caseriqRaadinta macnaha ee Quraanka

Suuradda Ash-Shura الشورى

53 aayadood · Makka · kala horreynta soo dejinta 62

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ حمٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub1. Xaa Miim.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

عٓسٓقٓ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub2. Cayn Siin Qaaf [1].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

كَذَٰلِكَ يُوحِىٓ إِلَيْكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبْلِكَ ٱللَّهُ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub3. Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَلِىُّ ٱلْعَظِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرْنَ مِن فَوْقِهِنَّ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ يُسَبِّحُونَ بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَيَسْتَغْفِرُونَ لِمَن فِى ٱلْأَرْضِ أَلَآ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub5. Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan [2], malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ ٱللَّهُ حَفِيظٌ عَلَيْهِمْ وَمَآ أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub6. Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ قُرْءَانًا عَرَبِيًّا لِّتُنذِرَ أُمَّ ٱلْقُرَىٰ وَمَنْ حَوْلَهَا وَتُنذِرَ يَوْمَ ٱلْجَمْعِ لَا رَيْبَ فِيهِ فَرِيقٌ فِى ٱلْجَنَّةِ وَفَرِيقٌ فِى ٱلسَّعِيرِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah [3], iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ شَآءَ ٱللَّهُ لَجَعَلَهُمْ أُمَّةً وَٰحِدَةً وَلَٰكِن يُدْخِلُ مَن يَشَآءُ فِى رَحْمَتِهِۦ وَٱلظَّٰلِمُونَ مَا لَهُم مِّن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub8. Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa [4]. Daalimiintu ma leh sokeeye iyo gargaare midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمِ ٱتَّخَذُوا۟ مِن دُونِهِۦٓ أَوْلِيَآءَ فَٱللَّهُ هُوَ ٱلْوَلِىُّ وَهُوَ يُحْىِ ٱلْمَوْتَىٰ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub9. Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا ٱخْتَلَفْتُمْ فِيهِ مِن شَىْءٍ فَحُكْمُهُۥٓ إِلَى ٱللَّهِ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبِّى عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَإِلَيْهِ أُنِيبُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana u noqdaa [5].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ جَعَلَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا وَمِنَ ٱلْأَنْعَٰمِ أَزْوَٰجًا يَذْرَؤُكُمْ فِيهِ لَيْسَ كَمِثْلِهِۦ شَىْءٌ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلْبَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah [6], waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لَهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَبْسُطُ ٱلرِّزْقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقْدِرُ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub12. (Alle) baa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada, wuxuu u waasiciyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), wax walbana (Alle) wuu Og yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

