ee weydiiya ehlu Kitaabka haddaydaan ogeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا جَعَلْنَٰهُمْ جَسَدًا لَّا يَأْكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَمَا كَانُوا۟ خَٰلِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto [2] 'sida malaa’igta', mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ صَدَقْنَٰهُمُ ٱلْوَعْدَ فَأَنجَيْنَٰهُمْ وَمَن نَّشَآءُ وَأَهْلَكْنَا ٱلْمُسْرِفِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَقَدْ أَنزَلْنَآ إِلَيْكُمْ كِتَٰبًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan [3] xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَمْ قَصَمْنَا مِن قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا ءَاخَرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Badanaa intaan halaagnay magaalo [4] ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمَّآ أَحَسُّوا۟ بَأْسَنَآ إِذَا هُم مِّنْهَا يَرْكُضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا تَرْكُضُوا۟ وَٱرْجِعُوٓا۟ إِلَىٰ مَآ أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَٰكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْـَٔلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Ha cararina (haatan) ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna, si wax la idiin weydiiyo [5].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ يَٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Waxay yidhaahdeen: Hooggeenee! Waxaanu nahay daalimiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَا زَالَت تِّلْكَ دَعْوَىٰهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَٰهُمْ حَصِيدًا خَٰمِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Ma ay deyn calaalcalkoodaas ilaa aan ka yeelnay wax la shafay oo baqtiya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا خَلَقْنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَٰعِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Uma aan abuurinna samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ أَرَدْنَآ أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّٱتَّخَذْنَٰهُ مِن لَّدُنَّآ إِن كُنَّا فَٰعِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno [6], waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ نَقْذِفُ بِٱلْحَقِّ عَلَى ٱلْبَٰطِلِ فَيَدْمَغُهُۥ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ وَلَكُمُ ٱلْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed [7].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَهُۥ مَن فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَنْ عِندَهُۥ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِۦ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُسَبِّحُونَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20.Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمِ ٱتَّخَذُوٓا۟ ءَالِهَةً مِّنَ ٱلْأَرْضِ هُمْ يُنشِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Mise waxay yeesheen si ay u caabudaan ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ كَانَ فِيهِمَآ ءَالِهَةٌ إِلَّا ٱللَّهُ لَفَسَدَتَا فَسُبْحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يُسْـَٔلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْـَٔلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. (Alle) lama weydiiyo wuxuu Falo, iyagase (dadka) waa la weydiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً قُلْ هَاتُوا۟ بُرْهَٰنَكُمْ هَٰذَا ذِكْرُ مَن مَّعِىَ وَذِكْرُ مَن قَبْلِى بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ ٱلْحَقَّ فَهُم مُّعْرِضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay [8]. Badankooduse ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِىٓ إِلَيْهِ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنَا۠ فَٱعْبُدُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna aan u waxyoonin (Annagoo leh), "Ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوا۟ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحْمَٰنُ وَلَدًا سُبْحَٰنَهُۥ بَلْ عِبَادٌ مُّكْرَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay [9].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يَسْبِقُونَهُۥ بِٱلْقَوْلِ وَهُم بِأَمْرِهِۦ يَعْمَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يَشْفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ٱرْتَضَىٰ وَهُم مِّنْ خَشْيَتِهِۦ مُشْفِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin oo baqaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَن يَقُلْ مِنْهُمْ إِنِّىٓ إِلَٰهٌ مِّن دُونِهِۦ فَذَٰلِكَ نَجْزِيهِ جَهَنَّمَ كَذَٰلِكَ نَجْزِى ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَوَلَمْ يَرَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَنَّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَٰهُمَا وَجَعَلْنَا مِنَ ٱلْمَآءِ كُلَّ شَىْءٍ حَىٍّ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Miyaanay kuwa gaaloobay arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn [10].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا فِى ٱلْأَرْضِ رَوَٰسِىَ أَن تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا ٱلسَّمَآءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا وَهُمْ عَنْ ءَايَٰتِهَا مُعْرِضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan .
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَهُوَ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ وَٱلشَّمْسَ وَٱلْقَمَرَ كُلٌّ فِى فَلَكٍ يَسْبَحُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. (Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَا جَعَلْنَا لِبَشَرٍ مِّن قَبْلِكَ ٱلْخُلْدَ أَفَإِي۟ن مِّتَّ فَهُمُ ٱلْخَٰلِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ ٱلْمَوْتِ وَنَبْلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلْخَيْرِ فِتْنَةً وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaanu idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِذَا رَءَاكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِى يَذْكُرُ ءَالِهَتَكُمْ وَهُم بِذِكْرِ ٱلرَّحْمَٰنِ هُمْ كَٰفِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Markay ku arkaan kuwa gaaloobay, kaama dhigtaan waxaan ahayn jeesjees (waxayna yidhaahdaan):” Ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay ku gaaloobaan xusidda Raxmaanka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
خُلِقَ ٱلْإِنسَٰنُ مِنْ عَجَلٍ سَأُو۟رِيكُمْ ءَايَٰتِى فَلَا تَسْتَعْجِلُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Aadmigu waxaa 'ku jira' uu ka abuuran yahay degdegsanaan, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Waxay odhan: Waa goorma gooddigani (cadaabka) haddaad run sheegaysaan?”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ يَعْلَمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ ٱلنَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمْ وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Hadday kuwa gaalooba ogaan lahaayeen markaan laga celinayn wejiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaareyn (ma degdegsadeen Cadaabka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ تَأْتِيهِم بَغْتَةً فَتَبْهَتُهُمْ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, way jahawareerin, ma karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (tawbad keen ama cudur daarasho).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدِ ٱسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِٱلَّذِينَ سَخِرُوا۟ مِنْهُم مَّا كَانُوا۟ بِهِۦ يَسْتَهْزِءُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ مَن يَكْلَؤُكُم بِٱلَّيْلِ وَٱلنَّهَارِ مِنَ ٱلرَّحْمَٰنِ بَلْ هُمْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِم مُّعْرِضُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Dheh: “Yaa idinka ilaalin kara habeen iyo maalinba (Cadaabka) Naxariistaha (Allaah)? Waxayse iyagu ka jeesadaan xusidda Rabbigood.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَمْ لَهُمْ ءَالِهَةٌ تَمْنَعُهُم مِّن دُونِنَا لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَ أَنفُسِهِمْ وَلَا هُم مِّنَّا يُصْحَبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Mise ma waxay leeyihiin ilaahyo ka celin kara Ciqaabkayaga? Ma leh awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga magan geliyo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
بَلْ مَتَّعْنَا هَٰٓؤُلَآءِ وَءَابَآءَهُمْ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيْهِمُ ٱلْعُمُرُ أَفَلَا يَرَوْنَ أَنَّا نَأْتِى ٱلْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَآ أَفَهُمُ ٱلْغَٰلِبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba jeer uu la dheeraaday cimriga 'markaasay wax is bideen' [11]. Miyaanay arag inaan ku nimaanno arlada innagoo ka soo nusqaamin cirifyadiisa [12]? Ee ma iyagaa adag?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ إِنَّمَآ أُنذِرُكُم بِٱلْوَحْىِ وَلَا يَسْمَعُ ٱلصُّمُّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَئِن مَّسَّتْهُمْ نَفْحَةٌ مِّنْ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَٰوَيْلَنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَضَعُ ٱلْمَوَٰزِينَ ٱلْقِسْطَ لِيَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ فَلَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْـًٔا وَإِن كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا وَكَفَىٰ بِنَا حَٰسِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 47. Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta [13] waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَا مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ ٱلْفُرْقَانَ وَضِيَآءً وَذِكْرًا لِّلْمُتَّقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka [14], iyo iftiin iyo waano [15] ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِٱلْغَيْبِ وَهُم مِّنَ ٱلسَّاعَةِ مُشْفِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [16], iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَهَٰذَا ذِكْرٌ مُّبَارَكٌ أَنزَلْنَٰهُ أَفَأَنتُمْ لَهُۥ مُنكِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan [17]?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ ءَاتَيْنَآ إِبْرَٰهِيمَ رُشْدَهُۥ مِن قَبْلُ وَكُنَّا بِهِۦ عَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka [18], Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِۦ مَا هَٰذِهِ ٱلتَّمَاثِيلُ ٱلَّتِىٓ أَنتُمْ لَهَا عَٰكِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ وَجَدْنَآ ءَابَآءَنَا لَهَا عَٰبِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ لَقَدْ كُنتُمْ أَنتُمْ وَءَابَآؤُكُمْ فِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ أَجِئْتَنَا بِٱلْحَقِّ أَمْ أَنتَ مِنَ ٱللَّٰعِبِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ بَل رَّبُّكُمْ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ ٱلَّذِى فَطَرَهُنَّ وَأَنَا۠ عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ ٱلشَّٰهِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَٱللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصْنَٰمَكُم بَعْدَ أَن تُوَلُّوا۟ مُدْبِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi [19].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَجَعَلَهُمْ جُذَٰذًا إِلَّا كَبِيرًا لَّهُمْ لَعَلَّهُمْ إِلَيْهِ يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 58. Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ مَن فَعَلَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَآ إِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 59. Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُۥٓ إِبْرَٰهِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 60. Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ فَأْتُوا۟ بِهِۦ عَلَىٰٓ أَعْيُنِ ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَشْهَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 61. Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan [20]?.