caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Al-Ma'aarij المعارج

44 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 79

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍ وَاقِعٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَٱصْبِرْ صَبْرًا جَمِيلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَنَرَىٰهُ قَرِيبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يُبَصَّرُونَهُمْ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِنَّهَا لَظَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Diiraneysa haragga Madaxa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَإِذَا مَسَّهُ ٱلْخَيْرُ مَنُوعًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا ٱلْمُصَلِّينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Kuwa salaadda tukada mooyaane.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَآئِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ فِىٓ أَمْوَٰلِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّلسَّآئِلِ وَٱلْمَحْرُومِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَٰفِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزْوَٰجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَنِ ٱبْتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْعَادُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ لِأَمَٰنَٰتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَٰعُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمْ قَآئِمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ فِى جَنَّٰتٍ مُّكْرَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَنِ ٱلْيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَيَطْمَعُ كُلُّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِنَّا خَلَقْنَٰهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلَآ أُقْسِمُ بِرَبِّ ٱلْمَشَٰرِقِ وَٱلْمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا۟ وَيَلْعَبُوا۟ حَتَّىٰ يُلَٰقُوا۟ يَوْمَهُمُ ٱلَّذِى يُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يَخْرُجُونَ مِنَ ٱلْأَجْدَاثِ سِرَاعًا كَأَنَّهُمْ إِلَىٰ نُصُبٍ يُوفِضُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

خَٰشِعَةً أَبْصَٰرُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلَّذِى كَانُوا۟ يُوعَدُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70