شَرَعَ لَكُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا وَصَّىٰ بِهِۦ نُوحًا وَٱلَّذِىٓ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ وَمَا وَصَّيْنَا بِهِۦٓ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَىٰٓ أَنْ أَقِيمُوا۟ ٱلدِّينَ وَلَا تَتَفَرَّقُوا۟ فِيهِ كَبُرَ عَلَى ٱلْمُشْرِكِينَ مَا تَدْعُوهُمْ إِلَيْهِ ٱللَّهُ يَجْتَبِىٓ إِلَيْهِ مَن يَشَآءُ وَيَهْدِىٓ إِلَيْهِ مَن يُنِيبُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Wuxuu idiin jideeyey xagga diinta wuxuu u dardaarmay Nuux, iyo waxaan kuu waxyoonnay, iyo waxaan u dardaarannay Ibraahiim, Muuse, iyo Ciise: Inaad oogtaan diinta oo ku kala qaybsamin. Waa ku adag tahay mushrikiinta waxaad (Towxiidka) aad ugu yeedhaan. Alle wuxuu u doortaa Xaggiiisa qofkuu doono, wuxuuna u hanuuniyaa Xaggiiisa kan u soo laabadka badiya (xusid iyo tawbad ahaan).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا تَفَرَّقُوٓا۟ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلْعِلْمُ بَغْيًۢا بَيْنَهُمْ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰٓ أَجَلٍ مُّسَمًّى لَّقُضِىَ بَيْنَهُمْ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُورِثُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ مِنۢ بَعْدِهِمْ لَفِى شَكٍّ مِّنْهُ مُرِيبٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub14. Ma ay noqon kuwo kala qaybsan (xagga diinta) markuu u yimid cilmiga kaddib mahee xasad darti dhexdooda ah. Haddii aysan jirteenna Kelmed uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah (in lala sugo Qiyaamada), waa la kala xukumi lahaa dhexdooda. Kuwana la dhaxal siiyey Kitaabka iyaga kaddib (Yuhuudda iyo Nasaarada) shaki weyn bay ka qabaan (diinta).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَلِذَٰلِكَ فَٱدْعُ وَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَآءَهُمْ وَقُلْ ءَامَنتُ بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِن كِتَٰبٍ وَأُمِرْتُ لِأَعْدِلَ بَيْنَكُمُ ٱللَّهُ رَبُّنَا وَرَبُّكُمْ لَنَآ أَعْمَٰلُنَا وَلَكُمْ أَعْمَٰلُكُمْ لَا حُجَّةَ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱللَّهُ يَجْمَعُ بَيْنَنَا وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Arrin(kani) (Towxiidka) ku baaq adigoo ku sugnaan dhabbaha toosan sida lagu amray [7], hana raacin hawadooda (xun) oo dheh: Waxaan rumeynay wuxuu Alle soo dejiyey oo Kitaab ah, waxaana la i amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiinba. Waxaan mudan acmaashayada idinkuna waxaad mudan acmaashiinna [8], xujo (hadda) inama dhex taallo [9]. Allaah baa ina soo kulmin innagoo dhan, waana Xaggiisa meel noqodka dambe.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يُحَآجُّونَ فِى ٱللَّهِ مِنۢ بَعْدِ مَا ٱسْتُجِيبَ لَهُۥ حُجَّتُهُمْ دَاحِضَةٌ عِندَ رَبِّهِمْ وَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ وَلَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti [10], dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ وَٱلْمِيزَانَ وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ قَرِيبٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub17. Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda). Maxaa ku ogeysiin waa intaasoo Saacadda 'Qiyaame' Dhowdahay?

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

يَسْتَعْجِلُ بِهَا ٱلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِهَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مُشْفِقُونَ مِنْهَا وَيَعْلَمُونَ أَنَّهَا ٱلْحَقُّ أَلَآ إِنَّ ٱلَّذِينَ يُمَارُونَ فِى ٱلسَّاعَةِ لَفِى ضَلَٰلٍۭ بَعِيدٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub18. Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da [11], halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda 'Qiyaame' waxay ku sugan yihiin habow fog.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱللَّهُ لَطِيفٌۢ بِعِبَادِهِۦ يَرْزُقُ مَن يَشَآءُ وَهُوَ ٱلْقَوِىُّ ٱلْعَزِيزُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

مَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلْـَٔاخِرَةِ نَزِدْ لَهُۥ فِى حَرْثِهِۦ وَمَن كَانَ يُرِيدُ حَرْثَ ٱلدُّنْيَا نُؤْتِهِۦ مِنْهَا وَمَا لَهُۥ فِى ٱلْـَٔاخِرَةِ مِن نَّصِيبٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ لَهُمْ شُرَكَٰٓؤُا۟ شَرَعُوا۟ لَهُم مِّنَ ٱلدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنۢ بِهِ ٱللَّهُ وَلَوْلَا كَلِمَةُ ٱلْفَصْلِ لَقُضِىَ بَيْنَهُمْ وَإِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin. Haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in lala sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintu waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

