Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub4. Ee (ah) kuwa rumeysan waxa (Qur’aanka) lagugu soo dejiyey (Nabi Muxammadow), iyo waxa la soo dejiyey (oo Waxyi ah) adiga hortaa [4], Aakhirona yaqiinsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub7. Wuxuu Alle ku dhigay shaabbad daboosha quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan Caad [5]. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Alle u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub11. Marka lagu yidhaahdo: Ha fasaadanina (hallaynina) arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun wax hagaajiyaal.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub15. Alle baa ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub16. Kuwaasi waa kuwa iibsada habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacsigoodu ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowtka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Alle oo Isaga jirtaan shirkiga iyo xumaha kale).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub25. Ugu bishaaree kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, inay leeyihiin beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Mar kasta oo laga siiyo midho, Waxay odhan: Kani waa wixii hore naloo siiyey oo kale, waxaana la siiyey iyagoo isu eg (muuqaal ahaan kala duwan se dhadhan ahaan), waxayna ku leeyihiin dhexdeeda (Jannada) xaasas la daahiriyey, wayna ku dhex waari weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub26. Dhabtii Alle kama xishoodo inuu u soo qaato tusaale - kaneeco ama wax ka sii yarba [7]. Ma kuwa rumeysan, waxay og yihiin inuu yahay xaq ka yimid Rabbigood, kuwase gaalooba waxay yidhaahdaan: Muxuu ugula jeedaa Alle tusaalaha kani? Wuxuu ku habaabiyaa in badan, kuna hanuuniyaa in badan. Kumana habaabiyo waxaan ahayn caasiyaasha (macangagga ah madaxa adag).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub27. Ee ah kuwa ka baxa ballanka Alle kaddib sugiddiisa, oo gooya waxa Alle uu amray in la xidhiidhiyo (oo la wanaajiyo sida qaraabada iyo deriska), ee ku fala fasahaad arlada, kuwaasi weeye kuwa khasaaray [8].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub48. Iska jirana Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub49. (Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon [11], ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub50. Markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan harqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub53. (Xusuusta) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub55. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Alle si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub60. (Xus) markuu Muuse u biyo doonay qolodiisii, markaasaan ku nidhi: Ku dhufo ushaada dhagaxa, waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood. Waxay (qolo) walbaa ogaadeen halkay ka cabbayaan biyaha. Cuna oo wax ka cabba risiqa Alle, hana ugu dhaqmina si foolxun arlada idinkoo ku faafinaya fasaad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub64. Markaasaad jeesateen intaas kaddib, haddaanu Fadliga Alle iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyey iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac [13]. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed [14]. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey [16], si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah [18]? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub89. Markuu uga yimid (Yuhuudi) Kitaab (Qur’aan) xagga Alle rumeynaya waxay haystaan (Towraadda), iyagoo ka hor ay baryi jireen guul laga siiyo gaalada mushrikiinta ah, markuu u yimid (Nabi) ay garteen bay rumayn diideen. Ee naclad Alle dushooda ha ahaato gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub90. Xumaa waxay ku gateen nafahooda, inay ku gaaloobaan waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah xasad darti in Alle uu ku soo dejiyo Fadligiisa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay muteysteen cadho loo geeyey cadho [19]. Gaaladu waxay leeyihiin cadaab dulleysa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Alle wuu og yahay daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Alle wuu arkaa waxay falayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub98. Qofkii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa Rusushiisa, Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub104. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha odhannina Raacinaa (na dhowre, macno kale oo xun se leh sida kii noogu xumaayow) ee waxaad tidhaahdaan, "undurnaa (na sug oo aan macno kale lahayn oo xun) oo ahaada daacad wax maqla. Gaalada waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub105. Kuwa gaalooba ee ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta ma jecla in wax khayr ahi idiinkaga yimaado (Muslimiintoy) xagga Rabbigiin. Alle wuxuu ugu doortaa si gaar ah Naxariistiisa cidduu doono. Alle waa Kan iska leh Galladda weyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan [21] Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran [22]. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub113. Yuhuudi waxay yidhaahdaan: Nasaaradu (Kirishtaanku) ma raacaan wax wanaagsan; Nasaaraduna waxay yidhaahdaan: Yuhuudi ma raacaan wax wanaagsan; iyagoo akhriya isku hal kitaab. weliba sidaasoo kale bay yidhaahdaan kuwaasi aan cilmiga lahayn (mushrikiinta), sida waxay yidhaahdaan oo kale. Ee Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsan yihiin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub114. Yaa ka dulmi badan kan u diida (dadka) Masaajidda Alle, in lagu xuso Magaciisa, oo ku dadaala inuu kharaabiyo? Kuwani kuma habbooneyn inay soo galaan iyagoo cabsanaya ma’ahee. waxay la kulmi dulli adduunkan, waxayna leeyihiin cadaab weyn Aakhirada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub118. Kuwa aan waxba ogeyni "mushrikiinta' waxay yidhaahdeen: Muxuu Alle noola hadli waayey si toos ah ama calaamo ay noogu iman weydey (inaad Rasuul Alle tahay)? Weliba sidaas oo kale bay yidhaahdeen kuwii ka horreeyay, wax la mid ah hadalkooda oo kale, Quluubtooda baa dhammaan ah kuwa isa shabbaha. Waxaanu uga dhignay Aayadaha caddaan ciddii yaqiinsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo [25], kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub130. Yaa isaga taga diinta Ibraahiim (Islaamka), mid makas jaahil ah maahee? Waxaan hubaal ku doorannay (Ibraahiim) adduunkan, Aakhirana wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub132. Wuxuuna u dardaarmay isla arrinkaa Ibraahiim ilmahiisii, Yacquubna wuu u dardaarmay (wuxuu yidhi): Maandhooyinow! Alle wuxuu idiin doortay diintan (Islaamka) ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub134. Taasi waa ummad tagtay: Waxay leedahay waxay kasbatay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Alle ma mooga waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub143. Sidaasaan idiinka dhignay ummad dhexdhexaad (caadil) ah, si aad marag uga ahaataan dadka [27], iyo (si) uu Rasuulku marag idiinka ahaado. Kamana aanaan dhigin qibladdaad qaabili jirtay, waxaan ahayn inay kala muuqato qofka raaca Rasuulka iyo kan cirbihiisa rogta (gaalooba). Waxayna aheyd wax ku adag marka laga reebo kuwa uu hanuuniyey Alle. Allena ma aha mid ajar tiraya iimaankiinnii (salaadahiinnii hore). hubaal, Alle dadka waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Alle ma mooga waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub145. Haddaad u keentona kuwa (xaq diidka ah) ee la siiyey kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) calaamo kasta ma ay raacayaan Qibladdaada. Adiguna ma ahid mid raacaya qibladdooda. Iyaguna ma aha kuwo raacaya Qibladda mid walbaa midka kale. Haddaad raacdona hawadooda kaddib Cilmiga kuu yimid, markaa waxaad ka mid noqon gar diidka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub148. Mid walba wuxuu leeyahay jiho uu u jeesto (iyo hadaf uu higsado) uu Alle u jeediyey. Ee u tartama sama falka. Meel kastoo aad joogtaan, Alle wuu idin wada keeni idinkoo dhan. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub150. Meel kastoo aad u baxdana (si aad u tukato) u jeedi wejigaaga jihada Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi (Kacbada), meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihadiisa (markaad tukanaysaan) si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah kuwa ka midka ah ee gar diidka ah mooyee, ee ha ka baqina, ee Aniga iga Baqa (Alle Keliya), si aan idiinku dhammeystiro Nicmaddayda korkiinna, iyo si aad u hanuuntaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub157. Kuwaasi weeye kuwa ay korkooda ahaatay barakooyin xagga Rabbigood iyo naxariis, oo kuwaas weeye kuwa hanuunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood [32], qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub160. Kuwa tawbad keena mooyee ee wanaagsanaada, oo si cad u muujiya (Xaqa ay qariyeen). Kuwaa weeye kuwa aan ka tawbad aqbali. Waxaana ahay Tawbad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub163. IIaahiinnu waa Ilaah keliya (Allaah), ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Naxariistaha, Naxariista Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Ma ahana kuwo laga soo bixin Naarta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa macsi iyo xumaan [35], iyo inaad ka sheegtaan Alle wax aydaan u lahayn aqoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub170. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo, raaca waxa uu Alle soo dejiyey oo Waxyi ah, waxay yidhaahdaan: Mayee! Waxaanu raaci waxaan ka hellay aabbayaashayo. Ma walow aanay aabbayaashood waxba garaneyn, oo ayan hanuunsanayn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub172. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan [36] oo aan idinku galladeysannay, una mahad naqa Alle, hadduu Isagu yahay Kan aad caabuddaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub173. Wuxuu uun idinka xaaraameeyay xoolaha iskood u dhinta (baqtiga), dhiig, hilib doofaar, iyo waxaa dushooda lagu xusay magac kale aan ahayn kaa Alle. Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax denbi ah oo saaran korkiisa. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub174. Xaqiiq kuwa qariya waxa Alle soo dejiyey oo Kitaabka ah, siistana qiimo yar, kuwaas ma cunaan oo geliyaan caloolahooda waxaan dab ahayn. Alle lama hadlayo Maalinta Qiyaame, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub175. Kuwaa weeye kuwa iibsada habow halkii Hanuunka, iyo cadaab halkii Denbi Dhaafka. Ee ku dhiirranaa (denbiyada lagu galo) Naarta dabka 'aan dameyn' ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub176. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle u soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq. Kuwase isku khilaafa Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Alle, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maal isagoo jecel [37] kuwa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, tub ku joogga (socotada go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ee ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga, jirrada iyo dagaalka - Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaarmo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah [38]. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) [39].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaarmaha ee ka sameeya heshiis [40] dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon [41] sidii loogu faral yeelay ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan Amarrada Alle oo) isaga jirtaan xumaha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu (waa Alle'e) waan dhowahay, waan ajiibaa baryada markuu qofku i baryo [44]. Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub188. Ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo siin (laaluush) madaxda, si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah maalka dadka denbi idinkoo ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub189. Waxay wax kaa weydiin Bilaha dhasha. Dheh: Waa waqtiyo loo cayimay dadka iyo Xajka. Ma ahana samahu inaad guryaha ka soo gashaan duleedkooda [46], waxaase sama ah in qofku iska jiro (xumaha), ugana imaada guryaha albaabbadooda, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle si aad u liibaantaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub190. Kula dagaallamana Jidka Alle kuwa idinla dagaallama, hana xadgudbina. Hubaal Alle ma jecla xad gudbayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi (iyo dulmi), Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale [47]. Alle ka cabsada, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub195. Ku bixiyana wax jidka Alle, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin [55]. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub199. Markaas ka dareera meeshuu dadku ka dareero, weydiistana denbi dhaaf Alle, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin [56] ama xusid ka badan [57]. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub202. Kuwaasi waxay leeyihiin qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Alle wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan [58]; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood [59], ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara [60] ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka [61].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka. Alle ma jecla fasahaadka.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub206. Marka lagu yidhaahdo, Alle ka cabso (oo iska jir Ciqaabkiisa); qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub207. Waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Alle [62]. Alle wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) malaa’igtuna (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinkana (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub212. Nolsoha adduunkan baa loo qurxiyey kuwa gaalooba, waxayna ku jeesjeesaan kuwa rumeysan, kuwase iska jira (shirkiga iyo xumaha kale), iyaga baa ka sarreyn doona oo ka kor ah (gaalada) Maalinta Qiyaamaha. Alle wuxuu arzaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub213. Dadku (dhammaan) wuxuu ahaa ummad keliya (ka hor weecashadooda), markaasuu Alle soo diray Nabiyada bishaareeyaal iyo digayaal ahaan,Wuxuuna la soo dejiyey Kitaabka oo Xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, oo iskuma khilaafin waxaan ahayn isla kuwii (Kitaabka) la siiyey kaddib markay u yimaadeen Xujooyin cad xasad dhexdooda ah dartiis. Markaa- suu Alle Idankiisa ugu hanuuniyey kuwaa rumeysan Xaqa waxay gudahooda isku khilaafeen. Alle wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono Jid Toosan (Islaamka).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub214. Mise ma waxaad mooddaan inaad gelaysaan Jannada iyadoo aanay idiin iman wax la mid ahi wixii u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyey? Waxaa taabtay faqri iyo jirro oo la gilgilay jeer uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay la jirki ay yidhaahdeen: Goormuu iman Gargaarka Alle? Ogaada,
