Bogga hore › Suuradaha › Suuradda An-Naba
Suuradda An-Naba النبإ
40 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 80
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ عَمَّ يَتَسَآءَلُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
عَنِ ٱلنَّبَإِ ٱلْعَظِيمِ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ٱلَّذِى هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
أَلَمْ نَجْعَلِ ٱلْأَرْضَ مِهَٰدًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 6. Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَٱلْجِبَالَ أَوْتَادًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَخَلَقْنَٰكُمْ أَزْوَٰجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا ٱلَّيْلَ لِبَاسًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا ٱلنَّهَارَ مَعَاشًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَأَنزَلْنَا مِنَ ٱلْمُعْصِرَٰتِ مَآءً ثَجَّاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِّنُخْرِجَ بِهِۦ حَبًّا وَنَبَاتًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَجَنَّٰتٍ أَلْفَافًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 16. Iyo beero isku maran.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ يَوْمَ ٱلْفَصْلِ كَانَ مِيقَٰتًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 17. Xaqiiq, Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يُنفَخُ فِى ٱلصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَفُتِحَتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ أَبْوَٰبًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 19. Oo samada la furi oo yeelan albaabbo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَسُيِّرَتِ ٱلْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 20. Buurahana la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 21. Xaqiiq, Naartu waa heegan sugeysa,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لِّلطَّٰغِينَ مَـَٔابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّٰبِثِينَ فِيهَآ أَحْقَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
جَزَآءً وِفَاقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّهُمْ كَانُوا۟ لَا يَرْجُونَ حِسَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَا كِذَّابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكُلَّ شَىْءٍ أَحْصَيْنَٰهُ كِتَٰبًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
فَذُوقُوا۟ فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 30. Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 31. Xaqiiq, kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
حَدَآئِقَ وَأَعْنَٰبًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 32. Beero iyo canabyo.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
وَكَأْسًا دِهَاقًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّٰبًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
جَزَآءً مِّن رَّبِّكَ عَطَآءً حِسَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
رَّبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ٱلرَّحْمَٰنِ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 37. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
يَوْمَ يَقُومُ ٱلرُّوحُ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ صَفًّا لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ ٱلرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 38. Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
ذَٰلِكَ ٱلْيَوْمُ ٱلْحَقُّ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ مَـَٔابًا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san).
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
إِنَّآ أَنذَرْنَٰكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ ٱلْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ ٱلْكَافِرُ يَٰلَيْتَنِى كُنتُ تُرَٰبًۢا
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub 40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado.
Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →
← Suuradda Al-Mursalaat
Suuradda An-Naazi'aat →
Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
→
Qoraalka Carabiga iyo turjumaadaha waxay ka yimaadeen Tanzil iyo QuranEnc — sida ay yihiin, aan la beddelin · Turjumaaduhu waa hanti turjumaanadooda mana aha Quraanka laftiisa
Kani waa qalab cilmi-baaris, ma aha il fatwo.