تَرَى ٱلظَّٰلِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا كَسَبُوا۟ وَهُوَ وَاقِعٌۢ بِهِمْ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فِى رَوْضَاتِ ٱلْجَنَّاتِ لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمْ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلْفَضْلُ ٱلْكَبِيرُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ذَٰلِكَ ٱلَّذِى يُبَشِّرُ ٱللَّهُ عِبَادَهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ قُل لَّآ أَسْـَٔلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا إِلَّا ٱلْمَوَدَّةَ فِى ٱلْقُرْبَىٰ وَمَن يَقْتَرِفْ حَسَنَةً نَّزِدْ لَهُۥ فِيهَا حُسْنًا إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ شَكُورٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. (Arrin)kaasi waa waxa uu Alle ugu bishaareeyo addoomahiisa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Dheh: Idinku weydiisan maayo wax abaalgud ah baaqakani, aan aheyn kalgacal qaraabannimo. Qofkii kasbada wanaagna waxaanu siin wanaag ka badan.Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَمْ يَقُولُونَ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا فَإِن يَشَإِ ٱللَّهُ يَخْتِمْ عَلَىٰ قَلْبِكَ وَيَمْحُ ٱللَّهُ ٱلْبَٰطِلَ وَيُحِقُّ ٱلْحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦٓ إِنَّهُۥ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Mise waxay leeyihin: Wuxuu ka been sheegay Alle? Hadduu doono Alle, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga [12]. Alle wuu tirtiri baadilka, kuna sugi xaqa Kelmadihiisa. Hubaal Alle wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى يَقْبَلُ ٱلتَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِۦ وَيَعْفُوا۟ عَنِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ وَيَعْلَمُ مَا تَفْعَلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. (Alle) waa Kan ka aqbala tawbada addoomahiisa ee cafiya denbiyada, wuuna Og yahay waxaad fashaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَسْتَجِيبُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَيَزِيدُهُم مِّن فَضْلِهِۦ وَٱلْكَٰفِرُونَ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Wuxuu (Alle) ajiibaa kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo siiyaa wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Gaaladuse waxay leeyihiin Cadaab Daran.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَوْ بَسَطَ ٱللَّهُ ٱلرِّزْقَ لِعِبَادِهِۦ لَبَغَوْا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَٰكِن يُنَزِّلُ بِقَدَرٍ مَّا يَشَآءُ إِنَّهُۥ بِعِبَادِهِۦ خَبِيرٌۢ بَصِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Hadduu Alle u fidin lahaa risiqa addoomahiisa, waxay ku qooqi lahaayeen arlada, Wuxuuse u soo dejiyaa qaddar waafaqsan siduu rabo. Alle addoomahiisa waa u Xog ogaal, Arkaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَهُوَ ٱلَّذِى يُنَزِّلُ ٱلْغَيْثَ مِنۢ بَعْدِ مَا قَنَطُوا۟ وَيَنشُرُ رَحْمَتَهُۥ وَهُوَ ٱلْوَلِىُّ ٱلْحَمِيدُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub28. (Alle) waa Kan soo dejiya roobka kaddib markay quusteen oo faafiya Raxmaddiisa. Waa Isaga Gargaaraha mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦ خَلْقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَآبَّةٍ وَهُوَ عَلَىٰ جَمْعِهِمْ إِذَا يَشَآءُ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub29. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa (muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) abuurista samooyinka iyo arlada iyo wuxuu ku fidiyey (abuuray) dhexdooda oo (nafley) dhul socod ah. Alle inuu soo kulmiyo dhammaantood markuu doono wuu Karaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَصَٰبَكُم مِّن مُّصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُوا۟ عَن كَثِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub30. Wixii idinku dhaca oo masiibo ah waa waxay kasbadeen gacmiihiinnu (oo denbiyo ah), Wuxuuna (Alle) idinka cafiyaa wax badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَآ أَنتُم بِمُعْجِزِينَ فِى ٱلْأَرْضِ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِىٍّ وَلَا نَصِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Kuma baxsan kartaan dhulka, mana lihidin Alle ka sokow ilaaliye iyo gargaare midna.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمِنْ ءَايَٰتِهِ ٱلْجَوَارِ فِى ٱلْبَحْرِ كَٱلْأَعْلَٰمِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub32. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka Alle doonyaha badda maaxa buuro oo kale ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِن يَشَأْ يُسْكِنِ ٱلرِّيحَ فَيَظْلَلْنَ رَوَاكِدَ عَلَىٰ ظَهْرِهِۦٓ إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَـَٔايَٰتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub33. Hadduu doono, Wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) dabeysha, markaasay fadhiistaan biyaha korkooda. Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo samir iyo mahad naq badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يُوبِقْهُنَّ بِمَا كَسَبُوا۟ وَيَعْفُ عَن كَثِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. Ama waa intaasoo uu u halligo [13] waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), wax badanna (Alle) wuu ka cafiyaa.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَيَعْلَمَ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِىٓ ءَايَٰتِنَا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub35. Waxayna ogaan kuwa ka dooda Aayadahayaga inaysan u sugnaanin meel ay magan galaan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَىْءٍ فَمَتَٰعُ ٱلْحَيَوٰةِ ٱلدُّنْيَا وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ لِلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Wixii la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay dhammaaneysa ee nolosha adduunkan, waxase Alle agtiisa ah baa u khayr badan oo daa’insan kuwa (Xaqa) rumeysan ee Rabbigood tala saarta.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَٰٓئِرَ ٱلْإِثْمِ وَٱلْفَوَٰحِشَ وَإِذَا مَا غَضِبُوا۟ هُمْ يَغْفِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub37. Ee ah kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, markay cadhoodaanna wax iska cafiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ ٱسْتَجَابُوا۟ لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَٰهُمْ يُنفِقُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub38. Ee ah kuwa ajiiba Rabbigood oo ooga salaadda, xukunkooduna wada tashi yahay dhexdooda, waxaan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَصَابَهُمُ ٱلْبَغْىُ هُمْ يَنتَصِرُونَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub39. Ee ah kuwa marka la dulmiyo is difaaca [14] 'xad gudub la'aan'.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَجَزَٰٓؤُا۟ سَيِّئَةٍ سَيِّئَةٌ مِّثْلُهَا فَمَنْ عَفَا وَأَصْلَحَ فَأَجْرُهُۥ عَلَى ٱللَّهِ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub40. Abaalka hal xume waa xume la mid ah, qofkii se iska cafiya oo wax hagaajiya, wuxuu ka heli ajarkiisa xagga Alle. Hubaal Alle ma uu jecla daalimiinta (gar diidka).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَنِ ٱنتَصَرَ بَعْدَ ظُلْمِهِۦ فَأُو۟لَٰٓئِكَ مَا عَلَيْهِم مِّن سَبِيلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Qofkii is difaaca kaddib marka la dulmiyey, kuwan weeye kuwa aan lagu lahayn jid (lagu eedo).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