Hubaal, Gargaarka Alle wuu dhow yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub217. Waxay wax kaa weydiin bisha xurmadda gaarka ahi leh (Rajab iyo bilaha la midka ah) in la galo dagaal. Dheh: In dagaal la galo waa (xad gudub) weyn, (waxaase ka sii daran) Alle agti ka hor istaagidda dadka raacidda Jidka Alle iyo ku gaaloobiddiisa, in laga hor istaago dadka gelidda Masjidka Xaramka, iyo ka saaridda dadkeeda, fidnadaana [63] ka daran dilka. Ma dayn doonaanna (gaaladu) la dagaallankiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna, hadday awoodaan. Qofkii idinka mid ahna ee ka riddooba diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaa weeye kuwa ay buri camalladooda adduun iyo aakhiraba, waana iyaga ehlu Naarka; wayna ku waari dhexdeeda weligood.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub218. Hubaal kuwa rumeeyay (Xaqa) iyo kuwa soo haajiray ee ku jihaaday Jidka Alle, kuwaa waxay rajayn Naxariista Alle. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga [64] iyo Qamaarka [65]. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub222. Waxay wax kaa weydiin xaylka (dhiigga caadada ee dumarka ku dhaca). Dheh: Waxaa weeye waxyeello, ee ka fogaada dumarka waqtiga xaylka, hana u dhowaanina intay ka daahir noqdaan. Markay daahir noqdaan uga taga meesha Alle idinku amray; Hubaal Alle wuxuu jecel yahay kuwa tawbad keenka badan, wuxuuna jecel yahay kuwa isdaahiriya.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub223. Xaasaskiinnu waxay idiin yihiin beer, ee u taga beertiinna markaad doontaanba, una hormrsada (khayr) nafahiinna. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana inaad la kulmi doontaan, oo u bishaaree mu'miniinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub224. Ha ka dhigina ku dhaarashadiina Alle wax idinka xanniba inaad sama fashaan oo ka joogtaan (xumaha), iyo inaad kala maslaxdaan dadka. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub225. Alle Idiin ma qabanayo dhaaro qasad la'aaneed aan niyad aheyn, wuxuuse idiin qabanayaa waxay quluubtiinna goostaan oo u bareeraan (dhaar niyad ah). Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda [66], waxaa la sugayaa afar bilood [67], Hadday ka soo noqdaan (Muddadaa ka hor), hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub228. Haweenka la furayna waa inay u sugaan (guursigooda) saddex xayl (ama ka daahiroobid dhiigga caadada), mana u bannaaana inay qariyaan wuxuu Alle ku abuuray riximyadooda, hadday rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Nimankoodaana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, hadday rabaan heshiis; waxayna (haweenku) leeyihiin xuquuq inta lagu leeyahay oo kale oo si wanaagsan ah, nimankuse waxay dheer yihiin darajo (mas'uuliyad ah). Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub229. Furitaan waxaa (lagu dhawaaqi karaa) labo goor (oo kolba mid ah aan isku mar aheyn), ee u haysta (xaasaskiinna) si wanaagsan, ama u sii daaya si wanaagsan. Idiinmana bannaana (raggow) inaad dib uga qaadataan wax ka mid ah waxaad siiseen (oo meher ah), in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, haddaad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha (uu dhigay) Alle, markaa ma saarna wax eed ah korkooda waxay isku furato si ay u madax bannaanaato. Kuwakani waa xuduudaha (uu dhigay) Alle, ee ha ku xadgudbina. Qofkii ku xadgudbaa xuduudaha (uu dhigay) Alle, waa kuwaa daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub231. Markaad furtaan haweenka, oo ay ku dhowaadaan gaaridda muddada loo qabtay, markaa ama u heysta si wanaagsan ama u sii daaya si wanaagsan. Hana u heysannina dhibaateyn si aad u xadgudubtaan, qofkii sidaas fala, wuxuu dulmiyey naftiisa. Ha ka dhigannina Aayadaha Alle dheel-dheel, oo xusuusta Nicmadda Alle korkiinna, iyo wuxuu idiin soo dejiyey oo ka mid ah Kitaabka iyo Xikmadda oo uu idinku waaninayo, oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Alle wax walba Og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub232. Markaad furtaan haweenka oo ay dhammeystaan muddadooda sugitaanka (ciddada), markaa ha ka hor istaagina guursiga nimankooda, markay ka heshiiyaan dhexdooda si la yaqaan. (Arrinkan) waa mid lagu waaniyo qofkii idinka mid ah ee rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Alle baana ogsoon oo idinku ma ogidin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub234. Kuwiinna idinka mid ah ee dhinta oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay sugaan (xaasaskaa) afar bilood iyo toban maalmood, markay gaaraan muddadooda (dhammeystaan ciddada) ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo si la yaqaan ah. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan [68] ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaada inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub236. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran, haddaad furtaan haweenka idinkoo aan weli taaban, ama aydaan u goyn wax meher ah, siiyana sahay, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay la yaqaan, (kani) waa waajib saaran sama falayaasha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub237. Haddaad furtaan haweenka ka hor intaydaan taaban, aadna u goyseen Meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay iyagu cafiyaan maahee, ama uu cafiyo (ninka_waliga) uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan (waa ninka oo siiya meherkii oo kaamil ah ama inay iyadu iska cafido meherkaa nuskiisa ay leedahay) baa u dhow (samaha iyo) Alle ka cabsiga. Ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Hubaal Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe [69] una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub240. Kuwa dhinta ee idinka mid ah oo ka taga xaasas gadaashood, waa inay u dardaarmaan xaasaskooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn [70], haddayse iskood u baxaan, ma jiro wax eed ah oo idin saaran waxay ku falaan nafahooda oo gar ah. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub241. Haweenka la furona (waa in la siiyo) sahay la yaqaan. Kani waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada ee dhowra (Amarradiisa).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub243. Miyaadan ogaan (qisada) kuwii (reer Israa'iil) ee ka soo baxay guryahoodii (ku yiil Masar) iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri (oo diiddan jihaadka)? Markaasuu Alle ku yidhi: U Dhinta (silic iyo saxariir), oo nooleeyey (waa facii ka dambeeyey tiiha, markay oggoladeen jihaadka). Alle waa u Roon yahay dadka, dadkuse badankiisu ma mahad naqaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub245. Kee baa amaahin Alle amaah wanaagsan (sadaqo la bixi ama siin deyn qof baahan kor saar la'aan) uu u labo laabaa labo laab badan? Alle wuu (ku) cidhidhiiyaa (risiqa cidduu doono) ama u ballaariyaa. Xaggiisaana la idiin soo celin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Alle wuu og yahay daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub248. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (sanduuq) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub254. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxaan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jirin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, gaaladuna waa iyaga daalimiinta.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka waa mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka [74] oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho [77]. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub260. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, oo jarjar, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho [79] iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun [80], oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub270. Waxaad bixisaanna oo sadaqo ah ama aad nadartaan oo nadar ah, Alle wuu ogsoon yahay. Daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub272. Hanuunkoodu ma aha xil ku saaran, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Waxaad bixisaan oo khayr ah, idinka naf ahaantiinnay u roon tahay, oo idinku wax ha u bixinnina aan ahayn doonista Wajiga Alle. Waxaad bixisaan oo khayr ahna waa la idiin oofin si dhan, idinkoo aan waxba la idinka dulmineyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub273. (Sadaqada) waxaa ugu mudan in la siiyo fuqarada u heegan xayirmay Jidka Alle (jihaadka), ee aan kareyn dhoof iyo dhaqdhaqaaq dhulka (ay xoogsi ku raadsadaan) midka aan aqooni uu moodayo inay hodan yihiin naf samaantooda awgeed iyo ka dhowrsigooda (baryada), waxaad ku garan kartaan astaamahooda, ma ay baryaan dadka sideedaba. Waxaad bixisaanna oo khayr ah, Alle wuu Ogsoon yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub274. Kuwa bixiya maalkooda habeen iyo maalinba, qarsoodi iyo caddaanba, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub275. Kuwa Ribada ku macaamila kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco [81]. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada. Alle wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay [82]; arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Alle ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub277. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada oo iskaga taga waxa ka baaqi ah ribada (kor saarka), haddaad tihiin mu’miniin.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) [83].
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub282. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora. Hana idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah. Oo yaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Alle u baray, ee ha qoro, oo ha yeedhiyo (waxa la qorayo) kan xaqa (deynta) qaadan, oo ha dhowro (xilkuu saaray) Alle, Rabbigi, oo yaanu ka dhimin wax ka mid ah waxa lagu yeesho. Haddiise kan xaqa lagu leeyahay uu yahay mid makas ama daciif ah ama aanu awoodin inuu wax yeedhiyo, kan ugu dhow xigaalo ahaan ha u yeedhiyo si caddaalad ah, marag gashadana labo markhaati oo Raggiinna ka mid ah. Haddaanay joogin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si hadday middood u hilmaanto, ay u xusuusiso tan kale. Waa inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeedho (markhaati). Ha ka caajisina inaad qortaan (deynta aad kala qaadataan) ha yaraado ama ha badnaado ilaa muddadiisa la qabtay, tan baa caddaaladsan Alle agtiisa oo toosan markhaati ahaan, oo ugu dhow si loo reebo shakiyo dhexdiinna gala, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax eed ahi korkiinna haddaydaan qorin. Ee marag u yeela markaad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore ama markhaati midkoodna, haddaad fashaan (dhibaato) waa caasinnimo idinku jirta. Dhowra (xilkuu idin saaray) Alle; Alle wax buu idin bari. Alle wax waliba wuu Og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha ka cabsado Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Alle waxaad fashaan wuu Og yahay.
Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.