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوٓا۟ ءَأَنتَ فَعَلْتَ هَٰذَا بِـَٔالِهَتِنَا يَٰٓإِبْرَٰهِيمُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 62. Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ بَلْ فَعَلَهُۥ كَبِيرُهُمْ هَٰذَا فَسْـَٔلُوهُمْ إِن كَانُوا۟ يَنطِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 63. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَرَجَعُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَنفُسِهِمْ فَقَالُوٓا۟ إِنَّكُمْ أَنتُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 64. Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ نُكِسُوا۟ عَلَىٰ رُءُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَٰٓؤُلَآءِ يَنطِقُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 65. Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan [21] 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْـًٔا وَلَا يَضُرُّكُمْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 66. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Alle sokadi. Miyeydaan wax fahmeyn?”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ حَرِّقُوهُ وَٱنصُرُوٓا۟ ءَالِهَتَكُمْ إِن كُنتُمْ فَٰعِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 68. Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْنَا يَٰنَارُ كُونِى بَرْدًا وَسَلَٰمًا عَلَىٰٓ إِبْرَٰهِيمَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 69. Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَرَادُوا۟ بِهِۦ كَيْدًا فَجَعَلْنَٰهُمُ ٱلْأَخْسَرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 70. Waxay la dooneen dhagar (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَجَّيْنَٰهُ وَلُوطًا إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِى بَٰرَكْنَا فِيهَا لِلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 71. Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii [22] aan u barakaynay dadka oo dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَوَهَبْنَا لَهُۥٓ إِسْحَٰقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً وَكُلًّا جَعَلْنَا صَٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 72. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَٰهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا وَأَوْحَيْنَآ إِلَيْهِمْ فِعْلَ ٱلْخَيْرَٰتِ وَإِقَامَ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءَ ٱلزَّكَوٰةِ وَكَانُوا۟ لَنَا عَٰبِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 73. Waxaanu ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Alle Keliya caabuda).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلُوطًا ءَاتَيْنَٰهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَنَجَّيْنَٰهُ مِنَ ٱلْقَرْيَةِ ٱلَّتِى كَانَت تَّعْمَلُ ٱلْخَبَٰٓئِثَ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمَ سَوْءٍ فَٰسِقِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 74. Oo Luud Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ee ahayd mid xumo [23] fasha. Waxay ahaayeen qolo xun oo fallaago ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَدْخَلْنَٰهُ فِى رَحْمَتِنَآ إِنَّهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 75. Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنُوحًا إِذْ نَادَىٰ مِن قَبْلُ فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ فَنَجَّيْنَٰهُ وَأَهْلَهُۥ مِنَ ٱلْكَرْبِ ٱلْعَظِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 76. Oo Nuux waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore [24]. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَنَصَرْنَٰهُ مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَآ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ قَوْمَ سَوْءٍ فَأَغْرَقْنَٰهُمْ أَجْمَعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 77. Waana uga gargaarnay qolodii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen qolo xun, mrkaasaan harqinnay dhammaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَدَاوُۥدَ وَسُلَيْمَٰنَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِى ٱلْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ ٱلْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَٰهِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 78. (Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah 'arka' [25].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَفَهَّمْنَٰهَا سُلَيْمَٰنَ وَكُلًّا ءَاتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُۥدَ ٱلْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَٱلطَّيْرَ وَكُنَّا فَٰعِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 79. Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil' [26].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَعَلَّمْنَٰهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّنۢ بَأْسِكُمْ فَهَلْ أَنتُمْ شَٰكِرُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 80. Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلِسُلَيْمَٰنَ ٱلرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِى بِأَمْرِهِۦٓ إِلَى ٱلْأَرْضِ ٱلَّتِى بَٰرَكْنَا فِيهَا وَكُنَّا بِكُلِّ شَىْءٍ عَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 81. (Waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمِنَ ٱلشَّيَٰطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُۥ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ وَكُنَّا لَهُمْ حَٰفِظِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 82. Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey [27].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّى مَسَّنِىَ ٱلضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ ٱلرَّٰحِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 83. (Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): Waxaa I taabtay dhib (jirro iyo dad iyo duunyo beel), Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ فَكَشَفْنَا مَا بِهِۦ مِن ضُرٍّ وَءَاتَيْنَٰهُ أَهْلَهُۥ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَٰبِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 84. Waana ajiibnay, Waxaana ka feydnay dhibtii haysey (jirradii iyo faqrigii), waxaana siinnay ehelkiisii (uu waayey) iyo in le’eg oo wehlisa - Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِسْمَٰعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا ٱلْكِفْلِ كُلٌّ مِّنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 85. (Xus) Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa samra.