Bogga hore › Suuradaha › Suuradda An-Naazi'aat
Suuradda An-Naazi'aat النازعات
46 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 81
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرْقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشْطًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبْحًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبْقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba' [1]
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَبْصَٰرُهَا خَٰشِعَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. Indhahoodu dulleysnaan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمًا نَّخِرَةً
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11. Ma markaan noqonno lafo bololay?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Waase hal Qeylo keliya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd [2].
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ بَنَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Dhulka markaa kaddib fidshay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Buurahana wuu dhidbay;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
مَتَٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34. Markase ay timaaddo musiibada weyni.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Ma qofkii xad gudba.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Oo door bida nolosha adduunkan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Hubaal Naarta waa hoygiisa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda An-Naba
Suuradda Abasa →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.