إِنَّمَا ٱلسَّبِيلُ عَلَى ٱلَّذِينَ يَظْلِمُونَ ٱلنَّاسَ وَيَبْغُونَ فِى ٱلْأَرْضِ بِغَيْرِ ٱلْحَقِّ أُو۟لَٰٓئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Waxaa sideedaba jid lagu leeyahay (oo eed leh) kuwa dulmiya dadka, oo ku fallaagooba arlada xaq darro, kuwani waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaamaha) cadaab xanuun badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنْ عَزْمِ ٱلْأُمُورِ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub43.Qofkii sabra oo wax iska cafiya, kaasi [15] waa arrin loo qasdo (la go'aansado).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن وَلِىٍّ مِّنۢ بَعْدِهِۦ وَتَرَى ٱلظَّٰلِمِينَ لَمَّا رَأَوُا۟ ٱلْعَذَابَ يَقُولُونَ هَلْ إِلَىٰ مَرَدٍّ مِّن سَبِيلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub44. Qofkii uu Alle lumiyo, ma uu laha gargaare Isaga kaddib. Waxaadna arki daalimiinta markay arkaan cadaabka, iyagoo leh: Miyey jirtaa jid loogu laabto (adduunkii si aan u tawbad keenno).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَتَرَىٰهُمْ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا خَٰشِعِينَ مِنَ ٱلذُّلِّ يَنظُرُونَ مِن طَرْفٍ خَفِىٍّ وَقَالَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ ٱلْخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓا۟ أَنفُسَهُمْ وَأَهْلِيهِمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ أَلَآ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ فِى عَذَابٍ مُّقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub45. Waxaad arki (gaalada) iyagoo la hor keenay (Naarta) la tabaaleysan dulli (oo) ku eegaya libiqsi qarsoon. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay odhan: Hubaal Khasaara- yaasha waa kuwa khasaaray nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha. Ogaada, hubaal, daalimiintu waxay ku sugnaan (Qiyaamada) cadaab ma guuraan ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كَانَ لَهُم مِّنْ أَوْلِيَآءَ يَنصُرُونَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَمَن يُضْلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن سَبِيلٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub46. Uma sugnaan awliyo u soo gargaari Alle ka sokow. Qofkii uu Alle lumiyo, uma sugna wax jid ah (uu ku tooso).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

ٱسْتَجِيبُوا۟ لِرَبِّكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ يَوْمٌ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَكُم مِّن مَّلْجَإٍ يَوْمَئِذٍ وَمَا لَكُم مِّن نَّكِيرٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub47. Ajiiba Rabbigiin ka hor inta aanay iman Maalin xagga Alle ah aan la celin karin. Ma leh meel aad magan gashaan Maalintaas, mana inkiri kartaan denbiyadiinna [16].