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَدْخَلْنَٰهُمْ فِى رَحْمَتِنَآ إِنَّهُم مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 86. Waxaana dhex gelinnay Naxariistayada. Waxay ka mid ahaayeen kuwa wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَذَا ٱلنُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَٰضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِى ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَٰنَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 87. (Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu tegay isagoo (u) cadheysan 'dadkii loo diray' [28], wuxuuna mooday inaanan cidhiidhyeyn 'aanu qabanayn' [29]! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda [30] 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa ka hufan (xumaan), anigu waan gefay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَنَجَّيْنَٰهُ مِنَ ٱلْغَمِّ وَكَذَٰلِكَ نُـۨجِى ٱلْمُؤْمِنِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 88. Waana ajiibnnay baryadiisii, kana badbaadinnay murugadii. Sidaasaana u badbaadinnaa mu’miniinta.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَزَكَرِيَّآ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُۥ رَبِّ لَا تَذَرْنِى فَرْدًا وَأَنتَ خَيْرُ ٱلْوَٰرِثِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 89. (Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَوَهَبْنَا لَهُۥ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُۥ زَوْجَهُۥٓ إِنَّهُمْ كَانُوا۟ يُسَٰرِعُونَ فِى ٱلْخَيْرَٰتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا وَكَانُوا۟ لَنَا خَٰشِعِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 90. Waana ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, una hagaajinnay xaaskiisii. Waxay ahaayeen kuwo u degdega inay falaan camallo wanaagsan oo na barya (caabuda) si rajo iyo cabsiba leh, waxayna ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلْنَٰهَا وَٱبْنَهَآ ءَايَةً لِّلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (ku afuufidda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَأَنَا۠ رَبُّكُمْ فَٱعْبُدُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah [31], Oo Anigu 'Alle ah' waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda 'Anigoo keliya'.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَتَقَطَّعُوٓا۟ أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ كُلٌّ إِلَيْنَا رَٰجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda [32]. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَمَن يَعْمَلْ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا كُفْرَانَ لِسَعْيِهِۦ وَإِنَّا لَهُۥ كَٰتِبُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 94. Ee qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَٰهَآ أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto [33].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱقْتَرَبَ ٱلْوَعْدُ ٱلْحَقُّ فَإِذَا هِىَ شَٰخِصَةٌ أَبْصَٰرُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ يَٰوَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِى غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا بَلْ كُنَّا ظَٰلِمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمْ لَهَا وَٰرِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَوْ كَانَ هَٰٓؤُلَآءِ ءَالِهَةً مَّا وَرَدُوهَا وَكُلٌّ فِيهَا خَٰلِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمْ فِيهَا لَا يَسْمَعُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ ٱلَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُم مِّنَّا ٱلْحُسْنَىٰٓ أُو۟لَٰٓئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يَسْمَعُونَ حَسِيسَهَا وَهُمْ فِى مَا ٱشْتَهَتْ أَنفُسُهُمْ خَٰلِدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 102. Ma maqlaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waadhi waxay nafahooda rabaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَا يَحْزُنُهُمُ ٱلْفَزَعُ ٱلْأَكْبَرُ وَتَتَلَقَّىٰهُمُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ هَٰذَا يَوْمُكُمُ ٱلَّذِى كُنتُمْ تُوعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 103. Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ نَطْوِى ٱلسَّمَآءَ كَطَىِّ ٱلسِّجِلِّ لِلْكُتُبِ كَمَا بَدَأْنَآ أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُۥ وَعْدًا عَلَيْنَآ إِنَّا كُنَّا فَٰعِلِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 104. Maalinka aan u duubeyno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sidaan u billownay abuuriddii hore baan ku soo celineynaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِى ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعْدِ ٱلذِّكْرِ أَنَّ ٱلْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِىَ ٱلصَّٰلِحُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 105. Waxaanu ku qornay Zabuurka [34] kaddib (markaan horay ugu) xusnay Kitaabka [35] in arlada (Jannada) ay dhaxli addoomahyaga wanaagsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ فِى هَٰذَا لَبَلَٰغًا لِّقَوْمٍ عَٰبِدِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 106. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَآ أَرْسَلْنَٰكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَٰلَمِينَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 107. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلْ إِنَّمَا يُوحَىٰٓ إِلَىَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَٰحِدٌ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 108. Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya 'Allaah', ee ma u hoggaansameysaan Muslimiin ahaan?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِن تَوَلَّوْا۟ فَقُلْ ءَاذَنتُكُمْ عَلَىٰ سَوَآءٍ وَإِنْ أَدْرِىٓ أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٌ مَّا تُوعَدُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 109.Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ مِنَ ٱلْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 110. Hubaal Wuxuu (Alle) Og yahay hadalka kii kor loo qaado, wuxuuna Og yahay waxaad qarineysaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنْ أَدْرِى لَعَلَّهُۥ فِتْنَةٌ لَّكُمْ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٍ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 111. Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَٰلَ رَبِّ ٱحْكُم بِٱلْحَقِّ وَرَبُّنَا ٱلرَّحْمَٰنُ ٱلْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 112. (Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan [36].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Taa-Haa
Suuradda Al-Hajj →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.