caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Abasa عبس

42 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 24

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَن جَآءَهُ ٱلْأَعْمَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Inuu u yimid indhoolihii [1] darteed,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكْرَىٰٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمَّا مَنِ ٱسْتَغْنَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Miyaad adigu u banbixi,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسْعَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ يَخْشَىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Oo (Alle ka) baqa,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Miyaad adigu ka mashquuli.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّآ إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Mayee, Aayadahani waa waano.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فِى صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍۭ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Kor ah, la dahiray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

بِأَيْدِى سَفَرَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كِرَامٍۭ بَرَرَةٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Sharaf leh oo baariyaal ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

قُتِلَ ٱلْإِنسَٰنُ مَآ أَكْفَرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِنْ أَىِّ شَىْءٍ خَلَقَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Muxuu Alle ka abuuray?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha [2];

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقْبَرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Markuu doonana wuu soo bixin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَآ أَمَرَهُۥ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلْيَنظُرِ ٱلْإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَنَّا صَبَبْنَا ٱلْمَآءَ صَبًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ثُمَّ شَقَقْنَا ٱلْأَرْضَ شَقًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَأَنۢبَتْنَا فِيهَا حَبًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَعِنَبًا وَقَضْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. Iyo cinab iyo naq.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَحَدَآئِقَ غُلْبًا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Iyo beero tanaad ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَفَٰكِهَةً وَأَبًّا

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Iyo midho iyo caws.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَّتَٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَٰمِكُمْ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَوْمَ يَفِرُّ ٱلْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِكُلِّ ٱمْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْكَفَرَةُ ٱلْفَجَرَةُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70