Bogga hore › Suuradaha › Suuradda Nooh
Suuradda Nooh نوح
28 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 71
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ إِنَّآ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِۦٓ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Waxaanu xaqiiq u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ يَٰقَوْمِ إِنِّى لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَنِ ٱعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana i adeeca.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى إِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ إِذَا جَآءَ لَا يُؤَخَّرُ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ رَبِّ إِنِّى دَعَوْتُ قَوْمِى لَيْلًا وَنَهَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَآءِىٓ إِلَّا فِرَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَإِنِّى كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوٓا۟ أَصَٰبِعَهُمْ فِىٓ ءَاذَانِهِمْ وَٱسْتَغْشَوْا۟ ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا۟ وَٱسْتَكْبَرُوا۟ ٱسْتِكْبَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda [1], oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ إِنِّى دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ إِنِّىٓ أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقُلْتُ ٱسْتَغْفِرُوا۟ رَبَّكُمْ إِنَّهُۥ كَانَ غَفَّارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يُرْسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَٰلٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّٰتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَٰرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَمْ تَرَوْا۟ كَيْفَ خَلَقَ ٱللَّهُ سَبْعَ سَمَٰوَٰتٍ طِبَاقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلَ ٱلْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ ٱلشَّمْسَ سِرَاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ نَبَاتًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ ٱلْأَرْضَ بِسَاطًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِّتَسْلُكُوا۟ مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمْ عَصَوْنِى وَٱتَّبَعُوا۟ مَن لَّمْ يَزِدْهُ مَالُهُۥ وَوَلَدُهُۥٓ إِلَّا خَسَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَمَكَرُوا۟ مَكْرًا كُبَّارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالُوا۟ لَا تَذَرُنَّ ءَالِهَتَكُمْ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَدْ أَضَلُّوا۟ كَثِيرًا وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا ضَلَٰلًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مِّمَّا خَطِيٓـَٰٔتِهِمْ أُغْرِقُوا۟ فَأُدْخِلُوا۟ نَارًا فَلَمْ يَجِدُوا۟ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَنصَارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى ٱلْأَرْضِ مِنَ ٱلْكَٰفِرِينَ دَيَّارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا۟ عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوٓا۟ إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
رَّبِّ ٱغْفِرْ لِى وَلِوَٰلِدَىَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيْتِىَ مُؤْمِنًا وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمُؤْمِنَٰتِ وَلَا تَزِدِ ٱلظَّٰلِمِينَ إِلَّا تَبَارًۢا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Ma'aarij
Suuradda Al-Jinn →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.