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

فَإِنْ أَعْرَضُوا۟ فَمَآ أَرْسَلْنَٰكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا ٱلْبَلَٰغُ وَإِنَّآ إِذَآ أَذَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ مِنَّا رَحْمَةً فَرِحَ بِهَا وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌۢ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ فَإِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ كَفُورٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Hadday jeesadaan, kuuma aanu soo dirin ilaaliye ahaan korkooda. Ee waxa keliya ee ku saarani waa inaad gaarsiiso (Fartiinta). Markaanna dhadhansiinno Aadmiga naxariis Xaggayaga ah, wuu ku farxaa, haddayse musiibo gaadho waxay horay gacmahoodu u faleen darteed ah, Aadmigu wuu abaal dhac badan yahay.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

لِّلَّهِ مُلْكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ يَخْلُقُ مَا يَشَآءُ يَهَبُ لِمَن يَشَآءُ إِنَٰثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَآءُ ٱلذُّكُورَ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. Alle baa iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada. Wuxuu abuuraa Wuxuu doono. Wuxuu ugu deeqaa qofkuu doono gabdho, oo ugu deeqaa qofkuu doono wiilal.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَٰثًا وَيَجْعَلُ مَن يَشَآءُ عَقِيمًا إِنَّهُۥ عَلِيمٌ قَدِيرٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Ama Wuxuu isugu daraa labada noocyoodba’ lab iyo dheddig, wuxuuna ka dhigaa qofkuu doono ma dhaleys. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, Awood Badan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَمَا كَانَ لِبَشَرٍ أَن يُكَلِّمَهُ ٱللَّهُ إِلَّا وَحْيًا أَوْ مِن وَرَآئِ حِجَابٍ أَوْ يُرْسِلَ رَسُولًا فَيُوحِىَ بِإِذْنِهِۦ مَا يَشَآءُ إِنَّهُۥ عَلِىٌّ حَكِيمٌ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub51.Uma suurowda in Aadmi uu Alle toos ula hadlo Waxyi mooyee, ama kala hadlo daah gadaashi ama uu u soo diro Rasuul (malag ah) oo Idanki wuxuu doono ugu waxyooda. Hubaal (Alle) waa Sarreeye, Xakiim ah.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

وَكَذَٰلِكَ أَوْحَيْنَآ إِلَيْكَ رُوحًا مِّنْ أَمْرِنَا مَا كُنتَ تَدْرِى مَا ٱلْكِتَٰبُ وَلَا ٱلْإِيمَٰنُ وَلَٰكِن جَعَلْنَٰهُ نُورًا نَّهْدِى بِهِۦ مَن نَّشَآءُ مِنْ عِبَادِنَا وَإِنَّكَ لَتَهْدِىٓ إِلَىٰ صِرَٰطٍ مُّسْتَقِيمٍ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub52. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Ruux (Qur’aan) Amarkayaga ah, ma aadan ogeyn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna? Waxaanse ka yeelnay Nuur aan ku hanuuninno ciddaan doonno oo ka mid ah addoomahayaga. Oo xaqiiq Adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ku hanuunisaa (dadka) Jid Toosan.

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

صِرَٰطِ ٱللَّهِ ٱلَّذِى لَهُۥ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ أَلَآ إِلَى ٱللَّهِ تَصِيرُ ٱلْأُمُورُ

Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. Jidka Alle, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ogaada, xagga Alle bay u ahaan umuuraha oo idil (wuuna idin abaal marin, qof walba iyo camalki).

Eeg dhammaan turjumaadaha aayaddan →

Ma raadinaysaa mawduuc? Isku day raadinta macnaha — su'aashaada waxaa laga raadiyaa 6,236 aayadood.
Luqadda — 70